Maxay cuntada Soomaalidu caan uga dhex noqoneysaa bulshooyinka Ingiriiska?

cunto

Xigashada Sawirka, Savanah

Kacdoonka casriga ah ee baraha bulshadu waxuu qayb weyn ka qaatay sare u kaca is dhexgalka bulshooyinka kala duwan ee hadda ka hor iska taqaanay uun inta ay wararka ku maqlaan - waxay baraha bulshadu noqdeen meel qolo waliba ay kusoo bandhigto waxyaabaha u gaar ka ah.

Soomaalida qurbo joogta ah ee leh maqaaxiyaha ayaa waayahaan danbe cuntadada ay ku sameeyaan maqaaxiyahooda ay noqdeen, mid baraha bulshada ay aad ugu baahiyaan macaamiisha ajnabiga ah ee ka hela cunisteeda.

Arrinkaan ayaa sababay in uu kordhay qulqulka dadka aan Soomaalida ahayn ee maqaaxiyaha Soomaalida ee intooda badan ku yaalla magaalada London.

Sida ay sheegeen milkiilayaasha qaar, la yaab malahan in aad aragto dad yow badan oo reer Ingiriis ah oo safaf dhaadheer ugu jira bariiska iyo hilibka lagu diyaariyo maqaaxiyaha Soomaalida.

“Labo shay baa ugu wacan midna waa Soomaalidii oo dhexgal la samaysay [dadkii kale] oo iskuulaadkii iyo jaamacadahii iyo mida kale oo ah baraha bulshada oo Soomaalidii iyo ajanabigii kale ay aad u isticmaalaan.” Ayuu yidhi Cabdicasiis Ismaciil Dirir oo ah mulkiilaha muqaaxida Savannah oo ku taala magaalada London.

Hadalhaynta cuntada Soomaalida ku yeelatay baraha bulshadu isticmaalaan waxuu ku sheegay Cabdicasiis in ay tahay dadka aan Soomaalida ahayn oo ku baraarugay dhadhanka u goonida ah cuntada Soomaalida.

“Dadkii hadda waxay bilaabeen in ay imaadaan [maqaaxida] oo ay dhadhamiyaan – dhadhankaas, adeegii iyo qiimaha cuntada Soomaalida ayaan u malaynayaa in ay qayb ka qaadatay suuqan”, ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdicasiis.

Tani waxay bog cusub u fureysaa dadka aan Soomaalida ahayn ee sanado badan warbaahinta ka maqlayay hoogga iyo halaagga ka jiray Soomaaliya. Haatan waxay baranayaan dhadhan ku cusub oo ka yimid halkii looga tabin jiray sheekooyinka dhagxumada leh.

Intii aan wareysanaynay milkiilaha maqaaxida Savannah ee London ayaa waxaa hadalka ka soo dhex galay Andy Slaughter oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ee Ingiriiska, sidoo kalana xubin ka soo noqday. Bale Cabdicasiis ayaa ku boobay su'aal ah; "ka warran cuntada, mudane?" waxuu ugu jawaabayaa isna "Cuntada waa cajiib. Waan jeclahay maqaaxidaan, "

Cabdicasiis mulkiilaha maqaaxida Savannah oo la sawirran mid kamid macaamiishiisha

Xigashada Sawirka, Cabdicasiis Ismaaciil

Qoraalka sawirka, Cabdicasiis mulkiilaha maqaaxida Savannah oo la sawirran xildhibaan Andy Slaughter oo maqaaxida kusoo booqday.

Bariis iyo Hilib, Suqaar iyo Canjeero, moos iyo saambuuska ayaa kamid ah cuntooyinka sida gaarka ah barta aadka dhallinyaraddu u isticmaasho ee Tiktok muuqaaladooda ay ka daawadeen malaayiin dad ah, iyaga oo ajaaniibtu ay falcelintooda ku aadan cuntada Soomaalida aad ugu faafinayaan barahooda bulshada kuwaas oo helaya daawadayaal badan.

Cabdicasiis Ismaaciil Mire 12 sano ka hor ayuu muqaaxi ka furtay magaalada London. Markii hore macaamiisha ugu badane ee uu lahaa waxay ahaayeen Soomaali, haddase waxuu yeeshay macaamiil badan oo ajaaniib ah oo muqaaxidiisa si joogta ah u yimaada, iyaga oo danaynaya cuntada Soomaalida. .

“Macaamiisheennu 90% waxay ahaayeen Soomaali waxaana soo raacaayay Carab, haddana 30% waa ajnabi – hadii arrintu sidaan kusii socotana waxaa laga yaabaa 70% in ay dadka kale noqdaan.”

Savannah Restaurant

Xigashada Sawirka, Savannah Restaurant

Qoraalka sawirka, Cunto Soomaali
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Macaamiishaan kusoo badanaysa muqaaxiyaha Soomaalida ah waxay keentay mowjad cusub oo isdhexgal bulsho ah, kuwaas oo ay dadka kale ee ajaaniibta ahi ku baranayaan dhaqanka iyo waxyaabaha gaarka ah u ah, iyada oo cuntadu markaan noqonaysa dunta ku xidhaysa Soomaalida bulshooyinka kale ee ay qurbaha kula noolyahiin.

Mid ka mid ah macaamiisha oo la hadlaysa Cabdicasiis intii aanu wareysaneynay ayaa sheegtay, in kaliya ay ka taqaanay Soomaalida wararka laga tabinayay mudada dheer ee la xiriiray colaadaha iyo abaaraha, balse haatan ay baraneyso dhadhanka u qaaska ah Soomaalida.

Waxuu aaminsanyahay Cabdicasiis in ayna keliya tani ahayn isdhexgal bulsho oo qudh ah ee ay tahay hab kale oo ay Soomaalidu ku gadayso sawirkeedda wanaagsan bulshooyinka kalena ku barayso hab nololeedkooda wanaagsan.

“Waxay u furaysaa dadka kale indhaha markay arkaan bulsho [qurbajoog ah] oo meel leh, oo dhaqan leh, wax weyn bayna ka qaadatay [ barashada bulshadu]” ayuu ku qeexay Cabdicasiis oo dareensan in ay tani tahay fursad kale oo ay Soomaalidu caalamka isku tusayso.