Guurka: Labo dal oo Muslim ah oo ay mamnuuc ka tahay in xaas labaad la guursado

Lamaane

Xigashada Sawirka, MANAN VATSYAYANA/AFP via Getty Images

Qaar badan oo ka mid ah dalalka caalamka ayuu ka jiraa sharci mamnuucaya in ninku uu yeesho wax ka badan hal xaas. Labo waddan oo Muslimiin ah ayaa ku jira liiska dalalka aan laga oggoleyn waxa ay Soomaalidu u yaqaannaan "min-yaro".

Waddan kasta oo ka mid ah Waqooyiga iyo Koonfurta qaaradaha Ameerika waxaa mamnuuc ka ah in xaas labaad la yeesho. Dhammaan 50-ka gobol ee uu Mareykanku ka kooban yahay ayuu xitaa sharcigaas ka jiraa.

Marka laga reebo jasiiradaha Solomon Islands, guurka wax ka badan hal xaas ah waxaan laga aqoonsanayn qaaradaha Yurub iyo Oceania.

Australia mamnuuc ayuu ka yahay guurka xaasaska badan balse waxaa laga soo tebiyaa in qaar ka mid ah bulshooyinka asal ahaan u dagganaa halkaas ay sameeyaan xiriirro noocaas ah.

Dalalka Hindiya, Malaysia, Philippines, iyo Singapore dowladahoodu way aqoonsan yihiin in la guursado wax ka badan hal xaas, balse waxay u oggol yihiin oo keliya dadka Muslimiinta ah.

Indonesia, oo ah waddanka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka, mamnuuc kama aha guurka xaasaska badan balse gobollada qaar ayaa samaystay shuruuc u gaar ah oo ay ku diidayaan arrintaas.

Sanadkii 2008-dii mudaharaadyo looga soo horjeedo guurka halka xaas ka badan ayaa ka dhacay Indonesia laakiin natiijadu ma noqonin in sharciga waddanka wax laga baddalo.

Ragga Muslimiinta ah diinta ayaa u oggol in ay guursadaan ilaa afar xaas, inkastoo shruudo lagu xiray.

Hase yeeshee, labo dal oo ka mid ah waddamada Muslimiinta ayuu ka jiraa sharci gebi ahaanba mamnuucaya in ninku uu xaas labaad yeesho, si kastaba haku imaatee.

Labadan waddan waa Turkiga iyo Tunisia.

Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee mamnuuca guurka xaasaska badan, halka Tunisia uu yahay waddanka kaliya ee ka tirsan dalalka Carabta ee xeerkaasi uu ka jiro.

Aroosad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanadkii 1926-kii ayaa Turkiga laga mamnuucay guurka xaasaska badan, go'aankaasina ma ahayn mid khuseeya diinta balse waxa uu ahaa mid aan la diimeynin.

Tunisia oo diin ahaan loo cuskaday go'aankeeda waxaa markii ugu horraysay laga mamnuucay 1956-kii, waxaana mar kale la cusboonaysiiyay sanadkii 1964-kii.

Musalsal Ramadaanka loogu talo galay oo ka baxa telefishin ku yaalla dalka Tunisia ayaa hadal hayn badan dhaliyay maalmihii lasoo dhaafay kaddib markii lagu soo daray mowduuc ku saabsan guurka xaasaska badan.

Mid ka mid ah jilayaasha musalsalka ayaa xaaskiisa iyo carruurtiisa u sheegay in uu xuquuq diini ah u leeyahay guursiga xaas labaad. Laakiin sharciga u yaalla dalka ayaa qofkii tallaabadaas qaada ku ciqaabi kara ilaa hal sano oo xabsi ah.

Guurka badan

Ururrada u dooda xuquuqda haweenka ayaa ka mid ah dadka cambaareeyay moqduuca musalsalkan ee doodda culus dhaliyay.

Dadweynaha ayaa baraha bulshada ku dhaliilay filimkan oo soo gala marka la afuro kaddib.

"Waa niyad jab in la arko mowduucan oo laga doodayo," ayay tidhi atariisho reer Tunisia ah oo lagu magacaabo Mariem Ben Hussein.

Hoggaamiyihii dalkaas uu yeeshay kaddib markii uu xornimada qaatay, Habib Bourguiba, ayaa mamnuucay guurka xaasaska badan, waxaana sharcigaas la meel mariyay shan bilood uun kaddib markii ay Tunisa ka xorowday gumaystihii Faransiiska.

Waxaa xilligaas waddanka laga hirgeliyay in furriinka uu noqdo kiis maxkamadeed oo ay go'aan ka gaadhaan garsooreyaasha, taasoo ka dhigan in ninku uusan si sahlan ku furi karin xaaskiisa, isagoo afka uun ka sheegaya.

Ragga Muslimiinta ah ayay diintu u oggoshahay inay guursadaan ilaa afar xaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ragga Muslimiinta ah ayay diintu u oggoshahay inay guursadaan ilaa afar xaas

Waddamo kale oo Muslimiin ah ayuu guurka xaasaska badan ka yahay mid la oggol yahay balse waxaa laga dhigay arrin la xakameeyo oo shuruudaheeda la eego.

Waxaa ka mid ah dalalkaas:

  • Masar
  • Suudaan
  • Aljeeriya
  • Urdun
  • Suuriya
  • Morocco
  • Bangladesh
  • Ciraaq
  • Iiraan
  • Kuwayt
  • Lubnaan

Bishii March ee sanadkii 2019-kii, Imaamka al-Azhar, Ahmed el-Tayeb, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay guurka xaasaska badan, isagoo sheegay in badanaa ay tallaabadaasi caddaalad darro ku noqoto xaaska iyo carruurta hore.

Waxa uu Imaam Axmed xilligaas ku boorriyay ragga in ay u hoggaansamaan shuruudaha ku xiran in xaas labaad la guursado.