Qorshihii Nabadda Qasa ee Trump oo daalaa dhacaya, xilli Xamaas iyo Israa'iil ay wajahayaan xaalado adag

Kooxaha gurmadka degdega ah oo baadhitaanno ka wada dhismo labo dabaq ah oo dumay kadib roob xoogan oo helay Beyt Laxiya Jimcahii. Search and rescue groups attended a two storey building collapse following heavy rainfall in Beit Lahia on Friday

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Qoraalka sawirka, Kooxaha gurmadka degdega ah oo baadhitaanno ka wada dhismo labo dabaq ah oo dumay kadib roob xoogan oo helay Beyt Laxiya Jimcahii. Search and rescue groups attended a two storey building collapse following heavy rainfall in Beit Lahia on Friday
    • Author, Lucy Williamson
    • Role, Middle East correspondent
    • Reporting from, Jerusalem

Laba bilood oo ay socotay xabbad joojin uu Maraykanku soo rogay, Gaza waxa ay u xayiran tahay wejigii koowaad ee qorshaha nabadda ee Donald Trump , iyad oo oo u kala qaybsan dhinacyada dagaallamaya, dadkeeduna ay wali ku jiraan burbur iyo barakac.

Roobab dabeylo wata oo ka da'ay magaalada ayaa burburiyey dhismayaasha ay dadku deganaayeen kaamamka barakacayaasha, waxaana fatahaadahaasi halis ugu jira in 800,000 oo reer Gaza ah sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Si joogto ah ayey biyaha usoo qubeysaa teendhada ay degan tahay Ghadir al-Adham oo ay lawadaagto ninkeeda iyo lix carruur ah oo ku nool magaalada Gaza. Qoyskeeda ayaa weli ku jira barakaca, waxayna sugayaan dib u dhis inuu bilowdo.

"Halkan waxaan joognaa, waxaan ku noolnahay nolol bahdil ah," ayay u sheegtay BBC-da. "Waxaan rabnaa inaan noqonno, Waxaan rabnaa in guryaheena dib loo dhiso. Waxaan tabaneynaa hoygeenii aan dhaxanta ka geli jirnay. Maalin walba inta fariisto ayaa caruurteyda oo u ooyaa."

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Ghadir al-Adham waxay doonaysaa carruurteeda in ay gayso meel gabaad ah.
Qoraalka sawirka, Ghadir al-Adham waxay doonaysaa carruurteeda in ay gayso meel gabaad ah.

Caqabadaha ugu adag

Qorshaha dib u dhiska guryaha cusub - iyo dowladda cusub - ayaa ku xayiran wajiga labaad ee heshiiska nabadeed ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyada oo uu socdo baadigoobka sargaalkiii ugu dambeeyay ee ciidamada Israa'iil, kaas oo wali la la'yahay, Ran Gvili.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkeystay in Xamaas ay soo celiso dhammaan la haystayaasha Israa'iil-nool iyo geeriba, ka hor inta aysan labada dhinac tagin wajiga xiga ee heshiiska nabadda oo ka adag kii koowaad.

Balse baaritaanno dhowr ah oo lagu sameeyay dhulka bur bursan ee Gaza ayaa ilaa iyo hadda wali muujin wax caddeyn ah oo isaga ku saabsan sargaalka maqan. Mr Gvili ayaa la qabtay intii socdeyn jiray weeraradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar. Markii la weenayey Sarkaalkaan booliiska ah, waxa uu kasoo kabanayey dhaawac garabka ah oo kasoo gaarcay weeraro ka dhacay meel u dhaw kibbutz Alumim.

Ran Gvili oo xidhan tuutahii bilayska

Xigashada Sawirka, Handout

Qoraalka sawirka, Ran Gvili oo xidhan tuutahii bilayska

Waalidkiisa, Talik iyo Itzik, ayaa loo sheegay sannadkii hore inuusan badbaadin wiilkooda.

Waddada loo maro gurigooda oo ku yaalla magaalada Meitar ee koonfurta Israa'iil, ayaa waxaa lagu xardhay boorar jalle ah oo lagu maamuusayo, iyadoo calamadda jaallaha ah ee lagu xasuusto la haystayaashii Israa'iil ka maqan.

