Black Hawk Down: Wiilka Soomaaliga ah ee jilay filimka malaayiinta Doolar lagu bixiyey ee ka soo baxay Malaysia

Qoraalka Muuqaalka, Wiilka Soomaaliga ah ee jilay malaayiinta Doollar lagu bixiyey ee ka soo baxay Malaysia

Dalka Malaysia waxaa laga billaabay daawashada filim la magac baxay Malbatt Misi Bakara. Filimkan ayaa ah mid laga sameeyey dhacdadii 3 Oktoobar 1993 ee magaalada Muqdisho lagu dilay 19 askari oo Ameerikaan ah iyo tiro aad u badan oo Soomaali ah.

Jilaaga Filimka, Muuse Cali Aadan, wuxuu BBC u sheegay in laga soo dhex doortay seddex jilaa oo midkood uu yahay jilaaga filimkii Captain Philips - Barkhad cabdi sababo la xiriira "aflaam hore uu u jilay".