Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri diyaaradda F-16 ee timid Muqdisho?

F-16

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Muuqaalka diyaaradda F-16 oo ka duulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dul heehaabaysa magaalada Muqdisho ayaa dhawaan ku baahay baraha bulshada.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin joogista diyaaradahaan gudaha Soomaaliya, ka hor shalay, xilligaas oo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya uu xusay joogistooda Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kii hore, ayuu wasiirka gaashaandhigu sheegay in diyaarada nuuceedu yaahy F-16 "loo keenay ciidamada Soomaaliya".

"Shalay markii ay diyaaradaha Turkigu kaceen, F-16 ka ah ee ciidanka xoogga dalka loo keenay, ayaa murti igu soo dagtay," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, isaga oo intaa kadib tiryay tix kooban oo iyana caan ka noqotay baraha bulshada.

Sida uu sheegay wasiirku diyaaradahaan ayaa waxaa iska leh dowladda Turkiga, oo sida uu sheegay uga faa'iideynaysa dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

Turkiga ayaa Soomaaliya haatan si wayn uga taageera dhanka amniga, iyaga oo tabara ciidamada qaar, saanad milatari ku gargaara.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Turkiga uu Soomaaliya keenay diyaarado ay ka mid yihiin T129 ATAK, oo ah diyaarad si qumaati ah u kacda taa oo si wayn uga qayb qaadata dagaalada.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana tibaaxa in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Akinci ay ku howlgalaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Balse waxaan la hubin ciidamada Soomaalidu ay leeyihiin amarka hawlgallada diyaaradaan iyo in kale.

Diyaaradda F-16

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Diyaaradaan ayaa waxaa isticmaala wadamo ay ka mid yihiin Turkiga oo ka iibsaday wadanka Maraykanka.

Sanadkii 2024 tii, dowladda Mareykanka ayaa ansixisay $23bn oo doolarka Maryaknaka oo 40 diyaaradood oo cusub oo F-16 ah looga iibinayo Turkiga - tallaabadaas oo muddo dheer dib u dhacday - kadib markii Ankara ay ansixisay ku biiritaanka Sweden ee Nato.

Heshiiska waxaa ku jira qalab casri ah oo loogu talagalay 79 diyaaradood oo F-16 ah oo Turkish ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegtay Congress-ka inay sidoo kale ogolaatay in Giriiga laga iibiyo 40 diyaaradah dagaalka oo F-35 ah, taasoo ku kacaysa $8.6bn.

Turkiga ayaa ansixiyay ku biiritaanka NATO ee Iswiidhan ka dib in ka badan hal sano oo dib u dhac ku yimid taasoo xiisad ka dhex abuurtay isbaheysiga.

Markii ugu horreysay waxay codsi u dirtay diyaaradahan sannadkii 2021-kii, balse dib-u-dhac ku yimid ansixinta dalabka Nato ee Iswiidhen ayaa caqabad weyn ku noqday. Turkiga ayaa ka walaacsanaa waxa uu ugu yeeray taageerada Sweden ay siiso gooni u goosadka Kurdiyiinta.

Balse heshiiskaan ayuu Turkigu hoos u dhigay markii dambe, isaga oo ka dhigay 7 billion oo doolar, taas oo uu sheegay in uu ku iibsanayo 40 diyaaradaha f-16 ah iyo hubkooda.

F-16 waxay leedahay, Qarniga 21-aad, muhiimad la mid ah tan ay leyihiin diyaaradaha loo adeegsado weerarada dhulka ah - ma ahan wax naqshadeeyayaasheedu ay maanka ku gayeen ama ku dareen sawirada bogaga naqshadeynteeda horraantii 1970-meeyadii. La qabsigaas ayaa u saamaxday in ay qabato doorar aad iyo aad u badan, taas oo ka dhigtay mid soo jiidasho leh oo soo jiidata ciidamada cirka. "Halka uu khilaaf ka jiro, waxaa laga yaabaa inay jirto F-16 ama ay ku lug leedahay," ayuu yiri Robinson oo ah Khabiir ku takhasusay duulista hawada oo ka tirsan Royal Aeronautical Society ee UK.