Wax ka ogow shanta cunto ee kaa badbaadin karta qiimaha sare ee nolasha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay'adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay dad ka badan 690 malyan oo daafaha dunida ku kala nool inay macluul soo food saartay. Tiradaasi oo 8.9% u dhiganta dadka dunida ku nool.
In kasta oo ay Qaramada Midoobay Himilooyinka qarniga ee ay dajisay oo ahaa 2030 marki la gaaro in la helo duni macluul ka madax bannaan, haddana waxa jira walaac laga qabo tallaabooyinka wax lagaga qabanayo baahida dunida ka jirta.
Waxaa jira caqabado ay ka mid yihiin is-beddelka cimilada, dagaallada, xaaladaha dhaqaalaha, siyaasadaha iyo masiibooyin kale oo khatar ku ah in himilooyinkaasi in la gaaro.
FAO waxay sheegtay in loo baahan yahay isbeddello waaweyn oo wax looga baddali karo nidaamka cunnada iyo beeraha dunida si loo badbaadiyo 690 malyan oo qof oo ay macluul soo food saartay, tiradaasina 2050-ka ay gaari karto 2 balyan oo qof.
Haddaba xilli ay dunida soo food saartay sicir barar sare u kac dhinaca noolasha oo ka dhashay masiibooyinka dhaqaale oo waddama badan oo dunida ka mid ah ku habsaday labadi sano ee ugu dambeeyey.
Dhibaatooyinkaasi oo ay sii huriyeen cudurka safmarka ee Corona virus oo dunida ka dillaacay iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya ee qarxay horraanti sanadkan.
Haddaba, waxaa jira cunnooyin xagga qiimaha iyo waxtarkooda caafimaadba uu wanaagsan yahay oo loo arko iney xal u noqon karaan qiimaha sare ee noolasha.
Moxogga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Geedka moxogga waa geed la cuno , dubid iyo tumid intaba waa loo cuni karaa, waana geed nafaqadiisuna sarreyso. Waana cunto qiimahiisu macquul tahay oo dadka saboolka ah ay iibsan karaan.
Asal ahaan Moxogga wuxuu ka yimid Koonfurta Mareykanka, haddana wuxuu si weyn uga baxaa dalka Naigeria.
Moxogga waxaa la helaa sanadkoo dhan waana raqiis waxaana loo yaqaanaa cuntada dadka saboolka ah.
Geedka kale ee caanka ah waa yam ama nooc ka mid ah Moxogga ,kaasi oo qoraa u dhashay dalka Nigeria, laguna magacaabo Chinua Achebe uu ku tilmaamaay "boqorka dalagyada".
Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni wuxuu dhawaan muwaaddiniinta dalkiisa uu ugu baaqay inay cunaan Moxogga maadaamaa qiimaha sarreenku u sare u kac ku yimid.
"Haddii la waayay Rooti,cuna Moxogga "ayuu yiri, madaxweyne Museven.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo kasaafada ah oo waxyeello u geysan kara haddii aan la karinin, laakiin intooda badan hadda la isticmaalo waxay u muuqdaan kuwo badbaado u leh caafimaadka, oo leh nafaqooyin ku filan. Cassava waxa uu leeyahay karbohaydrayt ku filan si uu u taageero tamarta.
100 garaam oo moxog ah ayaa ka kooban 191 Carols, kuwaas oo qaarkood ay ku jiraan fiitamiino, macdan iyo nafaqooyin lagama maarmaan u ah caafimaadka macaamiisha.
Baradhada ama Yaanyada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si la mid ah moxogga, baradhadu waa cunnooyinka kale ee xididka laga helo cid walbana ay heli karto, waa cunno siyaabo kala duwan loo isticmaali karo.
Waxaana dunida ka jira 10 nooc oo baradhada ka mid ah, balse nooca ugu badan waa nooca loo yaqaanno Baradhada Yurub iyo Bataatiga oo inta badan qureec ahaan loo isticmaalo.
Baradhaduna in la beero oo ay goosasho gaarto waxay qaadaneysaa wakhti dheer. Inta badanna baradhada waxaa la isticmaalaa marka la engajiyo, la dubo ama la dhiilo waxayna ka mid tahay cuntooyinka qiimahoodu u macquulka yahay oo dadka danyarta ay iibsan helaan xilli qiimaha sare u kac uu ka muuqdo noolasha guud.
Digirta noocyadeeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay sheegtay xarunra cimli baarista beeraha ee Ilonga digirta gaagaaban iney ku baxdo 120 ila iyo 125 maalmood inkasta oo cimilada dhulka ay digirta ka baxeysana ay sameyn ku leedahay.
Sida oo kale waxaa jira noocyo ka mid ah digirta oo ku bislaado 210-270 maalmood. Digirtana waxaa lagu tiriyaa iney ka mid tahay cuntooyinka caafimaadka u wanaagsan beerashadooduna ay sahlan tahay.
Nooc Qamadiga ka mid ah (Millet)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Millet ama nooc ka mid qamadiga ayaa leh miro yaryar oo hadhuudhka ama masagga u eg, sida cuntooyinka caadiga ah ayaa biya looga karkarinayaa loona cuni karaa.
Inta badanna Millet wuxuu ka baxaa dhulka uu roobkiisu dhexdhexaadka yahay uu sanadki gaaro 110 cabbirka roobka.
Cunnooyin la isku daray
Sarreenta, Baradhada, Maxogga iyo Digirta oo la isku daro si wanaagsanna loo isticmaalo waxay ka mid yihiin cunnooyinka wanaagsan ee la isticmaali karo.
Balse waxaa laga digayaa haddii cunnooyinkaasi la isku daro si khaldanna loo isticmaalo ay noqon karaan nooc khamriga ka mid ah oo maanka dooriya.












