Muxuu yahay heshiiska hubka Nukliyeerka ee Soomaaliya saxiixday?

Xigashada Sawirka, AFP
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiiska caalamiga ah ee lagu magacaabo Heshiiska Xakameynta Faafidda iyo Tijaabada hubka wax-gumaada ee Nukliyeerka.
Heshiiskaas ayaa magaciisa lagu ee loo soo gaabiyo CTBTO. Heshiiskaas waxaa horey u diiday dalal waa weyn oo ay dunida ah oo ay ka mid yihiin Israel, Hindiya, Kuuriyadda Waqooyi, iyo Iiraan.
Jimcihii la soo dhaafay ayuu isaga oo metelaya Soomaaliya waxaa heshiiskaas qalinka ku duugay Abukar Daahir Cismaa 'Baale' oo ah ergeyga joogtada ah ee dawladda Soomaaliya u qaabilsan Qarammada Midoobay.
Tallaabadan ayaa daba socotay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse uu bishii Juun ballanqaaday in dalkiisu saxiixayo heshiiskaas, isagoo ku sugan shir caalami ah oo haayadda Qaramada Midoobay u qaabbilsan heshiiskan ay ku qabatay magaalada Vienna.
Muxuu yahay heshiishka hubka Nukliyeerka ee ay saxiixday Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, CTBTO
Sebtembar 24, 1996, ayay ahayd markii Heshiiska Mamnuucidda Tijaabada Nukliyeerka ee kama danbaysta ah la hirgeliyey xilligaas oo waddammada loo furay in ay saxiixaan, si ay ugu hoggaansamaan waxa uu dhigayo.
Heshiiskan ayaa qeexaya in dawladaha saxiixaa ay ballanqaadayaan in deegaankooda, hadday tahay bad, berri iyo hawoba aanay sina ugu tijaabin ama ugu qarxin waxa la xidhiidhka hubka nukliyeerka, hadday mid ciidan iyo mid ujeed nabadeed lehba tahayba.
Markii u horreysayna dhammaan shanta dawladood ee hubka Nukliyeerka ah ee lagu aqoonsaday heshiiska Nuclear-ka ee (Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka) ayaa saxeexay heshiiskaas, iyada oo 66 dawladood oo kale ay la saxiixeen isla maalintaas.
Waxaana tan iyo intii ka danbaysay marba ku soo biirayey oo saxiixayey badi dawladaha adduunka, kuwaas oo Soomaaliya hadda ugu danbayso xilli ay isugeyn tirada guud noqonayso dalkii 187-aad ee saxeexa.
Dawladaha saxiixay ayaa si toos ah markaas ugu mid noqonaya ururka CTBTO oo ay ku midaysan yihiin dhammaantood. Sida oo kale saxeexa kaddib dawladaha ayaa laga rabaa in ay ka ansixiyaan barlamaannadooda isla mar ahaantaana ballan qaadaan hirgelintiisa iyo u hoggaansamidda qodobbada uu dhigayo.
Dalalkee ayaa aan illaa hadda saxiixin?

Xigashada Sawirka, Alamy
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo dalalka adduunka badankiisu ay saxiixeen haddana waxaa jira tiraba sagaal dal oo iyagu aan qayb ka ahayn heshiiskaas.
Dalalkaas ayaa kala ah Bhutan, India, Mauritius, North Korea, Pakistan, Saudi Arabia, South Sudan, Syria, Tonga.
Sababo kala duwan ayaanay u saxeexin, kuwaas oo qaarkood aanay u suurta gelin ama ku jireen xaalado amni, halka qaar ka mid ah si cad u diideen in ay saxeexaan.
Sannadkii 1998-kii, Hindiya waxay sheegtay inay saxeexi doonto oo keliya heshiiskaas haddii Maraykanku uu soo bandhigo jadwal lagu baabi'inayo kaydkiisa nukliyeerka, shardigaas oo uu Maraykanku diiday. Sababtaa darteedna aanay weli u saxeexin.
Dhanka kale waxaa jira waxaa jira waddamo tiro ah oo saxeexay weli se aan hirgelin, kuwaas oo ku xidhay shuruudo sida Hindiya ay saxiixiisa ugu xidhay oo kale. Maraykanka iyo Israel ayaana dalalkaas ka mid ah.
Sannadkii 2016, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay in ansixintooda iyo hirgelintiisa ay ku xidhan tahay "xaaladaha gobolka iyo waqtiga ku habboon"
Halka Maraykanku oo saxeexay isaguna ansixintiisa ku xidhay shuruudo dheeraad ah, in kasta oo ay weli socoto doodda ku saabsan u hoggaansanka heshiiskaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida oo kale waxaa jira dalalka kale oo qaarkood ay saluugeen qaabka heshiiskan oo ay sheegeen in madmadaw ku jiro dalalka sida Maraykankana ay tahay marka u horraysa in ay iyagu u hoggaansamaan.
Halka kuwo kale aanay dantooda ka dhex arag qorshaha joojinta Nukliyeerka sida Kuuriyada Koonfureed oo guud ahaan heshiisyada Nukliyeerka ka baxday 2003-dii.
Heshiiskan ayaanay illaa hadda caddayn cidda ku daba geli doonta iyo tallaaboyinka laga qaadayo waddammada aan u hoggaansanayn.
Afartameeyadii ka bacdi ayay ahayd markii adduunka uu ku baahay warka ah in hubka Nukliyeerka ee aadka wax u gumaada ay haystaan qaar ka mid ah dalalka waaweyn sida Maraykanka iyo Soofiyeetkii.
Wixii intaaa ka danbeeyey waxyeelladiisii Heroshima ayaa caalamka tustay sida hubkani u khatar badan yahay ee caalamka u waxyeellayn karo.
Waddamo badan ayaa qarsada tirada iyo haysashada hubka Nukliyeerka, laakiin waxaa la og yahay inay jiraan sagaal waddan oo leh in ka badan 9000 oo hubka Nukliyeerka ah.
Hubkan ayaa la tilmaamaa in ay ku keydiyeen meelo kala duwan - oo berriga ah, badda, iyo qaar kale oo badan oo laga yaabo inay yaallaan xeryo ciidan.
Maraykanka iyo Ruushka ayaa heystaa tirada ugu badan hubka nukliyeerka ah ee adduunka.
Kororka hubka Nukliyeerka dunida iyo dalalka heysta
Warbixin ay soo saareen khuburro ka tirsan macadka caalamiga ah ee qaabilsan cilmibaarista arrimaha nabadda ee SIPRI ee fadhigiisu yahay Stockholm sanadkii 2021, ayaa lagu sheegay inuu kordhay hubka Nukliyeerka ee dalalka qaar ee adduunka ay haystaan. Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nukliyeerka. Waxay kala yihiin: Mareykanka, Britain, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa'iil iyo Kuuriyada Waqooyi.
Waxaan waddamadaas ka mid ah Shiinaha, Hindiya iyo Pakistaan.
Shiinaha wuxuu sameystay 30 xabbo oo dheeraad ah oo hubka nukliyeerka, marka loo barbardhigo sannadkii la soo dhaafay. Tirada guud ee hadda uu haystana waa 350 oo xabbo oo hubka nukliyeerka ah.
Halka Pakistaan ay sameysatay 5 xabbo oo cusub oo hubka nukliyeer ah, tirada guudna waxay u noqoneysaa 165 xabo hub nukliyeer ah. Hindiya waxay sameysatay 6 xabbo oo dheeraad ah, guud ahaanna hubka nukliyeerka Hindiya wuxuu haatan garayaa 156 xabbo, sida lagu sheegay warbixinta SIPRI.













