Waa kuma Taliyaha cusub ee Ciidamada Israa'iil ee ku dhawaaqay 2025 inuu yahay Sannad dagaal

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalintii ugu horreysay ee uu noqday Taliyaha Guud ee Ciidanka Israa'iil, Eyal Zamir ayaa si cad daaha kaga qaaday bar tilmaameedkiisa iyo himilooyinkiisa marxaladda xigta.
Subaxnimadii Arbacada, Zamir ayaa khudbadiisii caleema saarka ku bilaabay isagoo sheegay in "Xamas aan wali laga adkaan", isla markaana howlgalka loo dhiibay uu yahay mid "cad oo ah in uu guul ku hoggaamiyo IDF.
Maqribnimadii isla maalintaas, Zamir ayaa kulan la qaatay hoggaanka sare ee ciidamada, iyadoo warbixintiisa ay baahisay warbaahinta Israa'iil. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "2025 wuxuu noqon doonaa sanad dagaal, iyadoo diiradda la saarayo Gaza iyo Iran".
Zamir ayaa khudbadiisii caleema saarka kula hadlay qoysaska ay ka soo jeedaan la haystayaasha haray ee ay gacanta ku hayaan Xamaas iyo kooxaha falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza, isagoo sheegay in waajibaadkiisu uu yahay "in uu soo celiyo dhammaan la haystayaasha si kasta oo suurto gal ah iyo sida ugu dhaqsaha badan".
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Gaashaandhigga Yisrael Katz ayaa Eyal Zamir u magacaabay taliyaha guud ee ciidamada IDF, isagoo bedelaya Herzi Halevi oo xilka iska casilay bishii Janaayo ee sanadkan, ka dib markii ay ciidamadu ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerar ay Xamaas ku qaadday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar, 2023-kii.
Wargeysyada Israa'iil ayaa sheegay in xafladda caleema saarka Zamir oo ka dhacday xarunta ugu weyn ee ciidamada Israa'iil ee Tel Aviv, ay ahayd mid aad u yar marka loo eego xafladaha caadiga ah ee dadka badan, oo munaasabado rasmi ah iyo rooga cas la dhigo, "sababo la xiriira duruufaha dagaalka".
Waa maxay go'aannada ugu horeya ee Zamir
"Waxaa lagama maarmaan ah in la kordhiyo miisaaniyadda difaaca, lana balaariyo tirada guud ee ciidamada," ayuu Zamir ku yiri khudbadiisii furitaanka.
Waxa uu xilka taliyaha guud ee ciidanka ku bilaabay samaynta guuto cusub oo taangiyo ah, waxaana uu magacaabay tiro taliyayaal ah oo isugu jira cutubyo iyo qaybo muhiim ah oo ka tirsan ciidanka Israa'iil, kuwaas oo lagu beddelay tiro taliyayaal ah oo muddo ka hor iska casilay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Zamir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la sameeyay guddi dib u qiimeyn ku sameeya baaritaannada ay ciidamada Israa'iil ku hayaan xaaladihii uu ku dhacay weerarkii 7-dii October iyo guldarradii laamaha ammaanka ee Israa'iil ay wax ka qaban waayeen, waxaana madax u ah taliyihii hore ee taliska koonfureed Sarreeye Gaas Sami Turgeman.
Eli Nissan oo ka faallooda siyaasadda Israa'iil ayaa BBC-da u sheegay in Zamir uu doonayo in uu shaqada ka ceyriyo inta badan dadkii mas'uulka ka ahaa ammaanka markii uu dhacayey weerarkii 7-dii Oktober iyo "qof kasta oo gacan ku lahaa guuldarada weerarka".
Nissan ayaa sidoo kale filaya in Zamir uu ku abaalmariyo dalacsiin qaar ka mid ah kuwa "soo bandhigay xirfad weyn iyo karti dagaal ee dagaalkan".
Marka laga hadlayo Iran, oo u muuqata inay ugu sarreysay mudnaanta koowaad, oo ay weheliso Gaza, Zamir wuxuu go'aansaday inuu xiro qaybta istiraatijiyadeed ee mas'uulka ka ah faylka Iran ee ciidamada, una qaybiyo hawlaheeda qaybaha kale ee ciidanka.
