‘Waxay uur lahayd’ muddo 15 bilood ah: Khiyaanada weyn ee uurka 'mucjisada ah'

Nigeria
Qoraalka sawirka, Chioma ayaa ku adkeysaneysa in ilmaha Hope uu wiilkeeda yahay
    • Author, Yemisi Adegoke, Chiagozie Nwonwu, and Lina Shaikhouni
    • Role, BBC World Service

Chioma ayaa ku adkeysaneysa in Hope, wiilka ay gacmaheeda ku heyso, uu yahay wiilkeeda. Kaddib siddeed sano oo ay ku guul-darreysatay inay uur qaaddo, waxay u aragtaa inuu yahay wiilkeeda mucjisada ah.

“Waxaan ahay milkiilaha ilmahayga,” ayay tiri iyadoo is adkeyn muujineysa.

Waxay dhinac fadhidaa seygeeda, Ike, waxayna joogaan xafiiska sarkaal Nayjeeriyaan ah kaasoo muddo hal saac ah ku qaatay su'aalo weydiinta lammaanaha.

Ify Obinabo, maaddaama ay tahay sarkaalka arrimaha haweenka iyo daryeelka bulshada ee gobolka Anambra state, waxay khibrado badan u leedahay xallinta murannada qoysaska - balse kan maaha is af-garanwaa caadi ah.

Shan ka mid ah xubnaha qoyska Ike, oo sidoo kale qolka ku sugan, ma aaminsana in Hope uu yahay ilmaha dhabta ah ee lammaanaha, sida ay sheeganayaan Chioma iyo Ike.

Chioma waxay sheeganeysaa inay “sidday” ilmaha ilaa 15 bilood. Sarkaalka iyo qoyska Ike ayaan rumeysneyn sida ay sheegashada suurto-gal u tahay.

Chioma ayaa sheegtay inay cadaadis kala kulantay qoyska Ike si ay uur u qaaddo. Waxay xitaa ka codsadeen inuu guursado xaas kale.

Iyadoo niyad-jabsan, ayay booqatay “xarun caafimaad” oo adeeg “daaweyn” aan caadi ahayn bixisa- waa fadeexad aan habbooneyn oo dhibaato leh oo lagu soo jiidanayo haweenka u hammuun qaba inay hooyooyin noqdaan taasoo ku lug leh safrinta dhallaanka.

BBC ayay dowladdu u oggolaatay inay wax ka ogaadaan wada hadalka guddiga iyo Chioma taasoo qeyb ka ah baaritaankeenna fadeexadda qarsoodiga ah ee uurka.

Waynu beddelnay magacyada Chioma, Ike iyo qaar kale oo warbixintan ku jira si aan uga difaacno bartilmaameedsiga uga imaan kara bulshooyinkooda.

Nigeria
Qoraalka sawirka, Sarkaalka gobolka Ify Obinabo waxay isku dayeysaa inay wax ka qabato fadeexadda
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Nigeria waa mid ka mid ah dalalka dunida ee ugu dhalmada badan, iyadoo haweenku ay cadaadis bulsho oo uur-qaadis ah la kulmaan iyo xitaa takoor amaba tacaddi haddii aysan awoodin.

Cadaadiskan dartii, haweenka qaar ayaa sameeya wax walba si ay uga dhabeeyaan riyadooda hooyonnimada.

Muddo ka badan sanad, BBC Africa Eye ayaa baareysay khiyaanada weyn ee “uurka qarsoon”.

Dadka ku qaraabta arrintan ayaa iska dhiga dhaqaatiir amaba kalkaalisooyin ku qanciya haweenka inay bixiyaan adeegyada “daaweynta dhalmo la'aanta mucjisada ah” iyagoo u damaanad qaadaya inay uur qaadayaan. “daaweynta” hore ayaa caadiyan waxaa ku baxa boqollaal doollar waxayna ka kooban tahay duritaan, cabitaan, amaba wax lagu mudo xubinta taranka.

Midna haweenka amaba saraakiisha aynu la hadalnay intii baaritaanka aan wadnay ma oga dhabtii waxa ay yihiin daawooyinkan. Balse haweenka qaar ayaa inoo sheegay inay jirkooda isbeddello ku keeneen - sida caloosha oo barartay - taasoo kuba sii qancisay inay uur leeyihiin.

Haweenka loo sameeyay “daaweynta” ayaa looga digay inaysan booqan dhaqaatiirta rasmiga ah amaba isbitaallada, iyadoo aan raajada amaba baaritaanka uurka uusan muujineyn “ilmaha”, oo dadka ku qaraabta arrintan ay sheegtaan inay ilmuhu ku korayaan meel minka bannaankiisa ah.

Marka la gaaro xilliga uu “dhalan lahaa” cunugga, haweenka ayaa loo sheegaa in fooshu ay keliya bilaabaneyso marka lagu duro “dawo dhif iyo naadir ah oo qaali ah”, taasoo u baahan in lagu bixiyo lacag dheeraad ah.

