Akshay Kumar: Jilaa nolosha ka soo bilaabay adeege makhaayadeed kana gaaray heerka ugu sarreeya jilidda filimada

Akshay Kumar
Qoraalka sawirka, Akshay Kumar

Akshay Kumar wuxuu ahaa weligii qof ka run sheega noloshiisa sida hoose ku soo bilaabatay. Wuxuu ka soo bilaabay adeege (kabalyeeri) makhaayadeed oo aan heli jirin lacagta ay dadku siiyaan adeegayaasha (tip), wuxuu soo maray macallin dadka bara sida la isku difaaco, ilaa uu ka gaaray heerka jilayaasha Bollywood ugu magaca dheer ay ka gaareen dhanka jilidda aflaamta.

Laakin ma uusan illoobin halkii hoose ee uu nolosha ka soo billaabay iyo halgankii uu soo maray.

Wuxuu iskuulka isaga haray markii uu bilaabay dugsiga sare. Aabihii ayuu weydiistay inu doonayo inuu barto sida la isku difaaco (martial arts). Hore ayuu iskuulka ugu soo bartay dagaalka Karate iyo feer-haraati (taekwondo) oo uu ka gaaray ilaa iyo heer uu ka qaato suunka madow.

Akshay wuxuu aad u yaqaan is difaaca jirka

Xigashada Sawirka, startsunfolded.com

Qoraalka sawirka, Akshay wuxuu aad u yaqaan is difaaca jirka

Aabihii ayaa uruuriyey lacag uu markii dambe ugu dhoofiyey Thailand si uu u soo barto sida la isku difaaco. Shan sano ayuu dalkaas ku noolaa isagoo bartay Feerka Thai-ga. Isla xilligaas ayuu noqday cunto kariye iyo adeege Kabalyeeri makhaayad ka shaqeeya.

Shaqooyinkii ugu horreeyey ee uu qabto waxaa ka mid ahaa inuu nalka u qaadi jiray nin sawirqaade ah. Marki dambe wuxuu noqday sawir qaade, waxaana dadkii uu sawirrada ka qaaday ka mid ah Govinda oo ah jilaa weyn.

“Waxaan sawirro ka qaaday jilayaal badan. Waxaan sawiray Govinda, ilaa iyo maanta markii uu arko wuu i soo eegaa, wuxuuna yiraahdaa ‘beta tu hero kyun nahi ban jaataa, hero lagta hai tu’ (wiilkaygiiyow, maxaad u noqon weyday geesi, geesi ayaad u eg tahay), anna waxaan hoosta ‘iska dhihi jiray kyun mazaak kar rahe ho’ (maxaad u kaftamaysaa)” ayuu yiri Akshay.

Akshay iyo xaaskiisa Winkle Khanna

Xigashada Sawirka, Starsunfolded.com

Qoraalka sawirka, Akshay iyo xaaskiisa Winkle Khanna

Markii dambe isaga iyo Govinda waxay isugu yimaadeen jilidda aflaamta, waxayna isla jileen filimka Bhagam bhag ee soo baxay 2006.

Sannadkii 2007 ayaa ahaa markii ugu horreysay ee uu guusha weyn ka gaaray xagga aflaamta. Wuxuu wax ka jilay filim uu jilaaga 1aad ka ahaa Rishi Kapoor oo la oran jiray Namastey London, waxaana kaalintii uu filimkaas ku lahaa ay u suurto gelisay in loo magacaabo abaal marinta Filmfare.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu aad ugu caan baxay ficillada aadka u khatarta badan ee ku jira aflaamta u jilayo

Aflaamta kaliya kuma koobna ee wuxuu dadka baraa sida la isu difaaco. Gaar ahaan dumarka si bilaash ah ayuu ku baraa difaaca, wuxuuna magaalada Mumbai ku tababaray ilaa 4000 oo gabdhood.

2004 wuxuu soo bandhigay taxane TVga laga sii daayey oo la yiraahdo seven deadly arts with Akshay Kumar. Taxanahaas waxaa ku jiray todoba nooc oo ah dagaallada la isku difaac sida Shaolin Kung fu, Karate, taekwondo, aikido, Muay Thai, kalarippayattu iyo capoeira.

Wuxuu aad u dhiirri galiyaa in dadku jimicsi sameeyaan isagoo jecel dabaasha iyo ciyaarta kubadda kolayga, wuxuuna aad ugu adag yahay inuu helo nasiino ku filan oo ah inuu 8 saacadood oo hurdo ah helo maalin kasta. Aroor kastana wuxuu isku dayaa inuu wakhti u helo orod ruclayn ah iyo Yoga.

2001 ayuu guursaday Twinkle Khanna oo uu dhalay Rajesh Khanna oo caan ku ah jilidda aflaamta Hindiya, waana aabbe dhalay wiil iyo gabar.

Akshay Kumar Wuxuu aad u taageeraa hay’adaha aan dawliga ahayn iyo mashaariicda lagu taageerayo dadka taagta daran oo boqolaal kun oo doollar uu ku bixiyey.