Dawo rajo gelisay dadka qaba Xanuunka Migraine-ka (Dhanjafka)

માઇગ્રેન, માથાનો દુખાવો, સ્વાસ્થ્ય, હેલ્થ, આધાશીશી, બીબીસી ગુજરાતી

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Iyadoo in ka badan hal bilyan oo qof oo dunida ku nool ay la tacaalayaan xanuunka madax xanuunka oo Soomaalida u taqaan goonjabk/dhanjafka, cilmi-baarisyadu waxa ay hormarinayaan daawooyin cusub si loola tacaallo dhibaatadaan naafayn karta qofka.

Megan Daniels oo 35 jir ah, kuna nool Liverpool, Britain waxa ay Subax kasta, inta ayasan wax kale qaban waxa ay masaaj iyo jimcin ku sameysaan murqaha qoorteeda, iyada oo isticmaaleysa qalab yar oo u eg raadiye gacmeed.

Megan oo sharraxeysa waxa uu qalabkaan yahay tiri "Waxay ila tahay sidii mowjado maskaxeed oo maskaxdayda dhex socda." Waxay duugistan sameysaa maalin kasta xilliga qadada, sidoo kalena waxa ay ku celisaa habeenkii marka ay hurdada isku diyaarineyso. Qalabkan ayay u adeegsataa yareynta xanuunka migraine-ka

Dhanjafku waa cudur neerfaha ku dhaca oo halis ah oo saameeya in ka badan hal bilyan oo qof caalamka. Badanaa dadka qaba waxay la kulmaan madax-xanuun soo noqnoqda oo daran, wareer ama madax-wareer.

Daniels waxay isticmaashaa qalab loo yaqaan neuromodulation oo ku shaqeeya koronto si uu furfuro neerfaha iyo wareegga dhiigga ee wejiga iyo madaxa. "Markaan isticmaalo, waxaan dareemaa sidii inaan galay xaalad la mid ah hurdo yar," ayay tiri Daniels.

Fahamka Saynisyahannada ee madax xanuunka Migraine-ka

માઇગ્રેન, માથાનો દુખાવો, સ્વાસ્થ્ય, હેલ્થ, આધાશીશી, બીબીસી ગુજરાતી

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkasta oo Migraine-ku uu aad u badan yahay, haddana sababaha saxda ah iyo calaamado isku mid ah oo lagu garan karo weli lama ogaan, waxa ayna ay cilmi-baaraysha caafimaadku iyo dhaqaatiirta waxa ay isku dayayaan in ay xal u helaan.

Dadka qaba xanuun waxa ay muddooyinkaan haystaan fursado badan oo ay ku dejin karaan xanuunka tirada badan leh ee la kulmaan, maddaama ay lasoo saaray qalab kala duwan oo ka caawin in ay ku duugaan neerfaha madaxa, iyaga oo adeegsanaya qalabkaan ku shaqeenaya korontada.

Cilmi-baaris cusub ayaa sidoo kale muujinaysa in mustaqbalka la heli doono daawooyin badan. Si kastaba, intee in la eg ayaan u dhawnahay in gebi ahaanba laga takhaluso Mirgaine-ka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waa wax aad u farxad leh in maanta la awoodo daawaynta migraine-ka (dhanjafka)," ayuu yiri Narayan Kissoon, oo ah dhakhtar neerfaha ah oo ka tirsan Mayo Clinic ee Minnesota, Maraykanka. "Markii aan bilaabay shaqadeyda qiyaastii toban sano ka hor, daawayntu aad bay uga yareyd tan maanta la heli karo."

Hase yeeshee, Migraine-ku weli waa mid adag in la daweeyo. Waa sababta labaad ee ugu badan ee naafanimada adduunka, haddana qof walba si gaar ah ayuu u waayaa cudurka.

Badanaa bukaanku waxay la kulmaan xanuun hal dhinac ka ah madaxa. Madax-xanuunku wuu noqon karaa mid daran ama fudud. Dadka qaar waxay la kulmaan lalabo, matag, iyo in uu dhibsado iftiinka, codka, urk/carafta iyo dhaqdhaqaaqa.

"Ma jiro cabbir shaybaar oo rasmi ah oo lagu ogaan karo heerka Migraine-ka, mana jiraan tijaabooyin shaybaar ama calaamado gaar ah oo lagu garto," ayay tiri Tesha Monteith oo madax ka ah waaxda madax-xanuunka ee Jaamacadda Miami Health System.

Maxay u adag tahay in la daweeyo Migraine-ka?

માઇગ્રેન, માથાનો દુખાવો, સ્વાસ્થ્ય, હેલ્થ, આધાશીશી, બીબીસી ગુજરાતી

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daawayntu sidoo kale way kala duwan tahay, maadaama jawaabta bukaannadu isku mid ahayn. Qaar si degdeg ah ayay uga bogsadaan, halka kuwo kale ay ku qaadato muddo dheer ama aysan waxba u tarin dawooyinka ay qaataan waqtigaas.

