Shan qodob oo ugu waaweynaa khudbaddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u jeediyey Barlamaanka Soomaaliya

Khudbada Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyey labada Gole ee Barlaamka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka hor jeediyey labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya oo yeeshay kulan aan caadi ahayn oo horrey madaxweynuhu u dalbadan kaas oo ajandihiisu ahaa aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya adeegsanayso waxkasta oo ay ugu kacdo inay difaacdo midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

"Ra'iisul Wasaaaraha Israa'iil Benjamin Netenyahu, ayaa xad gudubkii ugu weynaa u geystay qaranimada Soomaaliya, Soomaaliya dhibaato badan duruufo adag ayey soo martay laakiin sooma marin midii 26-kii December sameeyey uu Natenyahu sameeyey, markii uu si sharci darro ah ugu dhawaaqay inuu dowlad madaxbanaan ugu aqoonsanyo deegaanada waqooyi-galbeed ee dalkeena" ayuu yiri madaxweyne Xasan

Wuxuu intaa ku daray in tallaabada uu qaaday Ra'iisul wasaare Natenyahu ay tahay mid aan marna la aqbali karin "gef iyo gardarro ku ah dhammaan qawaaniinta caalamka, heshiisyada iyo shuruucda ay dunidu ku dhaqanto'

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in tallaabadaas ay ka dhigay tahay duulaan qaawan oo lagu soo qaaday qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee Soomaaliya

"Soomaaliya waxay caddeynaysaa oo cod dheer ku leedahay golabada Waqooyi ee Jamhuuriyada ee loo yaqaan Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya"ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay inay dunida la wadagayaan in "xad-guudbka iyo isku dayga Netenyahu ee kala qaybtinta Soomaaliya inay khatar ku yahay xasiloonida iyo deganaanshaha caalamka iyo midka gobolka uuna dhiiri gelinayaa kooxaha xagjirka ah iyo dhaqdhaqaayada gooni u goosadka ee ka jira gobolo badan oo caalamka ka mid ah oo ay hami gelin doonto inay xumaanta iyo kala go'gu ay suuragal yihiin, waa arrin an si adag ugu digaynyo" ayuu yiri Xasan.

Wuxuu shacabka ku ammaanay isku duubnida ay muujiyeen isagoo sheegay inay farriin u ahayd Netanyahu.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday intii khudadiisa ku jiray in Soomaali aysan aqbali marna aqbali doonin in si khasaba loo raro shacabka Falastiin lana keeno meel ka mid ah Soomaaliya horreyna u diideen.

Wuxuu ku celiyey in Soomaaliya aaminsan tahay xalka laba dowladood.

Wuxuu tilmamay inay ka digayaan in Israa'iil iyo Raysal Wasaaraheeda Netanyahu ay isku dayaan inay dhulka Soomaaliya u soo raraan 'dagaalada fidnada ah ee gobolka Bariga Dhexe ka wadaan'

Isagoo sii hadlayey madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaliya aysan ogolayn in dhulkeeda loo adeegsado saldhigyo looga duullo dalal kale.

Caalamka ayuu ka dalbaday inay Soomaaliya ku gacan siiyaan dadaladeeda diblomaasiyadeed ee ay isaga difaacayso 'dulmiga, xag-guudbka qaawan ee Netanyahu kula kacay Soomaaliya iyo shacabkeeda" ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday inay u midoobaan ilaalinta midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya.

Khudbada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tobban daqiiqo dhamayd ayuu mar kale ku celiyey inaysan waxba iska beddelin mowqifka dowladda federalka ee ahaa in wadahadal macno leh lala galo Somaliland islama markaana is fahan waaga jira meesha looga saaro.

Barlamaanka

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.

Israel ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah dal ugu aqoonsata Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somailand oo sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday madaxbanaannideeda.