Dhulgariirka Morocco: 'Ilaa iyo xalay ma aanan seexan'

Sucaad iyo Abuu Diini oo ka kala yimid Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa kamid ah Soomaali ku xanniban gudaha Morocco kadib dhulgariirkii cuslaa ee ku dhaftay dalka.
Sucaad Galow ayaa hugaamineysa koox gabdho Soomaali ah oo dalka u yimid ciyaarta kubadda kolayga oo dhexmaraysa wadamada Jaamacadda carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay, halka Abuu Diini uu yahay dalxiise Soomaali Maraykan ah.







