Lix arrin ka ogow lacagaha aan la arkeynin ee laga daba dhacay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii uu agaasimaha guud ee shirkadda Tesla, Elon Musk uu ku dhawaaqay qoraal uu soo dhigay Twitterka bishii Febraayo ee sannadkan inuu iibsaday $ 1.5 bilyan oo bitcoin ah uuna qorsheynayo in wax lagaga iibsado 'cryptocurrency' ayaa dhammaan lacagahaas cirka isku shareereen .
Markii Musk uu markale uu ku yidhi tweet-Arbacadii in uusan aqbali doonin bitcoins kuwa doonaya inay iibsadaan gawaadhidiisa, qiimahiisa ayaa hoos ugu dhacay 15%.
Haddii hal tweet uu ka dhigi karo inuu kor u kaco ama uu si lama filaan ah uu u hoos ugu dhici karo, waxaa cad in ay tahay hanti aan fadhiyin.
Mastercard, Bank of New York Mellon iyo shirkado kale waxay go'aansadeen inay u fududeeyaan macaamiishooda macaamilada 'cryptocurrency'. Intaas waxaa sii dheer, lacag aad u tiro badan ayaa lagu maalgeliyey lacagahan dijitaalka ah.
Shirkadda lacagta elektiroonigga ah ee 'PayPal' ayaa ku biirtay mowjaddaas iyadoo ku dhawaaqday bishii Maarso adeeg cusub oo macaamiisha u oggolaanaya inay alaabada ka soo iibsadaan malaayiin iibiyeyaal ah oo adduunka oo dhan ah kuwaas oo isticmaalaya lacagaha loo yaqaan 'cryptocurrencies' sida bitcoin, Litecoin, ethereum ama bitcoin cash.

Xigashada Sawirka, Getty Images
1. Muxuu yahay
Bitcoin waa nooc ka mid ah lacagta loo yaqaan 'cryptocurrency', taas oo ah, lacag dijitaal ah.
Taabasho ahaan ma jirto, mana jiro waddan kaliya oo hagi karaaa. Waa lacag dhijitaal ah oo qiimaheeda si joogto ah isu beddelayo, sida ku dhacda lacagaha kale sida dollar ama euro.
Farqiga ugu weyn ayaa ah in qiimaha 'cryptocurrencies' uu aad u kacsan yahay, maaddaama aysan jirin cid xakameynaya, kor iyo hoos ayuu u socdaa marka loo eego sida suuqa u socdo.
Bitcoin waxaa loo isticmaali karaa in lagu iibsado alaab ama qalab maalgashi, in kasta oo aan laga helin waddamada oo dhan.
Sida dhammaan waxyaabaha loo yaqaan 'cryptocurrencies', bitcoin waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo lacag-bixin deg-deg ah lagana fogaado khidmadaha macaamiil ee ganacsiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2. Sidee u shaqaysaa
Bitcoin kasta wuxuu ka kooban yahay lambaro sir ah oo ku keydsan "jeebkaaga dhijitaalka ah", taleefanka gacanta ama kombiyuutarka, oo leh "furayaal khaas ah".
Dadku way u diri karaan ama heli karaan (qaybo ka mid ah bitcoin) shakhsiyaad kale ama shirkado kale.
3 . Sidee ku heli karaa Bitcoin
Waxaad ku heli kartaa saddex hab:
Waxaad ka iibsan kartaa bitcoin (ama qayb ka mid ah lacagta) adoo isticmaalaya lacagtaada caadiga ah. Dad badan ayaa barnaamijyo dhanka taleefanka ka soo dejista taleefannadooda kuwaas oo u oggolaanaya inay iibsadaan 'bitcoin' iyagoo isticmaalaya lacagaha ku jira akoonadooda bangiga.
Wax ayaad ku iibsan kartaa sida oo kalena waxad kartaa dadka inay kugu siiyaan bitcoins lacagtaada.

Xigashada Sawirka, NICOLAS TUCAT/Getty Images
Ama waad ku abuuri kartaa adiga oo u maraya nidaam loo yaqaan qodista macdaneed ee bitcoin-ka. Kuwa ku howlahan waxaa loo yaqaan macdan qodayaal.
Macdan qodayaashu waxay ku shaqeeyaan kumbuyuutaro aad u awood badan oo ku shaqeeya nidaam abaalmarin otomaatig ah oo abaalmarin ku siiya dadka xaqiijiya macaamilka macaamiisha ka kooban shabakadda.
4. Halkee ayuu ka yimi
Horraantii 2009, progammer aan la aqoon ama koox is qarisay oo isticmaashay magaca 'Satoshi Nakamoto' ayaa daabacay maqaa ku ltilmaamaya bitcoin nidaam cusub oo wax lagu kala iibsado oo aan cidi gacanta ku hayn.

Xigashada Sawirka, Barcroft Media
Kaddib markii ay sameeyeen hab tiknoolajiyadeed oo ka dhigaya bitcoin hab lacageed suuragal ah ayaa 2011 si toos ah loo hirgeliyey.
Si kastaba ha ahaatee, xog yar ayaa laga hayaa dhacdooyinkan horseeday horumarka lacagta.
Bitcoin, ayaa loo aqoonsaday lacatii ugu horreysay ee dhanka internetka ah ee suuqa soo gasha, kuna soo gasha qiimaha ugu sarreeya.
5 . Maxaa macnaha u yeelay
Xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha waaweyn iyo shakhsiyaadka iibsanaya 'bitcoin' ayaa sii dedejiyey labadii sano ee la soo dhaafay qiimihiisa.
Kahor, cryptocurrencies waxaa loo yaqaannay aagag ay si gaar ah u adeegsadeen ururrada ku xiran dambiilayaasha caalamiga ah si ay u fuliyaan macaamilladooda sharci darrada ah iyagoo aan la aqoonsan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
6. Intee halistu leeg tahay
Khatarta ugu weyn ayaa ah in ay tahay xumbo maaliyadeed oo aakhirka burburinaysa dhammaan kuwa "lacagtooda dhabta ah" ku shubay lacag hawo ah oo aysan taageerin hay'ad kasta.
Sida ay sheegaan qofna "ma leh bitcoin", sidoo kale cidna mas'uul kama aha.
Taasi waa sababta ay madaxweynayaasha bangiyada dhexe ee quwadaha waaweyni dadka ugu sheegaan si joogto ah dadka inaysan u maal gashanin lacagtooda, habka loo yaqaan 'cryptocurrencies' maxaa yeelay waxay ku danbayn doontaa "luminta lacagtooda oo dhan".
Ma jiraan wax dammaanad qaad ah. Sidaa darteed, khubaradu waxay yidhaahdaan, qof kasta oo maalgashi ku sameeya bitcoin waa inuu diyaar u yahay inuu lumiyo lacagtooda haddii ay wax khaldamaan.










