'Waxaan u hadlaa qofka meydka ah'

Xigashada Sawirka, Bill Edgar
Bill Edgar wuxuu matalaa dadka dhintay. Wuxuu aadaa goobaha uu aaska ka dhacayo wuxuuna u hadlaa qofka meydka ah.
Howshaasna waxaa lagu siiyaa lacag fiican.
Xagguu ka billaabay shaqadan?
Markii ugu horreysay ee ay Bill kusoo dhaceysay fikraddan wuxuu dalka Australia kalkaaliye dhinaca maskaxda ah ugu ahaa nin xanuunsan, oo aan rajo laga qabin inuu sii noolaado.
"Waxaan ka hadli jirtay geerida, waxa dhacaya dhimashada kaddib iyo wax kasta oo noocaas ah. Kaddibna wuxuu yidhi, 'waxaan jeclaan lahaa inaan wax u sameeyo aaskeyga'. Markaas ayaan usoo jeediyay inuu qoro khudbaddii uu akhrin lahaa."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laakiin ninka wuxuu sheegay in qoyskiisa iyo saaxiibbadiisba aysan jecleysan doonin waxa uu doonayo in laga dhaho munaasabadda aaskiisa, sidaas darteedna aysan aqrin doonin farriintiisa, ama aysan daari doonin haddii uu codkiisa duubo.
"Sidaas darteed waxaan usoo jeediyay inaan aniga ku matalo aaskiisa. Sidaas ayeyna arrintan kusoo billaabatay markii ugu horreysay."
Imisa ayuu ku qaataa inuu qof naxashka ku jira u hadlo?
Hadda Bill wuxuu nolol maalmeedkiisa kasoo saaraa inuu u hadlo dadka dhintay.
"Marka ay munaasabadda aaska ah dhexda mareyso ayaan soo istaagaa, waxaan furaa bashqad ay warqad ku jirto, waxaana akhriyaa waxa uu qofka dhintay ii soo qoray oo ah waxyaabo uusan horay u sheegin."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Lacag dhan 10,000 oo doolarka Australia ah, una dhiganta ilaa 7,000 oo doolar ayuu ku qaataa howshan halkii mar ee uu sameeyo. Wuxuu aaska ka sheegaa waxyaabo xasaasi ah oo qofka intii uu noolaa uu ka xidhoon jiray inuu sheego.
"Waxyaabaha aan sheego waxaa ka mid ah, laga billaabo daawashada muuqaallada anshax xumada ah, galmada aan sharciga ahayn, isticmaalka daroogooyinka, hubka, lacagta iyo wax walba oo la mid ah."
Sheekooyinka aan la sheegin
Bandhiggiisii ugu xasuusta badnaa ilaa inta uu shaqadan soo waday wuxuu ahaa markii laga dalbaday inuu joojiyo akhrinta khudbad uu kasoo diyaariyay qof dhintay, taasoo isagoo dhexda marinaya uu ka joojiyay qof saaxiib la ahaa meydka.
"Waxaan u sheegay inuu fariisto, aamuso, islamarkaana dhageyso waxa uu saaxiibkiis iga codsaday inaan ka sheego qabrigiisa dushiisa. Arrintaasina waxay ahayd in saaxiibkiis laftiisa uu isku dayayay inuu xaaskiisa shukaansado markii uu isagu saarnaa sariirta uu ku dhimanayay."
Ninkii markii uu khudbadda ka dhex galay Bill, oo hadalkiina uu halkaas kasii socday, "wuxuu durbadiiba kasii baxay albaabka dambe".
Dhowr qof oo kale ayaa laga dalbaday inay ka tagaan goobta - iyadoo wakiil laga yahay qofka dhintay - "sidaas ayuuna aaskii ugu dhammaaday si fiican".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida iska cad, Bill wax ceeb ah lagama sheego khudbadaha uu ka jeediyo aaska, maadaama qofka uu hadalka kasoo min guuriyay uuba geeriyooday.
Laakiin waxaa layaab leh in wali uusan dadka ehelada ah ama saaxiibbada la ah qofka dhimanaya aysan waligood ka celinin inuu khudbadaha noocaas ah ka qoro.
"Waa xaalad xanuun badan, laakiin waa munaasabaddooda aaska, marka maxaa loogu diidayaa in waxa ay rabaan loo sameeyo?"










