Dal muslim ah oo ciidamadii ugu horreeyey u diraya Qasa

.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Dalka Indonesiya ayaa sheegay inay diyaarinayaan ilaa 8,000 oo askari oo ay u dirayaan Qaza, iyada oo noqonaysa waddankii ugu horreeyay ee tallaabadan qaada, arrintan oo qayb ka ah marxaladda labaad ee heshiiskii xabbad-joojinta ee uu dhexdhexaadiyay Maraykanku dhammaadkii sannadkii hore.

Taliyaha guud ee ciidanka, General Maruli Simanjuntak, ayaa ka hadlay bilawga tababarka askarta iyadoo diiradda la saarayo hawlgallada caafimaad iyo injineernimada ee Qaza.

Indooniisiya waxay ku biirtay Golaha Nabadda ee uu aasaasay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo uu ku dhawaaqay bishii la soo dhaafay.

Golahan waxa uu leeyahay masuuliyad la mid ah middii Golaha Amniga Qaramada Midoobay si loo abuuro ciidan caalami ah oo xasillooni ah oo gacan ka geysan doona sugidda xuduudaha Qaza iyo hubinta in laga dhigo Qaza aag hubka ka caaggan, oo ay ku jirto hub ka dhigista ururka Xamaas.

Golahan, oo la filayo inuu ku yeesho kulankiisii ugu horreeyay Washington 19-ka Febraayo, waxa kale oo uu kormeerayaa dawlad tignoolajiyadeed oo cusub oo Falastiini ah oo laga sameeyo Qaza iyo dib-u-dhiska deegaankaas ka dib dagaalkii.

Inkasta oo aan weli la cayimin wakhtiga saxda ah ee dirista ciidanka Indooniisiya iyo doorka ay ku yeelan doonaan Qaza, haddana waxa muuqata in Madaxweyne Prabowo Subianto uu go'aansaday in la diro.

Go'aankiisa ku biirista Golaha Nabadda waxa uu la kulmay dhaleecayn ka timid kooxaha Islaamiga ah ee gudaha Indooniisiya, halkaas oo ay jirtay cadho dadweyne oo ballaadhan oo ku saabsan doorka Maraykanka ee duqeymaha Israa'iil ee Qaza.

Hase yeeshee Prabowo waxa uu ku doodaa in Indooniisiya, oo ah waddanka ugu badan ee Muslimiinta adduunka, ay tahay inay gacan ka geysato xasilloonida Qaza, isaga oo intaa ku daray in ka qaybqaadadkeedu uu ugu dambayn noqon doono dadaal lagu gaadho xalka laba dawladood ee khilaafka Israa'iil iyo Falastiin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Warbaahinta dawladda Israa'iil ayaa sheegtay in aag u dhaxeeya Rafax iyo Khan Yuunis ee koonfurta Qaza loo qoondeeyay inay ciidanka Indooniisiya degi doonaan, kana heli doonaan dhismaha xeryo loogu talagalay dhowr kun oo askari.

Waddammo kale oo Muslimiin ah sida Turkiga iyo Baakistaan ayaa sidoo kale ka fiirsanaya oo qorshaynaya dirista ciidankooda, laakiin waxay caddeeyeen inay noqon doonto oo keliya ilaalinta nabadda, isla markaana aanay faragelin doonin hawsha hub ka dhigista Xamaas.

Indonesia waa dalka ugu Muslimiinta badan dunida laakiin waxa si rasmi ah dalka looga aqoonsan yahay lix diimood, waxaanay aqbalaadda kala duwanaanshahu qayb ka tahay falsafadda dawladda ee loo yaqaan Pancasila.

Xaaladda Qasana, xabbad-joojintu weli waa mid jilicsan. In ka badan 460 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa'iil ka geysatay tan iyo markii ay dhaqan gashay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas, halka ciidanka Israa'iil ay sheegeen in saddex askari oo iyaga ka tirsan lagu dilay weerarro muddadaas gudaheeda.

Dagaalka waxaa sababay weerar ay hoggaaminaysay Xamaas oo 7-dii Oktoobar 2023 ka dhacay koonfurta Israa'iil, kaas oo ay ku dhinteen qiyaastii 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubtay.

Israa'iil ayaa ka jawaabtay weerarka iyadoo billowday olole militari oo ka dhan ah Qaza, intii uu socdayna ay ku dhinteen in ka badan 71,550 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.