Xamaas oo ogolaatay soo jeedinta cusub ee xabad-joojinta Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay inay taageersan yihiin dib u soo celinta xabad joojinta gudaha Marinka Qasa iyada oo loo marayo soo jeedin ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha, taasoo keeneysa in shan maxaabiis dheeraad ah loo sii daayo Israa'iil iyadoo lagu beddelanayo 50-maalmood oo xabad-joojin ah.
Khalil al-Hayyam, oo ka mid hogaamiyaasha ugu sarreeya ee Xamaas s meel ka baxsan Qasa, ayaa sheegay in kooxdu ay ansixisay heshiis qabyo ah oo ay soo direen dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar.
Xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sidoo kale ay heleen qorshahan, waxayna u gudbiyeen "soo jeedin liddi ku ah dhexdhexaadiyeyaasha iyagoo si buuxda ula shaqeynaya Mareykanka".
Haddii lagu heshiiyo, heshiiska xabbad-joojinta xaddidan ee cusub wuxuu ku soo beegmayaa ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga oo bilaabanaya maanta oo Axadda.
Sabtidii, xafiiska Netanyahu ayaa sheegay inuu qabtay wadatashi ku saabsan soo-jeedinta xabad-joojinta ka socota dhexdhexaadiyeyaasha.
Waxay sidoo kale sheegeen in soo jeedinta Israa'iil ay la heshiisay Mareykanka, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.Mareykanku si cad ugamuu hadlin arrintan.
Tani waxay imanaysaa iyadoo ciidamada Israa'iil ay hawlgallo dhulka ka fuliyeen Rafax, isla markaana ay sii wadaam duqeymaha hawada ee Qasa, kadib markii xabad-joojintii socotay tan iyo 19-kii Janaayo ay dhammaatay horaantii bishan. Labada dhinac ayaa awooddi waayay inay isku raacaan marxalad labaad oo heshiiska ah ka dib markii kii hore uu dhammaaday.
Intii lagu jiray marxaladdii hore, Xamaas waxay sii daysay 33 la haysteyaal ah. Kooxda ay Iran taageerto ayaa loo malaynayaa inay weli gacanta ku hayaan 59 la haystayaal ah, inkastoo aan la rumaysan karin in dhammaantood ay nool yihiin.
Xamaas ayaa hore ugu adkaysatay in ay ku dheggan tahay heshiiskii asalka ahaa – iyada oo wada xaajood lagu bilaabayo waji labaad kaas oo qorshaynaya in la sii daayo dhamaan la haystayaasha haray si ay gabi ahaanba uga baxaan ciidamada Israa'iil ee ku sugan Qasaa lana soo afjaro dagaalka. Laakiin wada xaajoodyadaas weligood ma bilaaban.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Israa'iil iyo Maraykanku waxay taa beddelkeeda soo jeediyey in wejiga koowaad ee xabbad joojinta - oo dhacay bil ka hor - in la kordhiyo, iyada oo aan dammaanad cad laga helin in dagaalku dhammaanayo.
Israa'iil ayaa Xamaas ku eedaysay inay diiday muddo kordhinta, waxayna 18-kii Bisha Maarso dib u billowday weerarradeeda milateri ee ay ku hayso Qasa.
In ka badan 900 oo qof ayaa ku dhintay duqeymaha cirka ee Israa'iil tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Dhanka kale, ehellada la haystayaasha haray ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu halis galiyay nolosha la haystayaasha isaga oo jabiyay xabad joojintii.
Mid ka mid ah dadka la qafaashay oo lagu magacaabo Elkana Bohbot, ayaa lagu soo bandhigay muuqaal cusub oo ay Xamaas soo bandhigtay kaas oo uu ku codsanayo in la sii daayo.
Dagaalku wuxuu bilaabmay markii Xamaas weerartay koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, iyagoo dilay ku dhawaad 1,200 qof iyo 251 oo ay dib ugu kaxaysteen Qasa iyagoo maxaabiis ah.
Israa'iil ayaa ku jawaabtay weerar millatari oo ballaaran, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.













