Mid ka mid ah filimaanta Soomaalida dhexdeeda caanka ah oo 25 jirsaday

Kuch Kuch Hota Hai

Xigashada Sawirka, Instagram/Bollywood

Filin sameeye Karan Johar ayaa dhawaan magaalada Mumbai ku daah furay bandhigga gaarka ah ee filinka ‘Kuch Kuch Hota Hai’, kaasoo u dabaaldagayay 25-sano guuradii kasoo wareegtay markii la jilay filinkan.

Waxa uu soo baxay sannadkii 1998-kii, filinkan oo ay Soomaalidu ugu dhawaaqdo magaciisa (kuji kuji hootaa hee) ayaa johar u ahaa filinkii u horeeyay ee ay jilayaan Shah Rukh Khan, Kajol iyo Rani Mukerji ee uu agaasime ka noqdo. Filimka, asalkiisu ahaa riwaayad ku sabsan xiriirka, ayaa ku salaysan saddex saaxiibo jaamacadeed ah iyo aayahooda muddo dheer.

Waxaa loo dabaaldegay qaabka saxda ah ee saaxiibtinimada iyo jacaylka da'da yar uu filinku usoo bandhigay, isaga oo si fiican u dhigay dhigay dhalinyarada 90-meeyadii. Heesta astaanta u ah filinka ee 'Pyaar, dosti hai' (jacaylku waa saaxiibtinimada) - waxay noqotay hal-ku-dhegyo waqtigaas wixii kasoo bilowda. Filimkan ayaa sidoo kale ahaa mid ay aad u xiiseeyaan qurbajoogta Hindida ah ee reer Galbeedka.

Rani, Khan iyo Kajol

Xigashada Sawirka, Bollywood

Johar waxaa xafladda ku weheliyay Shah Rukh Khanand Rani Mukerji oo ay ka wada hadlayeen saameynta filimkan la wada jeclaaday. Hase yeeshee Kajol ayaa iyadu joogin xafladda.

"Filimkani waa astaan muhiim u ah nolosheenna iyo qalbiyadeenna," Shah Rukh Khan ayaa u sheegay daawadayaasha faraxsan. "Waa 25 sano jir Kuch Kuch Hota Hai. Waxaan sameynaa filimaan, qaar waa la iloobaa, qaar si fiican ayey ula qabsadaan waqtigaas, qaarna wax fiican ma sameeyaan. Laakiin kani waa hal filim oo tijaabiyey wakhtiga si fiicana u duugoobay. Wuxuu ku dhowyahay sidii Karan Johar oo kale,” ayuu ku kaftamay Shah Rukh Khan.

Johar, oo soo celiyay bogaadinta, ayaa ku tilmaamay jilaagan sidoo kale dhigay filinka Jawan, inuu yahay ‘xiddigga filimada ugu weyn adduunka’.

Rani Mukerji ayaa xasuusatay in ay 17 jir ahayd markii ay duubtay Filimka Kuch Kuch Hota Hai. Waa Filimkii ugu horeeyay ee Rani Mukherji ay la keento Shah Rukh Khan. Jilayaasha ayaa markii dambe iska kaashan doona filimada Hey Ram, Veer Zaara, Paheli, Chalte Chalte, Kabhi Alvida Naa Kehna iyo aflaan kale.

"Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah maanta waxaan haystaa gabadh 8 jirsanaysa bisha Disember, si la mid ah Sana (oo ku jilaysay Anjali) filimka. Haddii Kuch Kuch Hota Hai uusan dhicin, malaha ma aanan ahaan lahayn xiddigta aan maanta ahay. Markaa waad mahadsan tihiin Karan iyo Shah Rukh. Had iyo jeer waxaan dhahaa qofna ma jilo jaceyl ka fiican kan Shah Rukh. Waxaan ka bartay sida shaleemada jaceylka loogu sameeyo Shah Rukh,” Rani Mukherjee ayaa sidaas u iftiimisay dareenkeeda.

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Instagram boggan

Isniintii, Johar ayaa bartiisa bulshada soo dhigay muuqaal qaar ka mid ah waqtiyada caanka ah ee Kuch Kuch Hota Hai.

Waxa uu qoray, "25 sano ka hor waa meeshii ay wax walba ka bilowdeen…halkan waxaan maanta u dabaaldegeynaa filim kaliya maahan laakiin qiiro aniga iyo dhammaan jacaylka aan u qabno, sidaas oo kale ayaan dhamaanteen halkan u joognaa…

Waad ku mahadsan tahay jacaylka aan dhamaadka lahayn ee aad u soo bandhigtay sheekadan pyaar & dosti ilaa maanta waadna ku mahadsan tahay inaad ii buddhigtay safarkayga filimo samaynta ee 25 sano oo wanaagsan. Waxaan si weligeed ah ugu mahadcelin doonaa dadka an nasiibka u yeeshay inaan la shaqeeyo, dadka aan la kulmay ee daawada filimadayda iyo saamaynta Filimaanta."

Agaasinkii u dambeeyay ee Johar ee filinka (Rocky Aur Rani Kii Prem Kahaani), wuxuu ahaa guul caan ah. Waxaana hogaaminayay filinkan Ranveer Singh iyo Alia Bhatt.