Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay dagaalka Alshabaab, doorka duqeymaha Itoobiya iyo dagaalka Calmiskaad


Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa wareysi gaar ah uu siiyayay BBCda uga hadlay qoddoba dhowr ah oo ku aadan amniga dalka

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wareysi gaar ah uu siiyay BBCda uga hadlay qoddobo dhowr ah oo ku aadan amniga dalka oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Alshabaab, Duqeymaha cirka ah ee ay dowladdu ka geeysato goobaha ay Alshabaab kula dagaallanto iyo arimo kale.

Wasiirka oo ka hadlay deegaanada uu hadda uu dagaalku ka socdo ayaa sheegay in dagaalku uu ku bilowday in Alshabaab la geliyay cunaqabateyn adag taas oo keentay in saanaddii iyo adeegyadii kale ee ay u baahnaayeen in laga cunaqabateeyay, taasina ay kaliftay buu yiri in ay jid furtaan si Alshabaabka Bariga Webiga Shabeelle jooga iyo kuwa Galbeedka Webiga jooga ay iskugu furmaan.

Wasiirku waxuu sheegay in Alshabaab ay dhowr jiho ay dagaal ka soo qaadeen laakin "dhowrka jihaba jab aad u weyn ayaa lagu gaarsiiyay" ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir oo intaas ku daray in ay meelaha qaar ay dib uga soo sikadeen sida tuulooyinka qaar.

Wasiirku waxa uu sheegay in sanadihii danbe ay aad u raadinayeen in helaan fursad ah meel Alshabaab toos lagula diriri karo am lagu duqeyn karo, "fursadahaasna iyaga ayaa nala soo doontay, jab aad u weyna waan ku garsiinay ,hogaamiyeyaal badan oo heerarka dhexe ahna waa looga dilay" ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo intaas ku daray in gaadiid ilaa 18 gaaraya laga gubay ila afar boqol oo Alshabaab ahna halkaasi looga dilay.

Mar la weeydiiyay wasiirka in halka ay Alshabaab joogaan la yaqaano sida koonfurta iyo bartamaha dalka, iyo sababta dowladdu goobahasi ugula dagaallmi weysay intii ay sugi lahayd in ay kasoo tallaabaan webiga Shabelle oo tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe ay qabsadaan, ayuu Wasiirka ayaa kaga jawaabay in "dagaalku uu socdo muddo toddobaad ah. Waqti la yiraa waa lagu kala adkaadayna weli lama gaarin" ayuu yiri, isagoo intaasi ku daray in Alshabaab ay keymaha ku dhuulmaaleysato.

Mar uu ka jawaabayey in sababta Al Shabaab loogu weerari waayey goobahooda ayuu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in dowladdu ay amartay in askari walba Meesha uu joogo uu dagaal ka qaado in kasta oo dalka oo dhan in uu dagaal ka socdo aanay saad ahaan u fududeyn dowladda. " Jubooyinka iyo Bakool waa uu ka socday , haddana diyaar garoowgeeda ayaa socda" ayuu sheegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo intaas ku daray in Alshabaab ay yihiin dad guur guura.

Itoobiya door noocee ah ayey ku leedahay duqeymaha Cirka ee Alshabaab

Itoobiya door noocee ah ayey ku leedahay duqeymaha Cirka ee Alshabaab

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tan iyo heshiiskii Ankara wixii ka danbeeyay xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo itoobiya ayaa soo hagaagayey, booqashooyin ayeyna labada madaxweyne is dhaafsadeen oo ay ku kala tageen Muqdisho iyo Addis-ababa.

Ciidaamda Itoobiyana waxa ay ka mid ahaayeen ciidamada ATMIS iyadoo in muddo ah ay dooddeedu tagneyd in ay howlgalka cusub ee AUSSOM ka mid noqdaan iyo in kale, laakan markii uu dhacay heshiiskii Ankara xiriirka labada dowladood ayaa sidii hore ka soo fiicnaaday.

Heshiiska labada dowladood ayaa waxa ka mid ahaa in ciidamada Itoobiya ay howlglaka AUSSOM ka mid noqdaan , goobaha ay joogayaan, iyo in kaliya dowladda soomaaliya lala macaamilo oo aanay Itoobiya faraha lasoo gelin siyaasadaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in heshiiskii Anakara uu ka mid ahaa in la iska kaashado la dagaalanka Alshabaab "waxaa hadda ugu haboon ee ay qaban kareen ay tahay in dhanka hawada qeyb ka mid ah ay naga caawiyaan meelihii aan ka codsanay ayeeyna duqeymaha ku sameeyeen" ayuu yiri.

Waa sidee doorka duqeymaha Imaaraadka ee buuraha Calmiskad ee Puntland

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowr jeer waxa ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay Buuraha Calmiskad ee Puntland, halkaas oo ay duqeynta lala beegsaday dagaallamayaasha Daacish ee buurahaasi kula dagaallamaya ciidamada Puntland.