"Waxay xadeen ilmahayaga, way xadeen," hooyadiis Talik ayaa igu tidhi.

"Way garanayaan meesha uu joogo," Itzik ayaa yidhi. "Waxay isku dayaan inay qariyaan ama sii hayaan. Way nala ciyaarayaan."

Waxay aaminsan yihiin in Xamaas ay doonayso inay wiilkooda u haystaan Ceymis ahaan taas oo ka dhan ah wada xaajoodka mustaqbalka, ka dib markii ay soo celiyeen dhammaan la haystayaashii kale, kuwii noolaa iyo kuwa dhintayba.

Itzik Gvili iyo Talik
Qoraalka sawirka, Itzik Gvili (Midig) Waxuu xamaas ku eedeeyay in ay qarinayaan wiilkiisa

Mid kamid ah Saraakiisha Xamaas oo ka jawaabaya eedayntaasi ayaa BBC-da u sheegay in eedeymahoodu aysan run ahayn, Israa'iilna ay isku dayayso inay ka fogaato fulinta heshiiska.

Iyada oo aan lahayn caddeyn muujineysa geerida Ran, waxaa sii kordheysa iyo cadaadiska Washington ay ku hayso Israa'iil, waalidkiisana waxa ay sheegeeyn in aysan ogalaan doonin in hogaamiyeyaasha Israa'iil ay aadaan wajiga labaad ee heshiiska illaa wiilkooda laga helayo.

"Qof walba oo ka tirsan dawladda Israa'iil wuxuu nagu yidhi, 'Maya, uma dhaqaaqno heerka labaad ilaa uu Ran soo noqdo." Tani waa ballankooda," ayuu yiri Talik.

Qaar badan oo Israa'iilyiin ah ayaa aaminsan inay siyaasad ahaan ku adkaan doonto Netanyahu inuu fuliyo tillaabooyinka xiga ee heshiiska, oo ay ku jiraan ka bixitaanka ciidamada Israa'iil oo dib ugu soo laabanaya dhulka Gaza, haddii xitaa hal maxmuus weli lagu la'yahay Gaza.

Waqtigu 'waa gabaabsi'

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Israa'iil iyo Xamaas ayaa wajahaya marxalado adag wajiga labaad ee heshiiska. Xamaas, waxa ay ku qasbanaan doontaa in hub ahaan iyo awood ahaanba ay ku wareejiso Israa'iil, halka Israa'iil ay ammaanka ku wareejin doonto ciidamada xasilint caalamiga ah.

Tani sidoo kale waa sababta hoggaamiyeyaasha labada dhinac ay uga labalabeenayaa ayuu yiri General Israel Ziv, oo ah madaxii hore ee Agaasinka Howlgallada Milatari ee Israa'iil.

"Israa'iil iyo Xamaas waxay wada leeyihiin n dano isku mid ah si aysan si degdeg ah ugu dhaqaaqin wajiga labaad," ayuu ii sheegay. "Xamaas ma rabaan in ay lumiyaan maamulka Gaza, dhinaca Israa'iilna arrimo siyaasadeed awgeed ayaa sidoo kale u doorbidayan in ay sii joogaan Gaza, maadaama qofna uusan dooneynin inuu u sharaxo inuu ka baxo Gaza.

Waxa uu sheegay in Trump uu yahay qofka kaliya ee ku qasbi kara labada dhinac in ay hore u socdaan, balse waqtiga waa sii dhammaanayaa.

"Markaan eego; waxaan u maleynayaa inaan waayi karno fursadda sababtoo ah Xamaas dib ayey isku hubeyn kartaa oo xooggeedana waa soo laabanayaa," ayuu sharaxay. "Waa inaan si qoto dheer u neefsannaa oo aan horay u sii wadnaa qorshaha heshiiska, sababtoo ah ku sii jirista xaaladda sidan ay tahay waa xaaladda ugu xun."

