Afar sabab oo uu xiise ku yeeshay filimkii la sugayay ee Shah Rukh Khan

Sawirka kore ee filimka Paathan

Xigashada Sawirka, INSTAGRAM/YRF

Filimka "Paathan" ee uu soo jilay xiddigga Bollywood-ka ee lagu magacaabo Shah Rukh Khan ayaa guul weyn ka gaaray suuqa iyadoo uu hadda ku jiro marxaladihiisa ugu horreeya. Taageerayaasha iyo dadka dhaliila Khan labaduba waxa ay u muuqdaan in ay aad u xiiseynayaan filimkan.

Dadka ka faallooda arrimaha filimada ayaa sheegay in "Paathan" uu noqon doono filimkii ugu weynaa ee soo baxa sanadkan hadda billowga ah, taasoo muujineysa guusha weyn ee uu soo hoyiyay.

Qaar ka mid ah dadka daawaday filimka waxay u jeediyeen dhaliil ku aaddan sida loo jilay filimka oo ay ku tilmaameen qaab xun oo aan loo baahneyn.

Dhowr bilood ka hor inta uusan shaashadaha kasoo muuqan filimkan oo soo baxay Arbacadii waxaa hadal heyn ballaaran dhaliyay hees ku jirta oo ay dadka heysta diinta Hinduuga ku tilmaameen mid xad gudub ku ah diintooda.

Arrinta muranka dhalisay waxay ahayd in atariishada filimka, Deepika Padukone ay xiratay dharka hoose oo midabkoodu yahay jaalle, iyadoo la og yahay in midabkaas uu qeyb ka yahay waxyaabaha ay sharfaan dadka Hinduuga ah.

Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone

Xigashada Sawirka, CREDIT - YRF PR

Waxaa socday baaqyo badan oo lagu jeedinayay in la mamnuuco filimkan, iyadoo dadkana laga codsanayay in aysan daawan marka lasoo saaro.

Hase yeeshee caqabadahaasoo dhan waxba uma dhicin filimka "Paathan", waxa uuna noqday mid si weyn loo daawaday.

Khabiirka caanka ah ee falanqeeya filimada, Komal Nahata ayaa sheegay maalintii ugu horreysay ee la daawaday filimkan uu soo xareeyay acag ku dhow 7 milyan oo doolar.

Mar qura ayaa laga daaray 8,000 oo shaashadood guud ahaan dunida, sida uu sheegay falanqeeyaha kale ee lagu magacaabo Taran Adarsh.

Waxaan halkan ku eegetnaa afar sabab oo horseeday in filimkan uu karkaarrada jabsado.

Dib u soo rogaal celinta Shah Rukh Khan

Xiddigga Bollywood-ka, Shah Rukh Khan ayaan shaashadaha kasoo muuqan muddo 4 sano ah, ka dib markii ay ka fashilmeen dhowr filim oo uu dadaal badan ku bixiyay.

Dad badan ayaa xiiseynayay in ay daawadaan Khan oo soo rogaal celiyay isla markaana adeegsanaya indho-sarcaadkiisii lagu yaqaannay.

Shah Rukh Khan

Xigashada Sawirka, YRF

Sanadkii 2018 ayey ahayd markii ugu dambeysay ee uu Shahrukh Khan soo saraay filim uu atoore ka yahay, kaasoo ahaa filimka Zero.

Horay waxa uu atoorahan ugu caan baxay filimada jacaylka oo uu ku hantay taageerayaal badan.

Madadaalo xoog badan

Daawadeyaasha filimka Paathan ayaa u muuqday in ay aad ula dhaceen qisada ku jirta filimka iyo qaabka la isugu xirayo wixii dhacay iyo waxa markaas socda.

Filimkan ayaa sidoo kale lagu soo daray muuqaallo madadaalo ah oo wata xiise gaar ah, iyadoo laga ilaaliyay dhacdooyinka lasii maleyn karo.

Ninka qoray filimkan oo lagu magacaabo Sridhar Raghavan ayaa isagana lagu tilmaamaa mida ad u awood badan marka la eego dhinaca hal abuurka.

Laadar weyn

Inkastoo Shah Rukh Khan lagu yaqaannay filimada jacaylka ah oo uu ku helay naaneysta “Boqorka Jacaylka” haddana filimkan waxa uu xoogga ku saaray dhinaca dagaalka, isagoo ku jilay jir aad u dhisan oo murqo waaweyn leh.

Doorka laadarnimada filimkan waxaa qaatay John Abraham oo ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee Bollywood-ka.

John Abraham iyo Shah Rukh Khan

Xigashada Sawirka, YRF

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay laadarka in uu ka xiiso badnaa atooraha filimka.

Ficillo badano o dagaal ah

Waxaa hubaal ah in filimka Paathan diiradda lagu saaray xoojinta ficillada dagaalka ah oo dad badana y aad u jecel yihiin.

Muuqaallada dagaalka ee filimka ayaa lagu sameeyay qaabab kala duwan, sida kuwo ka dhacay dhulka, cirka iyo dhulka barafka ah. Waxaa loo adeegsaday gawaari, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo mootooyin.

Dhacdooyinka dagaalka ee filimkan wxaa lagu jilay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Spain, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Ruushka, Talyaaniga, Faransiiska, Afghanistan iyo Siberia.