Isticmaalka badan ee dawooyinka xanuun-baabi'iyaha ayaa qofka uga sii dari kara, waxa ayna taasi dhaqaatiirtu u aqoonsadeen madax-xanuunka ka dhasha isticmaalka badan ee daawooyinka.

Kala duwanaanshaha xanuunkaan ay dadka waxaa kamid ah in qofna uu si joogto ah ugu soo noq-noqdo, halka qof kalana uu la kulmo waqtiyo kooban. Sidoo kale, bukaanno badan waxay door bidaan daawayn ka hortag ah oo joojin karta weerarka ka hor intuusan bilaaban.

Horumarka ugu weyn ee daawaynta migraine-ka (dhanjafka) waxa uu bilowday markii saynisyahannadu ay diiradda saareen xididdada dhiigga ee ku dhow maskaxda, gaar ahaan borotiin la yiraahdo CGRP.

Xanuunka iyo Daweynta.

Daraasado la sameeyay 1990-meeyadii ayaa muujiyay in bukaanada laga qaado dhiigga ka soo laabanaya maskaxda uu ku badan yahya borotiinka CGRP. Borotiinkan yar wuxuu kordhiyaa xasaasiyadda neerfaha, gaar ahaan marka uu migraine jiro.

Cilmi-baaris ayaa muujisay in la yareeyo borotiinnada maskaxda ay hoos u dhigi karto weerarrada Migraine-ka. Taasi waxay horseeday in suuqa la keeno siddeed dawo lagu dhimi karo boritiinkaas. Dawoyinkaas qaar waxay ka saaraan borotiinka dhiigga, qaarna waxay ka hor istaagaan inuu kiciyo unugyada neerfaha.

Daraasad 2025 la sameeyay ayaa muujisay in 70% bukaannada qaata daawooyinka CGRP muddo hal sano ah uu hoos u dhacay xanuunka ilaa 75%, halka 23% gebi ahaanba ay ka bogsadeen migraine-ka.

Daniels, waxa ay isticmaashay mid kamid ah dawooyinka buritiinka maskaxda, gaar ahaan nooca loo yaqaanno vestibular migraine, taasoo saameysa dheelitirka jirka. Mararka qaar xanuunku aad buu u darnaa oo guriga kama bixi karin.

Dawooyinka Cusub ee la soo saarayo.

માઇગ્રેન, માથાનો દુખાવો, સ્વાસ્થ્ય, હેલ્થ, આધાશીશી, બીબીસી ગુજરાતી

Xigashada Sawirka, Getty Images

Helitaanka CGRP wuxuu furay waddooyin cusub. Waxaa sidoo kale, hadda la tijaabinayaa kuwo kale oo la xiriira hurdada. Daawooyinkan borotiinka ku saleysan waxay joojin karaan xanuunka markaa qofka uu dareemayo, isla markaana ka hortagi karaan kuwa cusub.

"Horumarinta dawooyinka ku saleysan peptides waa mowduuc aad loo hadal hayo xilligan," ayuu yiri Peter Goadsby, oo ah professor ku takhasusay cudurrada neerfaha kana tirsan King's College London ee Britain. Muhiimaddu waxay tahay in dawooyinkan ku saleysan peptides aysan kaliya wax ku ool u ahayn joojinta xanuunka uu qofka dareemayo, balse sidoo kale loo adeegsan karo ka hortag si loo joojiyo weerarka Migraine-ka. Inta badan dawooyinkan waxay qabtaan mid ka mid ah labadan hawlood oo keliya. "in qofka ay siiyaan ladnaan, xanuunka uu ka yaraado, iyo sidoo kale waxayna nagu dhiirrigelinayaan inaan ka gudubno fikirkeenna xaddidan oo aan ballaarinno habka aan u fakarno," ayuu yiri Goadsby

Dawooyin Khaas ah oo lagu daweeyo Migraine-ka

Dawada Botox, oo badanaa loo isticmaalo qurxinta, ayaa sidoo kale noqotay dawo wax ku ool ah. Cirbadaha botulinum ayaa yareeya soo noqnoqoshada xanuunnada, iyadoo la ogaaday inay hoos u dhigaan soo-deynta CGRP ee neerfaha.

Sidoo kale waxaa jira qalabyo koronto ah oo kiciya neerfaha si loo yareeyo xanuunka. Qaar waa lagu xirtaa madaxa ama gacanta, qaarna qoorta ayaa lagu duugaa. Inkastoo aysan ahayn dawo kama dambeys ah, haddana natiijooyin rajo leh ayay ka sheegeen dadkii isticmaalay.

Sababta Botox ay u hoos ugu dhigto xanuunka Migraine-ku, waxa ay Dhaqaatiirtu u maleeyeen in markii hore ay ahayd mid loogu talo galay in ay dagnaansho ka helaan murqadaha wajiga iyo madaxa, balse cilmi baaris la sameeyey ayaa sheegtay in cirbadaahaan ay ka hortagaan borotiinka CGRP.