Sheekooyinka la xiriira sida ay “dhalmadu” u dhacdo ayaa kala duwan, balse dhammaantood waa kuwo murugo leh. Qaarkood happens vary, but all are disturbing. Qaarkood ayaa la suuxiyay waxayna soo tooseen iyadoo ay ku taallo calaamadda sida qalliinka uurka. Qaar kale ayaa sheegay in la duray cirbad sababeysa in qofku noqdo sida qof hurdeysan, oo xaalad is moodsiis ah gelisa taasoo ay aaminaan inay dhaleen.

Midkay noqotaba, haweenka ayaa ugu dambeyn la hoyda dhallaankii ay dhali lahaayeen.

Chioma ayaa u sheegtay sarkaaladda Obinabo in markii xilligii ay “dhali lahayd” la gaaray, ay qofta isku magacowday dhaqtarad ay cirbad uga durtay sinta una sheegtay inay soo riixdo ilmaha. Ma ay oga sida ay ku heshay Hope, balse waxay sheegtay in dhalmadu ay “xanuun badneyd”.

Nigeria
Qoraalka sawirka, "Dr Ruth" waxay maamushaa xarunta uurka been abuurka ah oo ku taalla gobolka Anambra

Kooxdeenna ayay u suurto-gashay inay dhex tagaan “xarumahan caafimaad” ee qarsoodiga ah - ee haweeney lagu magacaabo “Dr Ruth” ku xiraya macaamiisheeda - iyadoo kooxdeennu ay iska dhigeen lammaane isku dayayay inay carruur dhalaan muddo siddeed sano ah.

Haweeneyda lagu magacaabo "Dr Ruth" waxay xarunteeda furtaa Sabtida labaad ee bil walba waxayna ku dhex taallaa hoteel burbursan oo ku yaalla magaalada Ihiala, ee koofur-bari gobolka Anambra, qolkeeda bannaankiisa, daraasiin haween ah ayaa ku sugaya barxadaha hoteelka, qaar ayaa la arki karaa inay calooshoodu soo taagan tahay.

Goobta oo dhan niyad-sami baa hareysay. Mararka qaar, dabaal-deg ballaaran ayaa qabsada gudaha qolka kadib marka haweeney loo sheego inay uur leedahay.

Markii la gaaray xilliga weriyeyaasheenna is soo qariyay, "Dr Ruth" ayaa u sheegtay in daaweyntu ay leedahay damaanad ah inay shaqeyneyso.

Waxay haweeneyda durtay cirbad, iyadoo sheeganeysa inay lammaanaha u suurto-gelineyso inay “xushaan” jinsiga cunuggooda mustaqbalka - taasoo caafimaad ahaan aan suurto-gal ahayn.

Kadib markii ay diideen cirbadda, "Dr Ruth" ayaa gacanta ka saartay baakad uu ku jiro kaniini la tumay iyo sidoo kale kaniini kale oo badan oo ay guriga u qaataan, iyadoo sidoo kale siisay talooyin ku aaddan xilliga ay isu galmoon karaan.

Daaweyntan hor ayaa waxaa ku kacaya 350,000 naira ($205; £165).

Weriyeheenna qarsoodiga ah ayaan midna qaadan daawooyinka sidoo kalena raacin talooyinka "Dr Ruth’s" waxayna soo laabatay inay aragto afar toddobaad kadib.

Kadib markii qalab u muuqda raajo ay saartay caloosha weriyeheenna, dhawaqa sida garaaca wadnaha ayaa la maqlay iyadoo "Dr Ruth" ay ugu hambalyeysay inay uur leedahay.

Labadooduba waxay la riyaaqeen farxad.

Kadib markii ay u sheegtay warka farxadda leh, "Dr Ruth" ayaa u sharraxday in laga doonayo inay lacag ku bixiyaan daawoo “dhif iyo naadir ah” qaalina ah loo adeegsanayo dhalashada cunugga, taasoo qiimaheedu uu u dhaxeeyo 1.5 iyo labo milyan oo naira ($1,180; £945).

Haddii aan la helin daawadan, uurka ayaa ka dheeraan kara sagaal bilood, sida ay sheegatay "Dr Ruth", iyadoo meesha ka saareysa xaqiiq sayniseed ayay intaa raacisay: “In ilmaha uu noqon doono mid macluul-darro ay heyso - waxaan u baahnaan doonnaan inaan mar kale soo korinno.”

"Dr Ruth" kama aysan jawaabin eedeymaha ay BBC usoo jeedisay.

Nigeria
Qoraalka sawirka, Dhowr haween ah ayaa sugayay inay arkaan "Dr Ruth"

Ilaa heer haweenka ku lug leh ay si dhab ah u aaminsan yihiin in sheegashooyinkan ay yihiin kuwo aan caddeyn.

Balse sababta ay ugu hoggaansami karaan been sidaa u weyn, ayaa waxaa qeyb ka ah kooxaha baraha internet-ka ee lagu faafiyo wararka been abuurka ah ee ku saabsan uurka.

