Haweeney 24 jeer uur yeelatay balse 2 cunug heysata

Imtiaz Fazil

Imtiaz Fazil waxa ay uur yeelatay 24 jeer, balse labo cunug oo kaliya ayaa u badbaadday.

Uurkeedii ugu horreeyay waxay qaadday sanadkii 1999-kii. Muddo 23 sano ah oo xigtay waxay dilantay 17 jeer, shan jeer oo kalena waxay dhashay ilmo meyd ah.

Haweeneydan kasoo jeedda deegaanka Levenshulme oo ka tirsan gobolka Manchester, oo hadda 49 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay in arrinta ku dhacday ay ahayd mid aysan ku fikirin waligeed iney la kulmo doonto.

Waxa ayse sheegtay in ay dooratay iney ka hadasho maadaama laga hadal hayo Koonfurta Aasiya, oo ah halka ay asal ahaan kasoo jeeddo.

Waxa ay sheegtay in ay dooneyso sidii ay uga gudbi lahayd marxaladda ku saabsan in haweenka lagu ceebeeyo haddii ay ka hadlaan carruurta ay waayeen.

Imtiaz ayaa intaas ku dartay in qaraabadeeda aysan kala hadlin waxa ku dhacay maadaama ay u maleynayaan in ay xanuun u keenayaan haddii ay xasuusiyaan.

“Ma fiicna gebi ahaanba, waa taas sababta uusan qof walba u jecleyn inuu igala hadlo,” ayey tiri Fazil.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in iyadoo carruur badan weysay uusan jirin qof weydiiyay sida ay dareemeyso iyo in ay ka fikirto carruurteeda.

“Ma jirto maalin dhammaata anigoo aan ka fikirin carruurtii aan waayay,” ayey tiri Fazil.

Carruur

Xigashada Sawirka, FAMILY HANDOUT

Sarina Kaur Dosanjh iyo ninkeeda Vik ayaa sidoo kale rajeynaya in ay Meesha ka saaraan cabsida ku saabsan in haweeney ay dadka hor imaato ayna kala hadasho carruurtii ay weysay.

Sarina, oo 29 jir ah, kana soo jeedda deegaanka Walsall ee Galbeedka Midlands, waxa ay sameysay hay’ad samafal ah oo lagu magacaabo Himmat Collective, taasoo gabdhaha Koonfurta Aasiya siisa fursad ay uga hadlaan carruurta uga dhimata uurka.

Lamaanahan oo labo jeer is furay muddo labo sano gudahood ah, ayaa sheegay in xanuunka uusan u oggolaan iney dad kale kala hadlaan xaaladda. “Waxay ila tahay in dadku ay qarinayaan arrinta,” ayey tiri Sarina.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay dhib tahay haweeney walba oo uur leh ay ka fogaato dadka oo dhan maadaama ay saameyn ku yeelan karto fikraddooda.

“Tani waa farogelin ay Khasab tahay in la joojiyo,” ayey tiri Sarina.

Sarina iyo ninkeeda Vik
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Vik ayaa sheegay in uu falcelin kala duwan ka helay dadka uu kala hadlay arrinta qoyskiisa ee niyad jabka u keentay.

Waxa uu sheegay in ragga qaarkood ay qirteen in uu ka caawiyay sidii ay u hilmaami lahaayeen carruurta ay waayeen balse kuwo kale ay u sheegeen in ay qalad tahay in laga hadlo arrintaas.

Hase yeeshee, waxa uu sheegay in uu kalsooni ku qabo in arrin kasta marka laga hadlo uu xalkeeda imaanayo.

“Bulshadeennu waa in ay fahaynto in aysan ceeb ahayn in ay carruurtooda waayaan,” ayey tiri Sarina.

Imtiaz iyo Sarina waxa ay sheegeen in ay rajeynayaan in dadku ay wax caadi ah ka dhigan doonaan hadalka ku saabsan carruurtooda aan badbaadin, iyagoo aan wax ceeb ah dareemin.

Imtiaz waxay xustay in ay weli dareemeyso xanuunka ku saabsan 22 carruur ah oo ay weysay, balse ay dooneyso in ay talooyin siiso dumarka la kulmay xaaladdeeda oo kale.

“Arrintaas qalbigaaga ha gelinin,” ayey tiri Imtiaz.

“Haddii aad mowduucaas uga fikirtid six ad dhaaf ah, waxaa kugu dhacaya argagax. Waa in aad bannaanka usoo baxdid oo aad ka hadashid xaaladdaada, haddii kale dhib ayaad galeysaa.”