Sawirro: Jimcihii ugu horreeyay Ramadaanka iyo Muslimiinta dunida

Ramadan 2026
Qoraalka sawirka, Falastiiniyiin safaf dhaadheer ku jira isgoyska Qalandiya ee Daanta Galbeed, iyagoo u socda inay ku tukadaan barxadaha Masjidka Al-Aqsa.
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dad ka kala yimi Daanta Galbeed oo u socday inay ku soo tukadaan salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay bishan Ramadaan, barxadaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ayaa la kulmay caqabado badan, oo ay ka mid ahaayeen sugitaan dheer oo ka jiray isgoysyada ay maamusho Israa'iil, iyo sidoo kale shuruud ah in oggolaansho la helo si aaggaas loo galo.

Wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in ciidamada Israa'iil ay ka hor istaageen kumannaan cibaadaysan lahaa, oo raby in ay gaadhaan Masaajidka Aqsa, halka kumannaan kale dib looga celiyay isgoyska Qalandiya ee waqooyiga Qudus Bari, iyo isgoyska loo yaqaan (300) ee u dhexeeya magaalooyinka Qudus iyo Baytulaxam (Bethlehem).

WAFA waxay sheegtay in qiyaastii 80,000 oo qof ay ku tukadeen salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay Ramadaantan barxadaha Al-Aqsa, inkastoo ay jirayeen waxa ay ku tilmaantay "xayiraado iyo tallaabooyin adag oo ay soo rogtay Israa'iil."

Dowladda Israa'iil ayaa ku dhawaaqday inay bixin doonto kaliya 10,000 oggolaansho oo loo qoondeeyay Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto si ay uga qaybgalaan salaadaha Jimcaha ee Ramadaan. Oggolaanshahan waxaa lagu xaddiday haweenka ka weyn 50 sano, ragga ka weyn 55 sano, iyo carruurta ka yar 12 sano.

Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dad Falastiiniyiin ah ayaa soo buux dhaafiyeybarxadaha Masjidka Al-Aqsa si ay u tukadaan salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay bisha Ramadaa
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad cibaadaysanaya kuwaas oo cumro gudanaya ayaa ku tukanaya salaadda Jimcaha Masjidka Xaramka ee ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka Al-Mukarrama.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad kale oo gudanaya acmaasha cumrada Jimichii ugu horreeyey bisha Ramadaan.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay bisha Ramadaan oo lagu tukaday Khan Yuunis, Gaza.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muslimiin ayaa ku tukanaya salaaddii Jimcaha mid ka mid ah masaajidda caasimadda Malaysia, Kuala Lumpur.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dad cibaadaysanaya ayaa ku tukanaya salaadda Jimcaha ee ugu horreysay bisha Ramadaan mid ka mid ah masaajidda gobolka Srinagar ee dalka India, halkaas oo Muslimiintu ay ka yihiin aqlabiyad dadka ku nool gobolka.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muslimiin Kashmiiriyiin ah ayaa weysaysanaya iyaga oo isu diyaarinaya inay tukadaan salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay bisha barakeysan ee Ramadaan, Masjidka Jaamaca ee Srinagar, Kashmirta Hindiya
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay bisha Ramadaan oo lagu tukaday Istanbul, Turkiga.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad ku tukanaya salaadda Jimcaha bisha barakeysan ee Ramadaan, Masjidka Sunhri ee magaalada Peshawar, Pakistan.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muslimiin aku tukanaya salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay bisha barakeysan ee Ramadaan, Masjidka Wazir Khan ee magaalada Lahore, Pakistan, 20-ka Febraayo 2026.
Ramadan 2026

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Suuq lagu iibiyo cuntooyinka iftar-ka bisha Ramadaan oo ku yaalla Bali, Denpasar, Indonesia.