Maxaad ka taqaanaa magaalada aan waddooyin iyo gawaariba lahayn?

Venice
Qoraalka sawirka, Venice
    • Author, Abdikadir Yussuf Ali
    • Role, BBC Somali

Magaaladan waxay ku taallaa waqooyiga Talyaaniga waxayna ka tirsan tahay gobolka Veneto. Magaaladu waxay ka kooban tahay 118 jasiiradood oo ku yaalla badda Adriatic. Magaalada dhexdeeda waxaa la isugu gudbaa doomo iyo Laashash, sidaa darteed magaaladan ayaanan wax waddo ah lahayn.

Venice waxaa la aas aasay sanadkii 697, ka dib markii ay burburtay boqortooyadii Roomaanka, waxaana dhidibada u aasay dad ka baxsanayay duullaankii Jarmalka.

Habka ugu caansan ee gaadiidka ee marin biyoodyada Venice waa doomaha loo yaqaan gondola. Maanta waxaa ka haray dhawr boqol oo keliya oo ka mid ah doomahan gaarka ah, waxaana ay muddo dheer ka badnaayeen maraakiibta kale.

Tan iyo dhamaadkii qarnigii 18-aad, dalxiiska ayaa ahaa xuddunta dhaqaalaha Venice oo af-Talyaaniga lagu yiraahdo Venezia.

 Grand Kanal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haddaba magaaladan waxaa deggan ama ka shaqeysta Soomaali badan, waxaana ka mid ah Xaliimo Axmed Qubeyste oo muddo 44 sano ah deganayd gobolka Veneto, gaar ahaan magaalada Venice waxa ay ku nooleyd 8 sannadood.

Xalliimo oo BBC-da uga warrantay magaalada ay muddadaas degganayd ayaa sheegtay in markii hore ay ahayd magaalo gooni isku maamusha oo la oran jiray Federisma.

“Waxay jirtaa ilaa laba kun oo sano, waxaana laga kor dhisay biyo markii ay jirtay dowladdii Federisima. Dadka deggan waxay gaarayaan ilaa 250 oo qof.”

Xaliima ayaa sheegtay in magaaladan oo ay hoos yimaadaan 44 deegaan lagu dhisay geedo laga keenay Yugoslavia kuwaas oo la saaray biyaha.

Waa waddooyinka kanaalada ee Venice

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waa waddooyinka kanaalada ee Venice

Magaalada Venice waxaa markii hore lagu geli jiray doon keliya laakin hadda waxaa lagu galaa tareen iyo gawaari laakin ma lahan jidad magaalada gudeheeda ah oo ay gawaarida maraan.

“Magaaladan baskeeda waa doon, tagsigeeda waa doon, ambalaaskeeda waa doon, gaadiidka askarta waa doon kuwaas oo dhammaan isticmaala biyaha magaalada marka baaskiil xitaa ma maro magaalada Vinice,” ayay tiri Xaliima.

Xaliima ayaa BBC-da u sheegtay in magaaladan ay magaalooyinka kale ee Talyaaniga kaga duwan tahay shaqada.

“Fursad shaqo ayaa taalla marka loo eego magaalooyinka kale Talyaaniga, Soomaalida deggan ama ka yimaada magaalooyinka u dhow, waxayna ka helaan fursado shaqo oo fiican.”

Goobta waa Piazza San Marco

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Goobta waa Piazza San Marco
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Soomaalida ku sugan Venice, inta badan waxay ka soo shaqo tagaan magaalooyinka berriga ee gawaarida loo isticmaalo, sababtoo ah gudaha magaalada nolosha ayaa qaali ah oo waa ay ku adagtahay inay caadi u degaan", ayay tiri Xaliimo.

Venice waxay caan ku tahay dalxiiska, waa sababta ay nolosheeda qaali u tahay. Waxayna magaaladaani caan ku tahay marinbiyoodka u sida sameysan xarafka "S" kaasoo ah midka labada dhinac u kala qeybiya magaalada .

Sidoo kale magaaladan waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu quruxda badan caalamka ee ka diiwaan gashan hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka" ee "UNESCO", taasoo ka dhigtay magaalada labaad ee Talyaaniga ee xagga isu socodka dalxiisayaasha tirada badan ee ka imaanaya qaybaha kala duwan ee caalamka

Magaaladan biyaha ka dul dhisan waxay ku fadhidaa baaxad dhan 70,176.4 Hektar.

Juquraafi ahaan magaalada Venice waxay caan ku tahay dhismooyinka dhaxalka ah iyo qaab dhismeedka kale. Soohdimaha magaalada iyo deegaanada kale ee laamiga ayaa waxay yihiin kuwo si wanaagsan loo dhisay oo lagu xadeeyay biyo.

Goobaha ay caanka ku tahay waxaa ka mid ah Qasriga Ducal, Buundada Rialto, Barxadda St. Mark iyo Matxafyada ku yaal Venice.

Sawirada goobaha ay caanka ku tahay magaalada Venice

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawirada goobaha ay caanka ku tahay magaalada Venice