Dallad marin-habaabin ah

Uurka qarsoodia ah waa xaalad caafimaad oo la aqoonsan yahay, taasoo haweeney aysan ogaaneyn inay uur leedahay ilaa marxalad dambe.

Balse intii aan baaritaanka wadnay, BBC ayaa ogaatay in marin-habaabin ballaaran ay ka dhex jirto kooxaha Facebook iyo bogagga oo ku saabsan noocan uurka ah.

Haweeney kasoo jeedda Mareykanka, oo boggeeda dhan uga hadasha “uurka qarsoon", ayaa sheegata inay uur lahayd “muddo sanado ah” iyo in safarkeeda uusan sharrixi karin saynis.

Koox goonni ah oo Facebook ku mideysan, ayaa inta badan qoraalladooda u adeegsada erayo diimeed si ay ugu sheegaan “daaweynta” beenta ah inay u tahay “mucjiso” kuwa aan awoodin inay uur qaadaan.

Dhammaanba wararka been abuurka ah ayaa gacan ka geysta inu xoojiyo sida ay haweenku u rumeysan yihiin khiyaanada weyn.

Xubno ka tirsan kooxahan keliya kama soo jeedaan Nigeria, balse sidoo kale Koofur Afrika, Caribbean-ka, iyo Mareykanka.

Kuwa ku qaraabta howshan ayaa sidoo kale mararka qaar maamula, soona dhiga qoraallo kooxahan dhexdooda, taasoo u suurto-gelineysa inay gaaraan haweenka muujinaya sida ay u daneynayaan "daaweynta".

Marka uu qof muujiyo inuu diyaar u yahay inuu bilaabo hannaanka fadeexadda, waxaa lagu casuumaa kooxaha WhatsApp. Halkaas, kuwa maamula ayaa ku wadaaga warbixinno ku saabsan “xarumaha uurka qarsoon” iyo waxa hannaanka uu yahay.

‘Weli waan wareersanahay’

Maamulka ayaa inoo sheegay in si loo dhammeystiro “daaweynta”, ay dadka howshan ku qaraabta u baahan yihiin dhallaan si ay saas u sameeyaanna waxay raadiyaan haween baahan oo nugul, qaar badan oo ka mid ah waa dhalinyaro uur ayayna leeyihiin, iyagoo ku nool dal ay ilmo iska soo rididdu tahay sharci-darro.

Bishii February 2024, wasaaradda caafimaadka gobolka Anambra ayaa howlgal ka fulisay xarunta ay Chioma “ku dhashay” Hope.

BBC ayaa heshay muuqaalka howlgalka, oo muujinaya dhisme ballaaran oo ka kooban labo guri.

Mid ka mid ah waxaa ku yaallay qolal ay ku jiraan qalab caafimaad - oo loogu talo-galay bukaannada - halka kuwo kalena ay ku jireen haween badan oo uur leh oo iyagoo aan raalli ka ahayn halkaa lagu hayay. Qaarkood ayaa 17 jirro ahaa.

Qaar ayaa inoo sheegay in lagu khiyaamay inay halkaas aadaan, iyagoo aan ka war heyn in carruurtooda laga iibin doono macaamiisha dadka howshan ku qaraabta.

Qaar kale, sida Uju, oo aan ahayn magaceeda dhabta ah, waxay aad uga baqeysay inay qoyskeeda u sheegto inay uur leedahay waxayna raadineysay qaab ay uga baxsato. Waxay sheegtay in ilmaha laga siistay siiyay lacag dhan 800,000 naira ($470; £380).

Mar la weydiiyay inay ka shalleyneyso go'aanka ay ku iibisay cunuggeeda, waxay tiri: “Weli waan wareersanahay.”

Sarkaalad Obinabo, oo qeyb ka ahayd dadaallada uu gobolkeeda ugu jiro ugaarsiga burcaddan, ayaa sheegtay in kuwa ku qaraabta ay soo jiitaan haweenka nugul sida Uju si ay carruur u helaan.

Nigeria
Qoraalka sawirka, Uju would have sold her baby, had authorities not rescued her

Dhammaadka su'aalo weydiin adag, sarkaalad Obinabo ayaa ku hanjabtay in cunugga Hope ay ka qaadeyso Chioma.

Balse Chioma ayaa qiraneysa kiiskeeda, sarkaaladda ayaana markii dambe aqbaleysa sharraxaaddeeda ah in qudheeda ay dhibbane tahay oo aysan xaqiiqsan sida ay wax u socdeen.

Sababtan darteed, ayay ugu oggolaatay Chioma iyo Ike inay u heystaan ilmaha - haddii aysan waaliddiinta dhabta ah aysan imaan oo aysan sheegan.

Balse ilaa dhaqanka ku wajahan haweenka, dhalmo la'aanta, xuquuqdaha taranka iyo korsashada ilmaha ay is beddelaan, fadeexadaha sida kan ayaa sii bullaali doona, sida ay ka digayaan khubarrada.