Sida uu filimka cusub ee Shah Rukh Khan ee Jawan uu u dhigay rikoodh cusub

Xigashada Sawirka, Social Media
Filimka cusub ee Shah Rukh Khan metelayo ee lagu magacaabo (Jawan) ayaa maalintii ugu horeysay ee la sii daayay soo xareeyay macaash ama faa’iido rikoodh ah oo gaadhaysa in ka badan hal bilyan oo Rupes. Filimkan ayaa la baahiyey markiisii ugu horreysay September 7 caalamka oo dhan.
Weriyaha BBC Urdu ee Delhi, Mirza A. B. Baig, ayaa ku sheegay warbixintiisa in filimka Shah Rukh uu keenay maalintii labaadna lacag la mid ah tii laga sameeyey maalinkii koowaad, taas oo sidoo kale iyadu lafteedu rikoodh ah.
Shirkada Filimada Shah Rukh Khan ee lagu magacaabo Red Chillies ama Red Pepper ayaa u mahadcelisay taageerayaashiisa waxayna ku soo qortay X horena loogu yaqaannay (Twitter) iyada oo xustay in durba filimka cusub oo taariikh ka dhigayo shaneemooyinka caalamka.
Red Chillies waa shirkad uu leeyahay Shah Rukh Khan, waxaana filimkan ay soo saartay la sameysay xaaska Shah Rukh ee Gauri Khan. Habaynta iyo qurxinta filimka waxaa loo wakiishay agaasimaha caanka ah ee dunida aflaanta Koonfur Hindiya.

Xigashada Sawirka, BBC URDU
Shah Rukh Khan oo ay weheliso Atariishada caanka ah ee Deepika Padukone ayaa iyaduna door gaar ah ku lahayd filimka. Vijay Sethupati iyo Nain Tara waa labo kale oo caan ah oo Hindi ah, kuwaas oo doorarka hormuud ah ka qaatay filimkan.
Isla fariintan ayay Red Chillies soo dirtay ee mahadcelinta ah ayay sida oo kale ku yidhaahdeen: "Waa wax aan horay loo arag taariikhda shaneemmada Hindiya in dakhli badan oo u dhigma kan uu soo xareeyey filimkani laga helo maalinta kowaad ee filimka la daawado." ''
Marka laga reebo af Hindiga, Joan ayaa sidoo kale lagu sii daayay luqadaha Tamil iyo Telugu. Filimka kale oo Shah Rukh (Pathaan) ayaa isna ahaa mid rikoore sameeyay, kaasoo la sii daayay horaantii sanadkan.
Taariikhda aflaantiisa iyo sidii ay ugu baxday "Boqorka Bollywood-ka"
Filimkiisii ugu horreeyay abid, oo lagu magacaabo Deewana, waxa uu soo baxay sanadkii 1992-kii.
Labadii filim ee ku xigtay ayuu sidoo kale gabi ahaanba ku qabsaday Bollywood-ka, kuwaasoo kala ahaa Baazigar iyo Darr oo soo baxay sanadkii ku xigay ee 1993-kii.
Dhowr sano kaddib, shaki kuma jirin in uu ahaa hoggaamiyaha cusub ee filimada Hindiya.
15-kii sano ee xigtay markii uu Bollywood-ka kusoo biiray waxa uu soo saaray filimo aad looga daba dhacay oo sanad kasta uu ku gilgilayay shaleemooyinka, guulo waawaynna uu uga soo hoyiyay box office-ka iibsada aflaanta.
Xilligii uu heerka ugu sarreeyay joogay Shahrukh Khan, oo lagu naanaysay "Boqorka Bollywood-ka" waxa uu ku beegnaa intii u dhaxaysay bartamihii 1990-meeyadii ilaa dabayaaqadii 2000.
Darajada xiddigga ugu sarreeya waxa uu gaaray dhowr sano kaddib markii uu soo afjarmay waayihii wacnaa ee jilaaga Amitabh Bachchan, oo ay Soomaalida u taqaanno "Cali Dheere", kaasoo qudhiisa xilka xiddignimada sare kala wareegay Rajesh Khanna.

Xigashada Sawirka, SHAH RUKH KHAN
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jilaagan oo sameeyay inkabadan 80 filim, oo intooda badan uu ku guuleystay, dhaqaale badanna uu ka helay, ayaa hantidiisa lagu qiyaasay $600 milyan oo doolar.
Wargeyska Forbes ayaa qoray in Shah Rukh Khan uu sannadkiiba mushahar ahaan uu u helo lacag gaareysa $38 milyan oo doolar, lacagahaas oo uu ka sameeyo xayaysiinta iyo aflaanta uu sameeyo.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, Shah Rukh Khan wuxuu si dhow ula shaqeeyaa waaxda dalxiiska ee dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta.
Sidoo kale, wuxuu Shah Rukh Khan dhaqaale ka helaa oo uu horumuud u yahay barnaamij loogu magacdaray #BeMyGuest, kaas oo ah mid Dowladda Imaaraatka ay kuso jiidato dalxiisayaahsa caalamka.
Sumcadda uu dunida ku leeyahay Shah Rukh Khan iyo sida dad badan ay u xiiseynayaan aflanatiisa ayaa keentay in shirkado badan oo caalamka ay ka dalbadaan in uu xayaysiimo u sameeyo.
Shirkadaha uu xayaysiinta u sameeyay waxaa ka mid ah Pepsi, Nokia, TAG Heuer, Dish TV iyo shirkado badan oo ku yaala dalalka Carabta, kuwaas oo ka ganacsadaha dahabka.
Forbes ayaa mar Shah Rukh Khan ku tilmaamay in uu yahay jilaaga labaad ee ugu taajirsan caalamka, wuxuuna ka mid yahay 50-ka qof ee ugu saameynta badan dunida.
Taagaeerayaasha Shah Rukh Khan ee daawada aflaantiisa guud ahaan dunida ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin hal bilyan oo ruux.
Dalalka uu taageerayaasha ugu badan ku leeyahay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo aad looga jecel yahay aflaantiisa jaceylka ah.
Sida uu qiimeeyay wargeyska The India Today, magaca Shah Rukh Khan waa mid aad looga tixgeliyo dalal badan oo caalamka ah.
Sida uu qoray Forbs, Shah Rukh Khan wuxuu ka taajirsan yahay jilayaal ay ka mid yihiin, Tom Cruise, George Clooney, Mel Gibson, Adam Sandler iyo Amitabh Bachchan.
Jilaagan caanka ah wuxuu hanti guryo ah ku leeyahay magaalooyiinka Mumbai, Dubai iyo London, sida uu qoray wargeys ka soo baxa UK.
Qoyskiisa waxay ku nool yihiin gurigiisa qasriga weyn ah ee ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.