Dhowr jeer ayey Puntland sheegtay in ay Imaaraadka iska kaashadeen duqeymo cirka ah. Haddaba waa sidee doorka duqeymaha cirka ee imaaraadka, dowladda dhexese ma la socotaa duqeymahaas ayaan weeydiinay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur,.

Wasiirka ayaa kaga jawaabay in addduunku uu qaab dowladeed u uwada macaamilo.

"Shaqooyinka ay dowladahaasi nala qabtaan dhamaantood heshiisyo ayaan kula jirnaa, heshiisyadaasna waxaa ku cad qolo walba waxa ay qabaneyso iyo in aan xogta aan hayno la wadaagno, gaar ahaan meesha aan u maleyneyno in nimankaas ku jiraan" ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo intaas ku daray in markii la xaqiijiyo xogtaas, sarkaal Soomalaiyeed uu saxiixo " Duqeymo dalkan iska dhacaahi ma jiraan".

Yaa daba gala dhibaatada rayidka ka soo gaarta duqeymaha ay fuliyaan diyaardaha Itoobiya iyo Imaaradka?

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in duquymaha dalka ka dhacay 99% dad rayid ah aanay waxba gaarin sababtan waxa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay go'aan ku gaartay in meel loo maleynayo in qof shacab ah joogo aan la duqeyn, isagoo sheegay in wacyi gelin ay ka sameeyaan deegaanada ay duqeymuhu ka dhacaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in haddii ay dhibaato soo gaarto rayidka oo khalad uu ka dhaco ay soo xaqiijiyaan hay'adahii ku shaqada lahaa "waxa ay leedahay hab loo maro oo shacabka soomaaliyeed lagu qanciyo oo diyo lagu siiyo".

Door noocee ah ayey dowladdu ku leedahay dagaalka ka socda Puntland

Dagaalka ka socdod buurha Calmiskad ee Puntland dhowr jeer oo hore ayaa dowaldda iyo Puntland ay eedo is weeydaarsadeen

Xigashada Sawirka, GAROWE ONLINE

Dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad ee Puntland dhowr jeer oo hore ayaa dowladda iyo Puntland ay eedo is weeydaarsadeen.

Waxa aynu weedyiinay wasiirka in ka wasiir gaashaandhig ahaan, aanu wax saameyn ah ku lahayn dagaalka soconaya gobol ka mid ah soomaaliya sida uu dareemayo.

Laakin wasiirka ayaa kaga jawaabay "in dagaalka Puntland ka socda uu yahay dagaal ay shacab Soomaaliyeed ku jiraan, Dowladda Somaaliyeedna ay ku jirto kaas oo heer maamul goboleed iyo heer federaalba lagu jiro ayaan u naqaan" ayuu yiri isagoo intaas ku daray in sida ay dadku u fasiranayaan aanu garan karin.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada ay tahay laba qeybood oo kala ah dowladda dhexe iyo dolwadaha xubnaha ka ah dowladda dhexe kuwaas oo hal xubin oo Dowladda Soomaaliyeed isku ah". Suuragal ma aha in Alshabaab ama Daacish lagula diriray Puntland ama lagula dirirayo Galmudud in la yiraa Dowladda Soomaaliyeed kuma jirtro "ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirku wax uu sheegay in hantida Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkaas lagula jiro, "hantida dowlado aan saaxiib nahay iyo wixii ay noogu deeqeen ayaa lagula jiraa, heshiisyo dowladda Soomaliyeed gashay ayaa lagu caawinayaa" ayuu sheegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur isagoo intaas ku daray in waxaas oo dhan ay dowladda Soomaaliya ay isku yihiin.

Sidee ayey u socotaa kaalmada Maraykanka ee ciidamada gaar ahaan Danab

Wasiirka ayaa sheegay in ciidmada danab markii xukuumadu ay hal sano jirsatay ay Maraykanka ka wada heshiiyeen in si tartiib tartiib ah ay dowladdu ula wareegto kaalmooyinka ay siinayaan ciidanka Danab qeybo ka mid ah.

"Heshiiskaas fulintiisa waan wadnaa hadba qeyb ayaan la wareegnaa " ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in markii hadda maraykanka uu is beddelka dowladeed ka dhacay ay qarashaadka ay dunida ku caawinayeen ay dhimeen, laakin waxa uu sheegay in mushaarka iyo raashinka ay dowladda Soomaaliya la wareegtay. "Kaalamooyin badan oo aynaan maanta awood u lahayn ayey Dowladda Maraykanku ku kaalmeeysaa Dowladda Soomaaliyeed" ayuu sheegay Cabdulqaadir Maxamed Nuur.