Dhegeyso: Janaraal Caydiid iyo dagaalkii uu la galay ciidamada Mareykanka
Maanta oo kale soddon sano kahor waxaa magaalada Muqdisho ka qarxay dagaalkii cuslaa ee dhexmaray ciidamadii Janaraal Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidamada ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ahaa Howlgalka Nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay.
Boqolaal Soomaali ah iyo sideed iyo toban askari oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dagaalkaas, iyada oo lasoo riday seddex diyaarad oo ah nooca qumaatiga u kaca, iyadoo maxbuus ahaan loo qabsaday askari Maraykana oo duuliye ka ahaa diyaaraddii Black Hawk ee la soo riday.
Dagaal kaas ayaa keenay ugu dambeyn in laga haro ga’aan kii Qaramada Midoobay ku doonaysay in lagu soo xiro Janaraal Caydiid. Haddaba, dhegeyso warbixinta Weriyeha BBC ee Muqdisho Ibraahim Aaden u uku eegayo dagaalkii xilligaas dhacay, iyo sida Janaraal Caydiid uga badbaaday ciidamada Mareykanka.





