Sawirada Meydkii Jeffrey Epstein oo la shaaciyay

Sawirro aan hore loo arkin oo muujinaya meydka Jeffrey Epstein oo jiifa sariir ah kuwa dhaqaaq leh iyo dhakhaatiir ku howlan baaritaankiisa kadib geeridiisa ayaa waxaa soo saartaydowladda United States.
Labaatan sawir oo badankood ah kuwa aad u argagax badan oo aan la soo bandhigi karin, ayaa lagu daabacay qeyb ka mid ah warbixin FBI oo la fasaxay oo ku saabsan geerida Epstein, iyo sidoo kale baaritaan sababta dhimashada kadib iyo dukumiintiyo gudaha xabsiga ah.
Sawirradan waxay ka mid yihiin malaayiin dukumiinti ah oo horey loo daabacay, kuwaas oo ka mid dukumintiyada ay fasaxda waaxda cadaaladda ee qaybtii ugu dambeysay ee faylasha Epstein.
Epstein ayaa meydkiisa laga helay xabsigii uu ku jiray ee Metropolitan Correctional Center 10-kii August 2019, halkaas oo lagu hayay eedeymo la xiriira tahriibinta galmada iyo shirqoolo kale.
Warbixinta cusub ee ay soo saartay FBI, oo cinwaankeedu yahay "Jeffrey Epstein death investigation", waxay u muuqataa baaritaan uu sameeyay xafiiska FBI ee New York ee ku saabsan geerida Jeffrey Epstein. Warbixinta oo ka kooban 23 bog ayaa bog kasta lagu shaabadeeyay "aan qarsoodi ahayn.
Dukumiintiyada aan la tirtirin oo ay aragtay BBC Verify, waxay muujinayaan sawirro dhow oo qoortiisa ah iyo calaamado dhaawac oo muuqda. Waxa kale oo ku jira faahfaahin ku saabsan baaritaanka meydka iyo warbixin cilmi-nafsi oo ku saabsan xaaladdiisa maskaxeed maalmaha ka horreeyay isdilkiisa.
Qaar ka mid ah sawirrada waxay muujinayaan Epstein oo jiifa sariir halka dhakhaatiirtu isku dayayaan inay soo nooleeyaan.
Sawirrada waxaa ku taariikhaysan 10-kii Agoosto 2019 saacaddu markay ahayd 06:49 subaxnimo waqtiga maxalliga ah—qiyaastii 16 daqiiqo kadib markii laga helay isaga oo aan miyir -daboolian qolka xabsiga.
Meesha saxda ah ee sawirrada laga qaaday si cad looma sheegin, balse Epstein waxaa loo qaaday isbitaal u dhow 06:39 subaxnimo halkaas oo lagu dhawaaqay inuu dhintay, taasoo muujinaysa in sawirradu halkaas lagu qaaday.
Saddex sawir oo kale ayaa leh qoraallo muujinaya in loo qaaday isbitaal. Waxay muujinayaan sawir dhow oo madaxiisa ah iyo dhaawac muuqda oo qoortiisa ah. Magaca Epstein ayaa ku qoran sawir kasta, balse qaar ka mid ah waxaa si khalad ah loogu qoray "Jeffery" halkii laga qori lahaa "Jeffrey."

Xigashada Sawirka, Department of Justice
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC Verify ayaa sameysay baaritaan ku saabsan sawirrada cusub ee la sii daayay ee meydka Jeffrey Epstein, mana aysan helin noocyo hore oo internet-ka lagu daabacay ka hor 30-kii Janaayo.
Waxa kale oo ay heleen dukumiintiyo kale oo taageeraya xogta ku jirta faylasha, oo ay ku jiraan warbixin 89 bog ka kooban oo baaritaanka meydka ah oo ay gudbiyeen Waaxda cadaaladda iyo Xafiiska Madaxa Baaritaanada Caafimaadka ee New York , iyo iimayllo ka yimid xafiiska FBI ee New York oo wata isla sawirrada la tirtiray.
Qaybo ka mid ah warbixinta baaritaanka meydka ee ayaa sidoo kale ku jira warbixinta, oo ay ku jiraan sawirro muujinaya laba jab oo ku yaalla carjawda thyroid-ka ee qoortiisa.
Warbixinta FBI-da waxaa ku jira jadwal lix bog ah oo faahfaahinaya muddadii uu Epstein ku xirnaa Metropolitan Correctional Center laga bilaabo markii la xiray 6-dii Luulyo 2019 eedeymo federaal ah oo la xiriira tahriibinta galmada, ilaa geeridiisa.
Warbixintu waxay muujineysaa in Epstein la geliyay kormeer gaar ah oo ka hortag isdil ah kadib markii uu isku dayay inuu is dilo 23-kii Luulyo 2019. Waqtigaas, Epstein wuxuu ku eedeeyay qof qolka kula xirnaa , Nicholas Tartaglione—oo ahaa sarkaal boolis hore oo wajahaya eedeymo dil—inu isku dayay inuu dilo.

Sida ku cad dukumiintiga, kulan uu la yeeshay khabiir cilmi-nafsiga ku takhasusay maalintii xigtay, Jeffrey Epstein wuxuu sheegay inuusan "wax dan ah ka lahayn isdil" isla markaana ay "waalli tahay" inuu naftiisa gooyo.
25-kii July ayuu sidoo kale yiri, sida ku xusan warbixinta cilmi-nafsiga, "Waxaan si weyn ugu lug leeyahay kiiskeyga si aan ula dagaallamo, nolol ayaan leeyahay, waxaanan rabaa inaan ku laabto noloshayda."
Dukumiintiyo kale oo ay soo saartay waaxda cadaaladda ayaa muujinaya in maamulaha xabsigu kula taliyay in aan Epstein keligiis la dejin, isla markaana la xoojiyo "kormeer 30-daqiiqo kasta" oo lagu sameeyo qolkiisa iyo "wareegyo kadis ah ah" oo ay sameeyaan ilaalada.
Qofkii qolka kula xirnaa Epstein ayaa la sii daayay maalin ka hor geeridiisa. Habeenkii 9-kii August, ilaalada xabsiga ayaa ku guuldareystay inay sameeyaan kormeeradii loo qorsheeyay 03:00 iyo 05:00 subaxnimo, sida ay muujinayaan dukumiintiyada xabsiga, sidoo kale nidaamka kaamirooyinka qaybtaas wuu shaqeyn waayay. Meydkiisa waxaa la helay subaxdii intii lagu jiray kormeer ay sameeyeen shaqaalaha.
Nooc labaad oo isla warbixinta laanta dambi baarista mareykanka ee FBI ah, oo la tirtiray kana kooban 17 bog oo keliya, ayaa sidoo kale lagu daray faylasha Epstein. Noocan ma ku jiro warbixinta cilmi-nafsiga ama jadwalka xabsi ku hayntiisa, sawirrada ku jirana waa la tirtiray. Ma cadda sababta labadaba—nooca la tirtiray iyo kan aan la tirtirin—loogu daray faylasha.













