Maxay tahay arrinta ay heesta dhexdeeda ku sameeyeen Shah Rukh Khan iyo Deepika ee carada weyn dhalisay?

Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada ee Hindiya iyo qeybo kale oo ka mid dunida loogu dhaliilayay muuqaal hees ah oo ay ku wada jiraan xiddigaha Bollywood-ka, Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone.

Heestan oo ka mid ah filimka “Pathaan” ee la filayo in uu soo baxo sanadka cusub ayaa si weyn loogu faafiyay internet-ka, iyadoo horayna guud ahaan filimkan la cambaareeyay ka dib markii la sii daayay xayeysiintiisa hordhaca ah.

Falcelinta dadka ayaa u badan dhaleeceyn ka dhan ah jilayaashan oo ka mid ah kuwa ugu caansan dalka Hindiya iyo caalamkaba.

Maxaa la qoonsaday oo ku jira heesta?

Si guud waxaa looga soo horjeeday qisada filimkan oo ay dad badan u arkayeen mid gaf ku ah dhaqanka iyo diinta dadka Hinduuga ah ee aqlabiyadda ku leh bulshada waddanka Hindiya.

Laakiin xaaladdu waxay faraha kasii baxday maalintii Insiinta ee isbuucan ka dib markii la shaaciyay mid ka mid ah heesaha filimka oo ay ka dhex muuqdaan Khan iyo Deepika.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 1

Atariishada oo heesta ku sameyneysa qoob ka ciyaar ayaa qeyb ka mid ah muuqaalka lagu arkayaa iyadoo xiran dharka ay dumarku hoos ka qaataan oo aysan wax kale la qabin. Laakiin muranku kama taagna taas.

Waxa ay dad badan qoonsadeen midabka dharkaas oo ah “hurdi” kaasoo ah mid lagu xushmeeyo arrimo la xiriira diinta Hinduuga.

Dadka ka falceliyay qaar waxay heestan ku tilmaameen mid ah ku jiraan waxyaabo anshax xumo ah, halka qaarna ayba sheegeen in ay tahay mid lagu aflagaaddeynayo dadka heysta diinta Hinduuga.

Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka sida carada leh uga hadlay mowduucan, kuna dhawaaqay in aysan daawan doonin waxaa ka mid ah bilyaneerka caanka ah ee Hindiya, Mukesh Ambani.

Bartiisa Twitter-ka ayuu kusoo qoray: “Filimka Bollywood-ka ee ay ku jiraan atariishada Deepika Padukone iyo atooraha Shahrukh Khan oo xubno ka ah JNU, dharka ay ay xiran tahay Deepika midabkoodu waa hurdi magaca heestuna waa 'Besharam Rang'. Sidaas darted ayaan isaga mamnuucay daawashada filimkan.”

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 2

Marka laga soot ago dadka ka carooday heesta, waxaa kale oo jiray kuwo taageero u muujiyay Deepika.

Nemo Tai oo ka mid ah dadka caanka ah ee wax kusoo qora baraha bulshada ayaa barteeda Twitter-ka ku tiri: “Gabdhaha gobolka Karnataka waxaa loo bartilmaameedsadaa in ay xijaab xiran yihiin. Deepika Padukone waxay wajaheysaa eedeyn ku saabsan inay xiran tahay dhar jirkeeda laga arkayo. Run ahaantii, waxaa laga soo hor jeedaa haweeney walba.”

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 3

Muxuu Shah Rukh Khan ka yiri arrintan?

Xiddigga Bollywood-ka oo u muuqday in uu saameeyay muranka hareeyay heestiisa iyo guud ahaan filimka uu soo wado ayaa dhankiisa dhaliilay qaabka wax loogu soo gudbiyo Baraha Bulshada.

“Baraha bulshada inta badan waxaa lagu soo qaataa fikrad lagu cabiray meel gaar ah oo keliya. Waxa ay [baraha bulshadu] xaddidayaan dabiicinnimada bani’aadanka iyagoo diiradda saaraya qof shakhsi ahaan u hadlaya,” ayuu yiri Shah Rukh Khan.

Ka bood X boggan, 4
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 4

Jilaaga ayaa sidoo kale sheegay in saameynta Baraha bulshada lafteeda ay u baahan tahay in laga sameeyo wacyigelin.

“Dadka qaar waxay baraha bulshada ku faafinayaan waxyaabo loo eegay si khaldan. Baraha Bulshada waxay isku darayaan fahamkeenna guud. Waa in Filimadu ay door ka qaataan sidii Meesha looga saari lahaa saameynta khaldan ee ay nagu leeyihiin baraha bulshada,” ayuu yiri.

Filimka “Pathaan” oo uu hagay Siddharth Anand ayaa la filayaa in uu marka ugu horreysa soo baxo 25-ka bisha January ee sanadka 2023.

Jilayaasha hoggaaminaya, Shah Rukh Khan iyo Deepika marka laga gudbo waxaa kale oo kasoo muuqan doona atooreyaal caan ah Bollywood-ka oo kala ah Salman Khan, Hrithik Roshan iyo John Abraham.