Maxaad dareentaa marka aad saaxiibkaa kala go'daan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weligaa saaxiibkaa ma ma is jiidheen? Oo ma gaadhay heer aad kala go’deen? In aad saaxiibkaa weydaa marar badan waxa ay keentaa xanuun.
Luminta saaxiib, gaar ahaan marka si lama filaan ah waa mawduucyada ay bulshada ku adag tahay in ay ka hadlaan. Dad badan waxay dareemaan ceeb iyo culays nafsi ah, gaar ahaan kuwa la iskaga baxay.
Sida ay sheegtay saxafiyadda Rhiannon Lucy Cosslett, oo wax ka qortay muhiimadda saaxiibtinimada:
“Markaad saaxiib aad kuugu weyn lumiso, waa nooc murugo ah. Saaxiibtinimada haweenka oo kale waxay inta badan astaan u tahay xidhiidhka ugu muhiimsan nolosheena. Bulshadu waxay inta badan aaminsan tahay in xidhiidhka jacaylku uu yahay midka ugu saamaynta badan, sidaas darteed marka saaxiibtinimo dhammaato, saameynta way yar tahay la dareemo.”
Liz Pryor, oo ah khabiir xidhiidhka ku takhasustay iyo qoraaga buugga What Did I Do Wrong?, ayaa iyana sheegtay in ay xnuun badan tahay siiba haweenka.
“Xidhiidhka romantikada, waxaa jira filasho bulsho oo ah inaad qofka ogeysiiso inaad xiiso dambe u qabin. Laakiin saaxiibtinimada haweenka arrintaas ma jirto. Marar badan si toos ah looma sheego, taasna waxay keentaa xanuun fara badan.”
Liz Pryor waxay dadka la wadaagtay shan talo oo ugu talogashay si loo maareeyo dhamaadka saaxiibtinimada:

Xigashada Sawirka, Getty Images
1. Qor Waxaad Dareemeyso
Qor dhammaan dareenada aad ka qabto khibradaas xanuunka leh ee saaxiibkaa kugu soo afjaray. Qoraalkaasi waxaad u isticmaali kartaa laba siyaabood: Waa mid nafta kuu dejinaysa, haddii aad go’aansato inaad kaydsato ama aad gubto marka aad qorto ama jeexjeexdo. Sida oo kale haddii qofkii saaxiibkaa ahaa aannu raalligelin ku bixin, hab garnaqsi oo kale ayaad u qoaran kartaa oo culays kaa dejinaysa ah in aanad adigu hawshaa wax danbi ah ku lahayn.
2. Ha Ku Murugoon Kalinimo
Naftaada xor u noqo oo mararka qaar arrintan la wadaagto dad aad ku kalsoon tahay. Wadaagista waxay muhiim u tahay inayna xaaladdu noqon mid ku salaysan ceeb iyo aamusnaan.
3. Naftaada ha ku adkayn xaalado laga maarmi karayey
Ha isweydiin inaad khalad samaysay. Marar badan saaxiibtinimada dhammaataa waxay la xidhiidhaa xaaladaha qofka kale. Haddii aad dareento inaad wax ka baran karto qaabkaad u wada dhaqmayseen, samee horumar oo naftaada cafi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4. Aqoonso khaladkaaga
Ka fiirso meelaha aad ku dareemayso ceebta aad xambaarsan tahay. Inta badan waxaan si aan dareen lahayn u abuurma ceeb aan jirin. Waxaa muhiim ah inaad si ula kac ah u doorato inaad joojiso inaad naftaada ku eedeyso khalad aanay lahayn. Ka aad leedahayna si masuuuliyad leh u qaado, oo isku day in aad wax ka barato.
5. Ogsoonow Inaanad Kali Ahayn
Danee dadka kale oo ogow nolosha in aanad keli ku ahayan, oo laga yaabee in saaxiibbo ka wanagsani ku soo maraan. Kuwaas oo si habboon u qaabeeya mustaqbalkaaga danbe.
Liz waxay soo koobtay inay muhiim tahay in la abuuro wacyi-gelin ku saabsan dhamaadka saaxiibtinimada si loo siiyo sharafta ay mudan yihiin, halkii ay noqon lahaayeen arrimo lagu daboolo aamusnaan iyo dareen xanuun leh.