Dad la xanuusanaaa migraine-ka aad u daran ayaa 50% hoos u dhac ah dareemay kadib markii ay qaateen dawadaan.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaabab kala duwan oo lagu daweeyo migraine-ka

Tallaabooyin iyo dawooyin kala duwan ayaa soo kordhayey waayadii dambe, dawooyinkaan waxaa la socda shuruudo iyo tilmaamo kuwaas oo ah in dadka qaar aysan isticmaali Karin sida, haweenka uurka leh.

Tusaale ahaan, qalabka neuromodulation-ka waa mashiin ku shaqeeya koronto ama magnet ah si ay u duugaan neerfaha la xiriira madax-xanuunka. "Qalabkani wuxuu burburiyaa oo dajiyaa waxyaabaha xanuunka keena, kadibna dib ayuu u habeeyaa oo u hagaajiyaa," ayuu yiri Kissoon.

Daawaynno kale waxaa ka mid ah qalabyo sida suufyo elektaroonik ah (electrode pads), suun gacanta lagu xirto, iyo qalabyo madaxa lagu xirto oo u eg taaj. Dhammaantood waxay ujeedadoodu tahay inay ka shaqeesiiyaan neerfaha u gudba maskaxda iyo kuwa ku dhex jira maskaxda.

Inkasta oo qalabkani uusan ahayn dawo kama dambeys ah oo cudurrada neerfaha, haddana isticmaalkaiisa waa la mahdiyey oo dad badan ayaa deganaan ku dareema marka uu xanuunka hayo.

"Waxaan u maleynayaa in weli si cad loo garan waayay bartilmaameedkooda saxda ah," ayay tiri Pradhan. "Laakiin waxaan u arkaa qalabkan kuwo rajo leh oo laga yaabo in si ballaaran loo horumarin karo." (Dhammaan qalabkani waa qaali, mana aha kuwo laga oggolaaday meel kasta oo dunida ka mid ah.)

Saynisyahanno kale ayaa horumarinaya qalab la gelinayo sanka bukaanka iyadoo la adeegsanayo tuubbo yar (catheter), waxaana ku jira buufin gariiraya, kadibna yareenaya xanuunka migraine-ka

Mashiinkan waxaa loogu talagalay inuu beegsado unugyada neerfaha ee ka dambeeya sanka, balse weli si cad looma oga sida uu xanuunka u dhimo. Hal aragti ayaa sheegaysa in gariirku dejiyo xanuunka, isaga oo yareynaya bararka ku dhaca xuubabka meningeal-ka, kuwaas oo ah xuubab waaweyn oo maskaxda ilaaliya.

Isbeddel ayaa ku socda weli habka aan u aragno migraine-ka

માઇગ્રેન, માથાનો દુખાવો, સ્વાસ્થ્ય, હેલ્થ, આધાશીશી, બીબીસી ગુજરાતી

Xigashada Sawirka, Getty Images

Si kastaba, sida ay khubaradu sheegaan, ma jiro hal hab oo isku mid loogu daweeyo dadka la xanuusanaya xanuunka migraine-ka.

"Anigu geeddi-socodkan oo dhan waxaan u arkaa sidii maktabad buugaag ah," ayuu yiri Godzby. "Waxaa jira daawo dhaqameed, daawo casri ah, iyo neuromodulation. Kahor intaadan go'aansan buugga aad rabto inaad akhrido, waa inaad marka hore go'aansataa qaybta maktabadda aad rabto inaad eegto."

Qaar ka mid ah saynisyahannada ayaa aaminsan in weli loo baahan yahay isbeddel ku yimaada sida aan u aragno migraine-ka, waxa loo baahan yahay isbeddel ku yimaada qaabka loo baarayo xanuunkan, xitaa marka ay uusan qofka ku kacsaneyn xanuunla.

"Haddii aan ka hadlayno horumarinta arrimaha dhankan ah iyo hagaajinta tayada nolosha, waa inaan aqbalnaa in qofka qaba dhanjafku uu la tacaalayo dhibaato muddo dheer socota," ayay tiri Monteith.

Marka uu qofka doonayo inuu iska daweeyo xanuunka waa in uu isbeddel ku sameeyaa hurdada, cuntada iyo jimicsiga, waa inuu sameeyo daweynta nafta, sida uu baro qaabka uu u fakaro iyo dabacaddiisa.

Tusaale ahaan, Daniels waxa uu sameeyaa Fisaterabi (physiotherapy) oo la xiriira isku dheelitiranka jirkiisa, wuxuu daryeelaa caafimaadkiisa maskaxeed, waxa uu sidoo kale ilaaliya inuu ahaado mid firfircoon, maalin walbana wuu jimicsadaa, wuu fakaraa si deggan, waqti ayuu ku qaataa dabiiciga, wuxuuna mudnaanta siiyaa cunto caafimaad leh iyo cabbitaanka biyo badan.

Sida uu sheegay, ma jiro hal shay oo keliya oo lagu garan karo calaamadaha migraine-ka "Wax walba waa sida qaybo kala duwan oo ka mid ah hal xujo."