Kim Jong oo gabadhiisa ku wareejinaya awoodda
- Author, Jake Kwon
- Role, Seoul correspondent
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa gabadhiisa u doortay in ay noqoto dhaxal-sugaha, sida ay wakaaladda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed u sheegtay sharci-yaqaannada Khamiistii.
Kim Ju Ae - oo la aaminsan yahay in ay 13 jir tahay - ayaa bilihii la soo dhaafay lagu sawiray iyada oo aabaheed ku wehelinaysa dhacdooyin heersare ah sida booqashadii Beijing bishii Sebtembar, safarkeedii ugu horreeyay ee loo yaqaanno dibadda.
Adeegga Sirdoonka Qaranka (NIS) ayaa sheegay in ay ku xisaabtameen "xaalado kala duwan" oo ay ku jiraan joogitaankeeda sii kordheya ee meelaha fagaarayaasha ha ee dadweynaha ee dhacdooyinka rasmiga ah" markii ay sameynayeen qiimeyntan.
NIS waxa kale oo ay sheegtay in ay si dhow ula socon doonto in ay ka qayb galayso shirweynaha xisbiga woqooyiga bishan dabayaaqadeeda – oo ah dhacdadii siyaasadeed ee ugu waynayd oo la qabto shantii sanaba hal mar.
Xisbiga Congress-ka ayaa ah halka Pyongyang laga filayo inay ku bixiso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mudnaanta sida siyaasadda dibadda, qorsheynta dagaalka iyo hamiga nukliyeerka shanta sano ee soo socota.
Khamiistii xildhibaan Lee Seong-kwen ayaa u sheegay warfidiyeenka in Ju Ae, oo ay hore NIS ku tilmaantay in loo "tababaray" in ay noqoneyso beddelka, ay hadda marayso heerkii " magacaabista ".
"Sida ay Kim Ju Ae u muujisay joogitaankeeda munaasabado kala duwan, oo ay ku jiraan sannad-guurada aasaaska Ciidanka Dadka Kuuriya iyo booqashadeedii Qasriga Kumsusan ee Qoraxda, lana ogaaday calaamado muujinaya fikradeeda ku aaddan siyaasadaha gobolka qaarkeed, NIS waxay aaminsan tahay inay hadda soo gashay marxaladda loogu magacdaray beddelka," Lee ayaa tiri.
Ju Ae waa ilmaha kaliya ee la yaqaan ee Kim Jong Un iyo xaaskiisa, Ri Sol Ju. NIS waxay aaminsan tahay in Kim Jong Un uu leeyahay wiil ka weyn gabadha, laakiin wiilkan waligiis lama arag kamana soo muuqan warbaahinta Kuuriyada Waqooyi.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wararka ku saabsan jiritaanka Ju Ae ayaa markii ugu horreysay ka soo baxay ilo aan macquul ahayn: Ciyaaryahanka Kubadda Koleyga Mareykanka Dennis Rodman, kaasoo shaaca uga qaaday wargeyska The Guardian 2013-kii inuu "arkay Ju Ae" intii lagu jiray safar uu ku tagay gobolka qarsoodiga ah.
Ju Ae ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqatay telefishinka dowladda sanadkii 2022. Waxaa la arkay iyadoo kormeereysa gantaalkii ugu dambeeyay ee qaaradaha isaga gudba Kuuriyada Waqooyi iyadoo gacanta ka haysa aabaheed.
Waxay tan iyo markaas si joogto ah uga soo muuqatay warbaahinta dawladda, iyada oo debcisay sawirka aabbaheed ee kaligii taliye aan naxariis lahayn loo arkayay. Waxa ay u raacday magaalada Beijing dhoola tuska milatari ee abid ugu waynaa ee Shiinaha, waxaana la arkayay iyada oo ka soo degtay tareenkiisa gaashaaman ee saldhiga tareenka ee Beijing.
Inta badan waxa la arkaa iyada oo xiran timaheeda dhaadheer, taas oo mamnuuc ka ah asaageeda, isla markaana xiran dharka naqshadeeyayaasha, kuwaas oo aan gaarin inta badan dalkeeda.
Awooda Waqooyiga Kuuriya ayaa soo dhaaftay seddexda jiil ee qoyska Kim, waxaana la rumeysan yahay in Kim Jong Un uu ku wareejin doono kursiga Ju Ae.
Bilihii la soo dhaafay, waxaa la arkay iyada oo ka dheer aabbaheed, oo ag socota.

Xigashada Sawirka, EPA
Qaar badan oo ka mid ah dadka ka soo goostay dowladda iyo falanqeeyayaal ayaa hore u diiday fikradda haweenay hogaaminaysa Kuuriyada Waqooyi inay tahay xaalad aan macquul ahayn, iyaga oo tixraacaya doorarka jinsiga ee soo jireenka ah ee waddanka. Laakiin Kim Jong Un walaashii - Kim Yo Jong - waxay soo bandhigtay tusaale maamulka dumarka ee nidaamka.
Kim Yo Jong ayaa hadda jago sare ka haysa golaha dhexe ee xisbiga shaqaalaha ee Kuuriya, waxaana la sheegay in ay saamayn ku leedahay walaalkeed.
Si kastaba ha ahaatee, sidoo kale waa qarsoodi sababta Kim Jong Un, oo weli da'yar oo u muuqda mid caafimaad qaba, uu hadda u magacaabayo ilmo 13 jir ah dhaxalkiisa.
Ma cadda isbeddelka uu dhaxalka Ju Ae ku keeni karo Kuuriyada Waqooyi.
Qaar badan oo ka mid ah dadka Waqooyiga Kuuriya ayaa rajeynayay in Kim Jong Un, oo ah nin dhalinyaro ah oo galbeedka ku wax bartay, uu dalkooda u furi doono dibadda markii uu bedelay aabihiis.
Rajadaas ma rumoobin. Qorshe kasta oo ay dhowr iyo toban jirkaan u hayso dalkeeda, waxa ay u badan tahay in uu noqon doono mid ay kaligeed awooda leedahay oo ay u qaabayn karto si kasta oo ay jeceshahay.














