Haweeneey la arkay iyada oo ku dhex neefsanaysa naxashkii meydkeeda la geliyay

Bella Montoya, oo 76 jir ah, ayaa lagu dhawaaqay inay dhimatay todobaadkii hore

Xigashada Sawirka, PHILIPPE LISSAC/GODONG

Dadkii ku baroor diiqaayay aaska haweeney da’ ah oo u dhalatay dalka Ecuador ayaa aad uga naxay markii ay ogaadeen in ay wali nooshahay.

Bella Montoya, oo 76 jir ah, ayaa lagu dhawaaqay inay dhimatay todobaadkii hore ka dib markii looga shakiyay inuu istaroog ku dhacay.

Markii ay qaraabadeeda isu diyaarinayeen inay dharka ka beddelaan ka hor inta aan la aasin ayaa la arkeen iyada oo neefsaneysa.

Ms Montoya ayaa hadda ku soo laabatay cisbitaalka iyadoo ku jirta daryeelka ee dadka aadka u liita, wasaaradda caafimaadka Ecuador ayaa guddi u saartay dhacdadan.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in haweenaydu uu wadnaha ah istaagay taas oo sababtay in neefta iyo shaqada wadnuhuba istaagaan – oo aanay ka jawaabin isku dayo ay dhaqaatiirta sameeyeen ee ahaa in dib loo kiciyo.

Dhakhtarkii shaqada ku jiray ayaa xaqiijiyay dhimashadeeda.

Wiilkeeda, Gilber Rodolfo Balberán Montoya, ayay warbaahinta maxalliga ah ka soo xigatay in hooyadiis la seexiyay abbaare 09:00 subaxnimo, duhurnimadiina dhakhaatiirta u sheegeen in ay hooyadiis dhimatay.

Ms Montoya ayaa markaas kaddib lagu riday naxash muddo saacado ah ilaa ay markii dambe ay xybno qoyskeeda ka tirsan arkeen iyadoo isku dayaysa in ay neefsato.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya iyadoo dhex jiifta sanduuq furan oo neefsanaysa dhowr qofna ay hareeraheeda ku soo xoomeen.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa markaas la arkayaa iyagoo imaanaya oo eegaya Ms Montoya ka hor inta aysan saarin barele oo ay gelin ambalaas.

Hadda waxay ku jirtaa a qeypta daryeelka degdegga ah isla cusbitaalka ay dhakhaatiirtu caddeeyeen dhimashadeeda.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay Mr Balberán isagoo leh: "Wax yar ayaan ka fahmayaa waxa dhacay, hadda waxaan kaliya u duceeyaa in hooyaday caafimaadkeeda uu soo hagaago, waxaan rabaa in ay noolaato oo aan garab istaago."

Dhaco tan u dhow oo horay u dhacday

Sannadkii 2018-kii dadka ku nool xaafad ku taalla dalka Itoobiya ayaa u dabaal dagaya wax u eg "qof dib u soo noolaaday"

Xigashada Sawirka, SIBU SIRE COMMUNICATION

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sannadkii 2018-kii dadka ku nool xaafad ku taalla dalka Itoobiya ayaa u dabaal dagaya wax u eg "qof dib u soo noolaaday" ka dib markii nin lagu tiriyay dhimasho uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro.

Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Talaadada ahayd, abaare 10:30 barqanimo ee xilliga dalkaas.

Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo looga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan.

Saacad gudaheed, Etana Kena'a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaas.

Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, saacaddu markii ay ahayd abaare 15:30 galabnimo, ee wakhtiga maxalliga ah, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka.

"Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya", ayuu yiri Mr Etana, isagoo sharraxayay sida uu Mr Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka.

Ninka u muuqday inuu "dib u soo noolaaday" qudhiisa ayaa BBC-da la hadlay oo u sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: "Waxaan maqlay qof oynaya. Neefta ayaa igu xirmeysay waxaana isku dayayay inaan karfanta kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, mana awoodi karin inaan hadlo". Ayuu yiri.

Ka dib wuxuu sheegay iney u suurta gashay inuu caawinaad dalbado. "Yaa jooga meeshan?"

Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabaal dag.

Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yiri: "Waxaan horay usoo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday".

Dr Birra Leggese ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray "koomo aad u xeel dheer".

Dhowr bilood ka hor, isla deegaan ka tirsan gobolka Oromia ayuu nin si iskiis ah u sheegtay nabinimo soo jiitay indhaha warbaahinta, ka dib markii uu isku dayay inuu dib u soo nooleeyo qof dhintay, isla markaana uu ku hungoobay.