Maxaa ka jira in lagu caatoobo soonka?

Ramadan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xulashada maalmo gaar ah oo la soomo si loo dhimo miisaanka jidhka ma aha xalka saxda ah, ee keena in dadku caatoobaan ayaa daraasad cusubi jidaysay.

Cilmi-baadhayaashu waxay sheegayaan in soonka maalmo go'an ama teel teel ah, sida dadka qaar sameeyaan, ama ka fogaanshaha cuntooyinka qaarkood ee qofku caadiyan cuno si uu u dhimo miisaankiisa, aanu dhab ahaantii ka caawin doonin dhimista miisaanka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay xuseen in soonka maalmo gaar ah la sameeyaa, weli uu leeyahay faa'iidooyin caafimaad.

Cilmi-baadhayaashu waxay daraasad ku sameeyeen ku dhawaad 2,000 qof si loo ogaado haddii soonka kala go'an ee teelteelka ah uu gacan ka geysan karo dhimista miisaanka, gaar ahaan marka lala socodo xaalkooda muddo ku dhow 12 bilood.

Waxay sharraxeen in habkani uu faa'iido u yeelan karo dadka cayilan haddii ay raacaan muddo dheer, maadaama uu ka caawin karo in la beddelo caadooyinka cuntada ama la yareeyo qaadashada cuntooyin qaarkood si miisaanka loo dhimo.

Sanadihii u dambeeyay, qaar ka mid ah dadka, gaar ahaan kuwa cayilan, ayaa qaatey qorshaha soonka aan joogtada ahayn si ay isugu dayaan inay miisaankooda dhimaan.

Qaar waxay doortaan waqtiyo gaar ah oo ay ka fogaadaan cuntada, tusaale ahaan cunista fiidkii ma habeenkii, iyada oo laga fogaanayo cuntooyinka qaarkood, iyaga oo rajeynaya in miisaankooda hoos u dhaco.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baadhayaashu waxay xuseen in habkani uu ku xidhan yahay qof kasta iyo caadooyinkiisa cuntada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Luis Garegnani, madaxa kooxdii cilmi-baadhista wadday ee Talyaaniga, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay talooyinka internetka ku faafaya ee ku saabsan dhimista miisaanka iyada oo la soomayo. Wuxuuna ku sharaxay:

"Soonka kala go'a wuxuu ka caawin karaa qaar ka mid ah dadka inay miisaanka dhimaan, laakiin cilmi-baadhistu waxay muujineysaa in tani aysan mar walba sax ahayn, taas oo ka soo horjeedda waxa had iyo jeer lagu baahiyo baraha bulshada."

Si kastaba, cilmi-baadhayaashu waxay qireen in qof kasta uu leeyahay dheefshiidka u gaar ah, sidaas darteed qaar ka mid ah dadka ayaa laga yaabaa inay ka faa'iidaystaan habkan. Sidaa darteed, dhakhaatiirta waxaa lagula taliyey inay kiis kasta si gaar ah u qiimeeyaan ka hor inta aysan ku talin habkan qofkii doonaya inuu miisaanka dhimo.

Cilmi-baadhayaashu waxay rumeysan yihiin in cilmi-baadhis dheeraad ah loo baahan yahay si qaab fiican loogu fahmo saameynta soonka kala go'a ama teelteelka ah uu ku yeelan karo caafimaadka aadanaha, gaar ahaan dadka qaba sonkorowga ama cudurrada kale ee halista ah.

Waxay intaa ku dareen in soonka loo qorsheeyo qof kasta iyo qoys kasta, isla markaana muhiim ay tahay in la go'aamiyo sida uu faa'iido ugu yeelan karo ragga iyo dumarka iyo iyadoo la tixgelinayo xaaladaha jireed ee kala duwan.

Dr. Baptiste Leurent, oo ka tirsan jaamacad caafimaad oo ku taal London, ayaa sharraxay in marka la falanqeeyo dheefshiidka qof kasta, la ogaado in soonka kala go'a uu ka caawin karo qaar ka mid ah dadka, laakiin aan dhammaantood uusan u noqon xal waara.

Professor Keith Frayn, oo ka tirsan Oxford University, ayaa tilmaamay in inkastoo la sheegayo in soonku caawiyo dhimista miisaanka, haddana ay jiraan xaalado khatareed oo ku xeeran khataro.

Soonka joogtada ahayn ama teelteeelka ah waxaa caalamka laga aqoonsan yahay inuu yahay hab suurtagal u ah dhimista miisaanka, laakiin waxa uu leeyahay qodobbo taban.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka caawin karaa yareynta baruurta jidhka, sonkorta, iyo walxaha kale ee jirka ku jira.

Ku dhawaad 1.6 milyan oo qof oo ku nool UK ayaa sidoo kale qaata irbado gaar si ay miisaankooa u dhimaan. Cilmi-baadhistu waxay muujineysaa in haddii dadkaasi joojiyaan cirbadaha, miisaankoodu inta badan dib ugu soo noqdo qaabkii hore, mararka qaarkoodna ka badan sidii hore.