Xisbullaah iyo Israa’iil oo qarka u saaran inay gaaraan heshiis xabad joojin ah

Ciidamada Lubnaan oo ku sugan goob ay duqeysay Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ciidamada Lubnaan oo ku sugan goob ay duqeysay Israa'iil

Israa'iil iyo Lubnaan ayaa u muuqda inay ku dhow yihiin heshiis xabbad-joojin ah, iyadoo golaha wasiirrada Israa'iil lagu wado inay maanta oo Talaado ah kulmaan si ay uga doodaan, sida ay sheegeen saraakiisha Israa'iil iyo Mareykanka.

Xabbad joojin 60 maalmood ah ayaa la soo jeedinayaa in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo dagaallamayaasha Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ee Lubnaan.

Waxaa la sheegay inay ku jirto ka bixitaanka ciidamada Israel ee koonfurta Lubnaan iyo soo afjarida joogitaanka ururka Xisbullah ee aaggaas.

"Waxaan rumeysannahay inaan gaarnay heerkan aan ku dhownahay," ayuu yiri afhayeenka golaha ammaanka qaranka Mareykanka John Kirby. Laakiin wuxuu intaas ku daray, "Weli ma joogno halkaas."

Maraykanka iyo Faransiiska - oo muddo dheer xulafo la ah Lubnaan - ayaa ka qaybqaatay raadinta xabbad-joojin.

Inta badan waxaa la sheegaa in saacaddaha ugu daran ee dagaalka ay tahay ka hor waaberiga. Waxaa sii xoogeysanaya rasaasta ay isweydaarsanayaan Israa’iil iyo Xisbullah, xilli ay labada dhinac iskula gorgortamayaan xogta ugu dambeysa ee heshiiska.

Axadii waxa la arkay ilaa 250 madfac oo Israa'iil lagu soo riday, kuwaas oo sida la sheegay intooda badan la qabtay, halka Ciidanka Cirka ee Israa'iil ay sii wadeen duqeymaha cirka ah ee lagu beegsanayo goobaha lagu tuhunsan yahay Xisbullah iyo bakhaarrada hubka ee Beirut iyo meelo kale.

Heshiiska ayaa waxaa ku jiri doona kordhinta joogitaanka ciidamada Lubnaan ee aagga ay baneeyeen Israel iyo Hezbollah, sida uu sheegay diblomaasi reer galbeed ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu ogolaaday heshiiska "mabda'a ahaan" waxaana guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Lubnaan Elias Bou Saab uu sheegay, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, in hadda aysan jirin "caqabado halis ah" oo ku wajahan xabbad-joojin.

Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan oo ahaa cidda la soconeya dhaqan gelinta xabad joojinta joojinta - ayaa la xalliyay, ayuu yiri, iyada oo guddi shan waddan ah la sameeyay oo uu ku jiro Faransiiska oo xubin ka ah oo uu Mareykankana hoggaaminayo.

Sidoo kale ilaalinta heshiiska ayaa ahaa in Israa’iil ay ku adkaysato xaqa ay u leedahay inay dib ugu laabato Lubnaan oo ay qaado tallaabo kasta oo millatari oo ay go’aansato inay lagama maarmaan tahay haddii ay aragto in Xisbullah ay dib ugu soo laabanayso koonfurta Lubnaan, wabiga Litani ama ay isku diyaarinayso inay weerar ku qaado Israa’iil.

Xorriyaddan dhaqdhaqaaqa waxay ahayd mid aan u cuntamin labada dhinac ee Xisbullah iyo dowladda Lubnaan, balse Amos Hochstein, ergeyga Mareykanka, ayaa la rumeysan yahay inuu si cad u sheegay, in uu jiro waqti xaddidan heshiiskan xabbad joojinta.

Walaaca laga qabay sida xabbad joojinta loo dhaqangelinayo, marka loo eego daciifnimada isbarbardhigga ee ciidamada ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (Unifil) iyo Ciidanka Lubnaan, ayaa u muuqda inay meesha ka baxeen.

Laakiin markaa waxaa jira qodobka gudaha ee Israa'iil. Wasiirka amniga qaranka ee midigta fog, Itamar Ben Gvir, ayaa baraha bulshada soo dhigay sida uu uga soo horjeedo heshiiska xabad joojinta, isagoo ku tilmaamay "khalad weyn". Waxa uu sheegay in hadda, iyada oo Xisbullah ay milatari ahaan sii daciifeyso, ay "fursad taariikhi ah" u tahay inay burburiso.

Colaadda ayaa bilaabatay 8-dii bishii Oktoobar ee sannadkii hore, iyadoo Xisbullah ay gantaallo ku garaacday Israa’iil oo ay ku taageerayso Xamaas.

Hadafka Israa'iil ee dagaalka ay kula jirto Hezbollah - kaas oo xoogaystay bishii Sebtembar ayaa ah in la ogolaado soo celinta qiyaastii 60,000 oo qof oo degganaa kuwaas oo ka barakacay waqooyiga Israa'iil weerarrada kooxda awgeed.

Markaas ayay ahayd markii ay weerar xooggan ku qaadday maleeshiyadaas, waxayna burburisay kaabayaashiisa iyo hubkii ay lahayd, waxayna dileen hoggaamiyahoodii Xasan Nasrullah iyo xubno kale oo sarsare.

Maamulka Lubnaan ayaa sheegay in heshiis kasta oo xabbad joojin ah lagu soo koobo shuruudaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1701, kaas oo soo afjaray dagaalkii 2006 ee u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israa'iil.

Qaraarka ayaa waxaa ku jira ka bixitaanka dagaalyahanada Xisbullah iyo hubkooda ee deegaanada u dhaxeeya Khadka Buluugga ah – oo ah xudduudda aan rasmiga ahayn ee u dhexeysa Lubnaan iyo Israa’iil iyo webiga Litani, oo qiyaastii 30km (20 mayl) u jira soohdinta Israa’iil.

Israa'iil waxay sheegtay in taasi weligeed si buuxda loo ixtiraamin, halka Lubnaan ay sheegtay in xadgudubyada Israa'iil ay ka mid tahay duullimaadyo milateri oo dulmara dhulka Lubnaan.

Lubnaan, in ka badan 3,750 qof ayaa lagu dilay ugu yaraan 15,600 oo kalena waa lagu dhaawacay tan iyo Oktoobar 2023, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Lubnaan, iyadoo in ka badan hal milyan oo qof lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay dhismayaalna waa ay burbureen weerarradii Axaddii Xisbullah ay ku qaadeen waqooyiga iyo bartamaha Israa’iil, qaarkood ayaa ku dhow Tel Aviv, sida uu sheegay booliska Israa’iil.

Weerarradan ayaa daba socday duqayn cirka ah oo ay Israa'iil ku qaadday bartamaha Beirut Sabtidii, kaas oo wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ay sheegtay in 29 qof lagu dilay.

Iska horimaadka ayaa sii socday Isniintii, iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ay sheegtay in duqaymaha cirka ee Israel ay ku dhinteen ugu yaraan 31 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.