Tuulo boqolaalka rag ah ay ku dileen xaasaskii ay qabeen - warbixin

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bishii Disembar 14 keedii, 1929, wargeyska Mareykanka ee 'The New York Times' ayaa daabacay war ka yaabiyay Ameerika iyo sidoo kale dadka Hungary oo kumanaan kilomitir u jira Maraykanka.

Sida warku sheegayay waxaa la bilaabay dacwad ka dhan ah ilaa 50 haween ah.

Dhammaan haweenkan ayaa lagu eedeeyay in ay sumeeyeen oo ay dileen inta badan ragga ku noolaa tuulo ku taalla dalka Hungary ee qaaradda Yurub.

Dabcan, warkani wuxuu ahaa mid gaaban, laakiin wuxuu ka koobnaa macluumaad badan.

Warbixintu waxa ay sheegtay in intii u dhaxaysay 1911 iyo 1929, dhawr dumar ah ay sumeeyaan in ka badan 50 nin degaanka lagu magacaabo Nagyrev, oo qiyaastii 130 kiiloomitir koonfur ka xiga Budapest, caasimadda Hungary.

Haweenkan waxaa loo yaqaan 'malaa'ig-sameeyayaal'. Waxay dileen niman kadib markii ay maadada arsenic solution iyo sun isugu qaseen.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baaritaan bilowday kadib sanado badan

Dadka qaar ayaa dhacdadan ku tilmaamay dil wadareedkii ugu balaadhnaa ee ay dumarku rag u geystaan taariikhda casriga ah.

Ka dib dacwadii laga gudbiyay koocda dumarka ah, hal magac ayaa soo noqnoqday. Waxa uu ahaa magaca Jojasana Fajakas – haweeneey umuliso ka ahayd tuulada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waqtigaas, tuuladani waxay ka mid ahayd boqortooyadii Austro-Hungary. Ma jirin dhakhtar deegaanka ah. Umulisooyink ay ayaa gacanta ku hayay caafimadka deegaan dadkana dawayn jiray.

Sannadkii 2004-tii, iyada oo la hadlaysa dukumentari raadiya laga sii daayay oo ay samaysay BBC du Maria Gunya, oo ka mid ah dadka tuulada, ayaa sheegtay in Fajakas ay ahayd qofka ugu wayn ee lagu soo eedeeyay sumaynta, sababtoo ah haweenka tuulada ayaa si furan ugala hadli jiray Fajakas dhibaatooyinka shakhsi ahaaneed iyo kuwa ay ragooda ku qabaan intaba.

Gunaya ayaa sheegtay in Fajakas ay u sharaxday haweenka hadii ay dhibaato kala kulmaan raggooda in ay loo hayo xal fudud.

In kasta oo Fajakas la sheegay in ay ahayd eedaysanaha ugu weyn ee dilka wadareedkaan, marqaati furkii haweenka tuulada ee dukumentiyada maxkamadaynta ayaa muujiyay sheekooyin badan oo naxdin leh oo ku saabsan, dhibaatayn, dhaqan xumo, kufsi iyo tacadiyo ragi u geysteen haweenka tuulada.

Waxa la sheegay in haweenku ay guryaha kula kulmi jireen tacadiyo xoog leh oo ay ka mid tahay garaacis iyo kufsi.

Sida ay sheegtay Gunaya, dhibaatada dhabta ah waxay ahayd in guurka wakhtigaas inta badan lagu abaabulo rabitaanka qoyska oo uusan ahayn mid labada qof is dooran jireen. Gabdho yaryar oo badan ayaa loo guuriyay rag aad uga da' weynaa.

Gunaya waxay sheegtay in furriinka uu ahaa mid aan macquul ahayn xilligaas. Si kasta oo dumarka loo xumeeyo, si kasta oo loo bahdilo, furriin rajaba lagama qabi jirin.

Balse warbixino waagaas la qoray ayaa daaha ka qaaday in cillada qaybteed ay ahayd wakhtigaas in guurarka la isi siiyo labada qof inta badan ay ku salaysnaayeen nuuc qandaraas ah, sida dhul, dhaxal, iyo waajibaadyo kale sharci ah.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani may soo shaac bixin sanado badan. Sida laga soo xigtay warbixinnada bilayska, dilalka ugu horreeya waxay dhaceen 1911. Balse baaritaanku ma bilaaban ilaa laga gaaray 1929.

Gunya ayaa BBC u sheegtay in Fajakas ay bilowday in ay haweenka siiso kalsooni ah in ay xalin karaan dhibaatooyinkooda.

Kiiskii ugu horreeyay ee nin lagu sumeeyay tuulada Fajkas waxay dhacday sannadkii 1911. Intaa ka dib, intii lagu jiray dagaalkii koowaad ee adduunka iyo burburkii Boqortooyada Austro-Hungary, dhacdooyinkan oo kale ayaa kordhay. Dilalka ragga ayaa kordhay.

Qaabkaan 45 ilaa 50 nin ayaa ku dhintay 18 sano gudahood. Ragga dhintay waxay ahaayeen gaabar ninkeed ama qof aabbihiis. Dhammaantood waxa lagu aasay qabuuraha tuulada.Dad badan ayaa bilaabay inay tuulada Nagyarevo ugu yeeraan 'magaalada gacan-ku-dhiiglayaasha'.

Booliisku waxay dareemeen dhacdooyinkaan, waxayna isku dayeen qabteen haweeneydaan, balse markii ay dareentay in lagu soo maqan yahay ayay sun cabtay noloshana is dhaafisay.

Sanadihii 1950-aadkii, taariikhyahan Ferenc Gerogev ayaa la kulmay nin oday ah oo tuulada ka yimid xilli uu ku jiray xabsiga taliskii shuuciga.

Odayga beeraleyda ah ayaa ku andacooday in dumarka Nagyarevo ay ilaa waayadii hore dili jireen raggooda.

Meydadka qaar ayaa sidoo kale laga soo saaray qabuuro ku yaalla magaalada u dhow ee Tiszakurt, halkaasoo sidoo kale laga helay maadada arsenic. Balse ma jirto cid loo ciqaabay dilkooda.

Marka loo eego qiyaasaha qaar, tirada guud ee dhimashada la xiriirta arsenic-ka ee aaggaas ayaa gaartay 300.