Waa kuma Yuusuf Dhegnaas, hoggaamiyaha ka tirsanaa al-Shababab ee la sheegay in la dilay?

Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn dhanka cirka oo ay iska-kaashadeen saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay ku dileen 20 ka tirsan dagaallameyaasha al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda.
Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka dhacayey dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowlada, ciidamada deegaanka ee Macawisley iyo kooxda al-Shabaab.
Sida uu BBC-da u sheegay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, dadka duqaynta lagu dilay waxaa ka mid ahaa saraakiil sare oo ka tirsan kooxda iyo dagaallemayaal la socday, uuna ka mid ahaa hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalka dhanka cirku uu bartilmaameedsaday gawaari ay kooxdu lahaayen
"Sidoo kale waxaa lagu burburiyay dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay isticmaalayeen maleeshiyaadka weerarka qaaday," sida qoraalka lagu sheegay.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday madaxtooyada magaalada Muqdisho oo lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka, ayaa mar kale ku celiyey inay dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan la dagaallanka kooxda al-Shabaab, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday ammaanka magaalada.
"Nimankaa haddaan shalay ku khaldannay inay dalka yimaadaan oo si uun dadka u sireen maanta waa la bartay waa la yaqaannaa waa la fahmay nama siri karaan, dalkana ma qabsan karaan sifo ay ku qabsadaan uma yaallo dalku," ayuu yiri Madaxweye Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in al-Shabaab ay yool u tahay magaalada Muqdisho.
"Magaalada Muqdishaa ayaan ku nool nahay, mas madaxaa laga dilaa Shabaab magaaladan ayaa yool u ah inay qarribaan, magaaladana waad garanaysaa siday hadda tahay waxbaa wali u sii dhiman, waana isku dayi doonaan si joogta ayey haddaba isugu dayaan, way kari waayeen" ayuu intaas raaciyey.
Hadalka Madaxweyne Xasan ayaa yimi iyadoo safaaradda Maraykanka ee Muqdisho dhawaan markii labaad toddobaad gudihiis soo saartay digniin ku socota muwaadiniintooda oo ay uga digayso inay u safraan Soomaaliya.
"Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay ku raadjoogtaa warar la isku hallayn karo oo la xiriira werarro ay dhici kartoin lagu qaado bartilmaamaeedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, oo u ku jiro garoonka caalamiga ee Aadan Cadde. Dhamaanba dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyey ilaa ogeysiin dambe" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Abuukar
Waa kuma Yuusuf Dhegnaas?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida uu BBC-da u sheegay afhayenka wasaaradda gaashandhigga Laba Xiddigle Abuukar Maxamed Xasan, Yuusuf Dhegnaas ayaa lagu dilay duqayn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Ceel-bacad oo ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan kooxda al-Shabaab oo la socday.
Wuxuu sheegay in ninkan uu muddo tobaneeyo sano ah ka tirsanaa kooxda al-Shabaab isla markaana dhowr mas'uuliyadood oo kala duwan uu ka soo qabtay ururka al-Shabaab.
Afhayeenku wuxuu intaa raaciyey in Dhegnaas, uu madax ka ahaa "qeybta sakawaadka ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kalana uu madax ka soo noqday deegaannada Cad-cadey iyo Caddaan-laxey."
Mar ayuu sheegay sidoo kale inuu hayey mas'uuliyadda wax uu ugu yeeray "qaybta dacwada ee kooxda ee isla gobolkaas."
"Hadda xubin sare oo dadka dhibaateeyo ayuu ahaa, shanta kale ee la dhimatay niman sar sare ayey ahayaeen laakiin asaga ayaa ahaa bartilmaameedka," ayuu BBC-da u sheegay Abuukar.
Abuukar, ayaa xusay in markii ay dhacday duqaynta lala eegtay kooxda isku dayeen inay dhaawacyadooda la baxsadaan balse duqayn kale lagula eegtay degmada Galcad.
Afhayeenka wasaaradda gaashandhigga Abuukar Maxamed, ayaa tilmaamay in howlagallada ka socda gobolka Shabelleda Dhaxe ay wali halkaasi ka socdaan.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ayaa duqaymo dhanka cirkaa ka fuliyey Shabeelaha Dhexe kuwaas oo lagu sheegay inay bartilmaameedsadeen kooxda.













