Lacag-dhaqis: Kadib xukunka qoyskii lagu eedeeyay inay al-Shabaab lacag u ururiyeen, maxaa Soomaaliya uga yaalla?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Fatuma Maalim Abukar
- Role, BBC Somali
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa shalay xukun isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku ridday qoys ku eedeysnaa in ay maalgeliyeen al-Shabaab, iyagoo u sameeyay akoonno lacag lagu shubo.
Xasan Cismaan Aadan oo ah aabbaha qoyskan ayaa lagu xukumay isku darka 13 sano oo xarig ah iyo 20 kun oo doollar oo ganaax ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud oo riday xukunkan, ayaa saddex haween ah oo kale ku xukumay min labo sano oo xarig ah.
Aabbaha qoyska ayaa lagu eedeeyay in labo akoon uu ka furtay mid ka mid ah bankiyada ku yaalla Muqdisho uuna ku uruuriyay lacag ka badan lix milyan oo doollar, halka gabadhiisa iyo labo xaasaskiisa ah uu magacooda ugu furay akoonno uuna lacago ku dhow lix milyan oo kale halkaasi ku shubay.
Dacwadda ay xeer-ilaalintu soo gudbisay ayaa waxaa ku xusan in lacagtan laga ururiyay ganacsato iyo shacab ku dhaqan dalka.
Xaasaska oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa sheegay in iyagu aysan waxba ka ogeyn akoonnada loo furay, halka gabadhiisa ay sheegtay in aabbaheed uu ku qasbay isla markaana aysan diidi karin warkiisa, balse xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in qof walba uu mas'uul ka yahay koontada magaciisa ku qoran.
Xeer-ilaaliye ku xigeen Farxaan Xuseen Maxamed oo dacwadda soo gudbinayay ayaa maxkamadda ka hor sheegay in lacagtan oo muddo toddoba bilood lagu soo xareeyay loo ururiyay al-Shabaab, isla markaana Xasan isagoo ka baxsanaya xeerarka dowladda ay u dejisay bankiyada uu furay akoonnadaas kala duwan.
Dhacdadan oo hadal-heyn badan dhalisay ayaa ka mid ahayd tusaalooyinka lacag-dhaqista ee dalka ka jira, iyadoo ay jiraan xeerar u degsan bankiyada, sida xaddiga lacag ee qofku uu akoonkiisa dhigan karo.
Waa maxay lacag-dhaqis?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Miciin Jaamac Cali oo ah khabiir dhanka ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgalinta argagaxisada, kana shaqeeya shirkadda Ria Money Transfer ayaa BBC u sheegay in lacag-dhaqistu ay tahay fal sharci-darro ah oo lacag si khaldan qofka kusoo gashay ah, sida daroogo, maal-gelin argagixiso, afduub iyo waxyaabo la mid ah oo qofku doonayo inuu ka dhigo lacag nadiif ah oo kusoo gashay si xalaal ah.
Lacagta lagu helay sida sharcid-arrada ah ayaa loo arkaa mid wasakh ah, iyadoo hannaanka lagu dhaqayana ay la micno tahay in loo ekeysiiyo inay tahya nadiif.
Waaxaha maaliyadda ayaa waxaa u yaalla siyaasado ka hortaga lacag-dhaqista si looga hortago arrintan, balse waxaa mararka qaar dhacda in dadka ku dhaqma ay baal-maraan.
Lacag-dhaqista ayaa muhiim u ah ururrada dembiilayaasha ah kuwaasoo adeegsada lacag kusoo gashay si khaldan. Dembiilayaasha ayaa lacagta dhigta bankiyada iyagoo u ekeysiinaya inay kusoo gashay si nadiif ah.
Shuruucda uga taalla Soomaaliya iyo dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Miciin ayaa sheegay in adduunku aad ula dagaallamo lacag-dhaqista iyaga oo ku saleynaya danta amniga qarankooda, "maxaa yeelay lacag-dhaqidda marka ay tiro badato waxaa loo isticmaali karaa in lagu qalqal-geliyo waddanka amnigiisa, dhaqaalihiisa, horumarkiisa iyo wax walba oo danta bulshada u horseedaya. Sidaa awgeed, ayuu caalamku ula dagaallamaa lacag-dhaqista balse dalkeenna way ku cusub tahay," ayuu yiri.
Nidaamka bankiyada Soomaaliya ayaa ah mid billow ah, iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu sanadkii 2016 uun ansixiyay xeerarka ka hortagga lacag-dhaqista.
"Banki walba wuxuu leeyahay waax gara ah oo la yiraahdo, waaxda ku dhaqanka shuruucda. Waaxdaas ayaa tababar u sameysa shaqaalaha, wacyigelisa dadka si loogu sharraxo waxa ay shuruucdu qabaan," ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in shuruucda caalamka iyo kuwa dalka ay isku xiran yihiin. Waddan lama falgeli karo caalamka haddii uusan dhowrin shuruucda caalamiga ah ayuu sheegay Miciin.
Miciin ayaa sheegay in mas'uuliyadda ay saaran tahay labada dhinac. "Bankiga wuxuu raacayaa shuruucda u qoran waddanka oo ah qofka marka akoon loo furayo shuruudaha laga rabo oo ay ka mid yihiin cinwaankiisa, magaciisoo saddexan, telefoonkiisa, aqoonsigiisa iyo wixii kale ee looga baahdo. Qofka shakhsiga ahna waxaa laga rabaa inuu la yimaado shuruudaha bankiga uga baahan yahay si ay isku waafajiyaan sharciga waddanka u yaallay," ayuu yiri.
Wuxuu Miciin intaa ku daray in bankiyadu ay iyaguba dembi ku leeyihiin haddii aysan raacin shuruucda looga baahan yahay ee ka hortagga lacag-dhaqista.
"Qofka markuu akoon furanayo waxaa la weydiiyaa inta lacag ee uu filayo in akoonkiisa ay soo gasho, haddii uu yiraahdo 70,000 isla markaana bankigiisa ay soo gasho hal milyan, waa in hannaanka hubinta ee bankiga uu soo qabtaa inta aanba la gaarin dowladda." Ayuu yiri.
Inkastoo hannaanka ka hortagga lacag-dhaqista ee Soomaaliya uu curdin yahay, haddana Miciin ayaa sheegay in bankiyadu ay raaci karaan liis uu soo saaray Bankigga Dhexe oo ah qaabka loo hubinayo aqoonsiga macaamiisha, sida baasaboorka, shatiga gaari wadista, warqadda nikaaxa iyo shahaadooyin, iyadoo qofkana laga qaado sawir iyo dhammaan aqoonsiyada uu leeyahay si akoon loogu sameeyo.