Hub ka dhigista Hamas – si ay labada dhinacba u aqbalaan – ayaa loo arkaa caqabadii ugu horeysay ee ugu weyn. Intaa la'aanteed ma jirto dalal shisheeye oo ay u badan tahay in ay ciidamo u diraan si ay u sugaan ammaanka Marinka, mana jirto wax dib u dhis ah oo ka bilaaban doona deegaanada ay Xamaas maamusho.

Horaantii todobaadkan Netanyahu waxa uu soo tilmaamay inuu ka shakisan yahay in dalal shisheeye ay dhamaystiri karaan booskii Israa'iil.

"Saaxiibadayada Ameerika waxay rabaan inay isku dayaan inay abuuraan ciidan caalami ah oo qaban doona shaqada," ayuu yidhi, Netanyahu "Waan ognahay inay jiraan hawlo gaar ah oo ay ciidankani qaban karaan, ma doonayo inaan si faahfaahsan u sheego, wax walba ma samayn karaan, waxaana macquul ah inaysan samayn karin waxa ugu muhiimsan, laakiin waan arki doonaa."

Trump eager to move fast

Trump wuxuu u kulul yahay qorshahiisa inuu si degdeg ah u fulo

Gaza hadda waxay u qaybsantaa laba "khadka jaalaha ah" oo calaamadeynaya xadka ciidamada Israa'iil sida ku cad wajiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta.

Khariirad muujinaysa khadka jaalaha ah ee Qasa

Taliyaha ciidamada Israa'iil ayaa dhawaan ku tilmaamay "xuduud cusub", taasoo dhalisay eedeymo ah in Israa'iil ay muujinayso inay doonayso inay halkaas joogto muddo dheer ama ay la waregto

Arrimaha ugu muhiimsan, oo ay kow ka tahay hubka ka dhigista Xamaas, ayaa lagu wadaa in looga hadlo kulan Netanyahu iyo Trump ku dhexmaraya Florida dabayaaqada bishan.

Madaxweynaha Mareykanka oo horey u dhexdhexaadiyay xabbad joojin Gaza ayaa isku dayaya inuu hore u wado qorshihiisa nabadeed isagoo ka sheegaya kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uuna si cad uga hadlay rabitaankiisa ah inuu horay u sii wado geeddi-socodkaan.

Waxa uu saxafiyiinta u sheegay todobaadkan in uu ku dhawaaqi doono xubinnimada guddiga nabadda ee Gaza oo la sameyn doono horraanta sanadka soo socda. "Waxay noqon doontaa mid ka mid ah guddiyada halyeeyada ah ee abid... Qof kastaa wuxuu rabaa inuu kamid noqdo," ayuu yidhi Trump.

Haweeneey hagaajinaysa teendho gabaad u ah carruur gudaheeda ku sugan oo ku taalaa Nawaaxiga Qasa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Daadadku waxay sababeen in ay nolosha caruurta reer Qasa ay noqoto mid adag

Waxa kale oo jira warar kale oo sheegaya in uu jiro cadaadis fara badan Israa'iil kaga imanaya Washington, kaas oo ah in Israa'iil ay bilaabayso shaqada ay ku nadiifinayso burburka, iyada oo isu diyaarinaysa dhisidda guryaha ku meel gaar ah, kuwaas pp laga dhisayo aagga ay Israa'iil haysato ee Rafah, ee koonfurta Strip.

Guryahaan cusub ayaa lagu soo waramayaa in ay hoy u noqon karaan tobanaan kun oo reer Gaza ah, iyadoo shuruud looga dhigay inay diyaar u yihiin inay u guuraan deegaamada ay Israa'iil haysato, ayna ogolaadan in la hubiyo xiriirka ay Xamaas la leeyihiin. .

Dadka qaar ayaa u arka in ay qeyb ka tahay qorshe lagu doonayo in Gaza ay kamid noqoto dhulka ay Israa'iil maamusho.

Laakiin qaar badan oo reer Gaza ah ah ayaa sheegaya inay diideen inay ku hoos noolaadaan gacanta Israa'iil.

Waa mustaqbal rajo beel ah, haddii wajiga labaad ee qorshaha Trump uu fashilmo; Gaza, oo horeba u kala qaybsantay, ay noqoto mid la sii kala qeybiyo.