Dhageyso: Maxaa ku gaar ah Sanbuuska hooyo ee soo jiitay warbaahinta Mareykanka

Sambuusku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka Soomaalidau aadka u isticmaasho weliba xilliyada Ramadaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Minnesota State Fair waa mid ka mid ah carwooyinka ugu waaweyn uguna caansan Maraykanka, waxaana loo yaqaan "The Great Minnesota Get-Together." Carwadan waxaa sanadka oo dhan la furaa 12 maalmood oo keliya tan iyo markii Minnesota ay noqotay gobol rasmi ah, iyadoona lagu soo bandhigo cuntooyin kala duwaniyo bandhigyo kale oo nooc walbo leh.

Sanadkaan Waxaa ku cusub dhanka Soomaalida Minnesota oo soo kordhiyey cuntooyin u gooni ah , waaxaana ka mida ah Oasis Food & Hooyo Sanbuus oo sanadkaan warbaahinta gobolkaas aad uga hadlaysay.

Bulshooyinka kale ee ka soo qayb galay bandhigga waxaa soo jiitay cuntooyinka Soomaalida iyo hababka loo sameeyo.

Hadaba Amina Jaamac Deeble oo Mulkiilaha oosis Food ayaan ka waraysanay bandhigga carwadaas waxayna u warantay wariye Siyaad Siciid Saalax.

Qoraalka Codka, Sanbuuska hooyo ayaa dad badan uga hadleen baraha bulshada gudaha Minnesota