Zamir waxa kale oo uu wajahayaa caqabad gudaha ah: qorista xubnaha bulshada Yuhuuda ee Orthodox-ka ah, ee Haredim, kuwaas oo diiday in la qoro. Khudbadiisii furitaanka, Zamir wuxuu ugu baaqay "dhammaan qaybaha bulshada Israa'iil" inay ka qayb qaataan waxa uu ku tilmaamay "waajibka diimeed ee lagu difaacayo dalka hooyo.
Wajiga cusub ee xiriirka ka dhexeeya siyaasadda iyo hoggaanka ammaanka ee Israa'iil
Zamir ayaa intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2015 xoghaye milatari u soo noqday Ra'iisulwsaare Benjamin Netanyahu, sidaas darteed waxa uu aad ugu dhow yahay Netanyahu, oo aad u ammaanay intii ay socotay xafladda caleema saarka.
Netanyahu ayaa khudbadiisa ku sheegay inuu saddex jeer oo hore kula taliyey Zamir xilkaas, wuxuuna ku dhawaaqay inuu doortay horraantii bishii February ee sannadkan, ka hor inta aan si rasmi ah loo caleema-saarin.
Magacaabida Zamir ayaa ku soo beegantay iyadoo madaxda siyaasadda iyo kuwa ammaanka ay isku khilaafeen in dagaalka la sii wado ama lagala xaajoonayo heshiis xabad joojin ah oo ay la galaan Xamaas, kaas oo ahaa qoddobka ugu weyn ee Israa'iil muddooyinkii la soo dhaafay.
Madaxii hore ee shaqaalaha Halevi ayaa u soo jeedisay talooyin isdaba joog ah hoggaanka siyaasadda si loo joojiyo dagaalka iyo soo celinta la haystayaasha taas oo qayb ka ah heshiis xabbad-joojin ah."
Halevi waxaa la ogaa inuu aad ugu dhow yahay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Galant, kaas oo Netanyahu uu shaqada ka ceyriyay Noofambar 2024kii ka dib markii ay labada dhinac isku khilaafeen dagaalka Gaza iyo khilaaf hore oo ku saabsan "wax ka beddelka garsoorka" ee ay soo jeedisay xukuumadda Netanyahu sanakii 2023.
Galant waxa uu muddo dheer dabada ka riixayay in heshiika la dardargeliyo Gaza si "loo soo celiyo la haystayaasha iyagoo nool." Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in uu diiday qabsashada Milatari ee Marinka Gaza, isaga oo u arkayay mid halis ku ah ammaanka Israa'iil oo culays ku ah dhaqaalaheeda, sababtaas awgeedna kooxaha midigta fog ee Israa'iil ayaa ku tilmaantay mid guul-darro ah.
Ka dib markii la ceyriyay Galant iyo is casilaadii Halevi, waxay u muuqataa in dawladda Israel iyo Ra'iisulwasaaraheedu ay doonayaan inay ku tiirsanaadaan kuwa "naxariista daran".
Waa kuma Eyal Zamir
Zamir waa Taliyihii 24-aad ee ciidamada difaaca Israel.
Zamir waa 59 jir, taas oo ka dhigaysa qofka ugu da'da weyn ee qabta jagada Taliyaha Ciidamada Israa'iil.
Zamir waxa uu ku biiray ciidamada qalabka sida ee Israa'iil sannadkii 1984-kii. Waxa uu darajada sare ka gaaray ciidamada ilaa uu ka fadhiistay sannadkii 2021-kii, ka hor inta aanu 2023-kii soo noqon agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Israa'iil.
Sida laga soo xigtay wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israel, Zamir waa sarkaalkii ugu horeeyay ee gawaarida gaashaaman ee qabta jagada Taliyaha Ciidamda tan iyo sarreeye guuto General David Elazar 1970-meeyadii, kaas oo iska casilay jagadaas wakhtigaas sababo la xiriira "guuldarooyinka horseeday markii uu qarxay dagaalkii 1973".
Eli Nissan oo falanqeeya siyaasadda Israa'iil ayaa BBC u sheegay in si ka duwan sida ay dowladaha Israa'iil u doorteen taliyaha ciidamda ee ka mid ah kuwa ka tirsan ciidamada daba-galka ah, in Eyal Zamir uu ka tirsan yahay ciidamada gaashaaman.
Nissan waxa uu arkaa in tani ay dawladu uga mahadcelinayso "awoodda sare iyo xirfadda ay muujiyeen ciidamada qalabka sida ee dagaalkan.













