Su'aalo iyo amakaag ka dhashay nin meyd ah oo boosto la geeyay

Xigashada Sawirka, Google Maps
Baaritaan ayaa bilowday ka dib markii la sheegay in meydka nin dhintay la geeyay xafiiska boostada ee Ireland si la iskugu dayo in lagu qaato lacagtiisa hawlgabka.
Wararku waxay sheegayaan in meydka ninka hawlgabka ah ee dhintay ay laba nin meydkiisa keeneen dhismaha degmada Carlow, sida uu sheegay wargeyska Irish Times.
Waxaa la sheegay in labada nin ay "tuureen" meydka oo ay carareen markii shaqaaluhu ay weydiiyeen.
Booliiska ayaa baaraya duruufaha ku xeeran "dhimashada aan la sharraxin ee ninka waayeelka ah ee meydkiisa la geeyay".
Afhayeenka booliska deegaanka Garda ayaan ka hadlin dhacdadan ka dhacday xafiiska boostada ee magaalada Carlow subaxnimadii jimcaha balse waxa uu soo saaray qoraal kooban.
"Adeegyada Xafiiska Farsamada ee deegaanka Garda iyo Xafiiska Cilmi-nafsiga ee Gobolka ayaa laga cosaday inay gacan ka geystaan dhacdaadaan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wargeyska The Irish Times ayaa sheegay in uu ogaaday in qof ka mid ah shaqaalaha oo ka walaacsan arrintan ay su'aalo nimanka keenay ka weydiisay xaaladda caafimaad ee ninka" markii ay u soo dhawaadeen miiska xafiiska boostada.
Labada nin ayaa baxsaday, iyagoo meydka ku tuuray goobta, waxaana markii ay shaqaaluhu u tageen odayga ay la yaabeen inay ogaadeen inuu dhintay, ayuu wargeysku sheegay.
Telefishinka RTÉ ayaa soo wariyay in horraantii Jimcihii, nin uu soo wacay xafiiska boostada ee Staplestown Road ee Carlow wuxuuna codsaday in lacagta hawlgabka uu u qaado ninka waayeelka ah isagoo ka wakiil ah.
Hase yeeshee Codsigaas waa la diiday iyadoo shaqaaluhu ay u sheegeen inay khasab tahay in qofka hawlgabka ahi uu joogo si uu lacagta loo sii daayo.
Wax yar ka dib, waxaa xafiiska boostada yimid laba nin oo wada oday 60 jir ah oo ku dhacay xafiiska boostada.
"Dambi baadhayaashu hadda waxay baarayaan in ninku mar hore dhintay markii la keenayayba xafiiska boostada," RTÉ ayaa sidaasi tiri.
Waxaa la sheegay in guri u dhawaa xafiiska albaabada la isugu dhuftay si baaritaan loogu sameeyo.".












