Sheekh Al-As-har oo ka dardaar weriyey haliska ka soo fool leh isbedelka cimilada

.

Xigashada Sawirka, HERITAGE IMAGES

Qoraalka sawirka, .

Dunida oo dhan waxa waayadan wax isbedeleen ariamaha ay mudnaanta siyaan hogaamiyeyaasha diimuhu. Halka ay beriyihii hore wacadigooda xoogga ku saari jireen walaalaynta, wadahadalka iyo joojinta nacaybka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa waxyaabaha ay ku heshiiska yihiin, haatan waxay hogaamiyeyaasha diimuhu aad ugu mashquulsan yihiin in ay ka digaan halista weyn ee uu keenayo isbedelka cimiladu.

Maalmo ka hor ayaa Sheekh Al-As-har, Imaam Axmed Al-Dayib, hadal ku faafiyey Twitter-ka oo uu kaga hadlayo daadadkii aan hore loo arag ee dhawaan ku soo rogmaday dhawr dal iyo sidoo kale korodhka heer kulka ee qaybo kale oo dunida ka mid ah.

Imaan Al-Dayib wuxuu ku tilmaamay arintaas in ay tahay "dhiillo marag u ah muhiimadda ay leedahay in si go'aan leh oo dhab looga hor tago halista isbedelka cimilada oo laga ilaaliyo mustaqbalka aadanaha halistaa xaqiiqada ah".

Waa maxay mawqifka Al-As-har ee isbdelka cimiladu?

Mawqifka Imaam Axmed Al-Dayib wuxuu qayb ka yahay muhiimadda isa soo taraysa ee ay Al-As-har sida hay'adaha kale ee diimaha ee ay siinayso halista isbedelka cimiladu ku hayo aadanaha.

Waxa lala yaabona maaha arintani, sababta oo ah diimaha oo dhami sida ku cad kutubtooda waxay muhiimad weyn siiyaan ilaalinta dhulka iyo noolaha ku nool gebi ahaan waxaanay u araan in uu marag u yahay hal abuurka Allah iyo nimco uu ku galladay aadamaha.

Pope ka Vatican ka ayaa khudbadii sannadlaha ahayd ee uu jeediyey sannadkii 2015 oo hal ku dheggeedu ahaa "noqo mid tasbiixsada" wuxuu si qoto dheer ugaga hadlay dikhowga, qashinta deegaanka lagu daadiyo, dhaqanka ah xoolo baabiinta ah iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo cimilada oo uu ku tilmaamay nimco aadamaha oo dhami wadaagaan.

Imaam Axmed Al-Dayib

Xigashada Sawirka, DAVID DEGNER/GETTY IMAGES)

Qoraalka sawirka, Imaam Axmed Al-Dayib

Khudbadiisii ugu dambaysay ee sannadkii 2019 oo hal ku dheggeedu ahaa "dhammaanteen walaalo ayeynu nahay" wuxuu ku yidhi "daryeelka dunida aynu ku nool nahay wuxuu ka dhigan yahay inagoo nafteenna daryeelayna".

Imaam Axmed Al-Dayib wuxuu ka qayb galayaa shirka "Imaanka iyo Sayniska: Fariinta la gaadhsiinayo shirka lix iyo labaatanaad ee Qaramada Midoobay ee isbedelka cimilada" oo lagu qaban doono Vatican 4 Oktober ee sannadkan.

Shirkaa dimeed wuuu ka soo hor maryaaa shir madaxeeda lix iyo labaatanaad ee isbedelka cimilada oo uu marti gelin doono Ingiriisku laguna qaban doono magaalada Glasgow ee Scotland bisha Noofember ee isla sannakdan. Waxaana lagu wadaa in hogaamiyeyaasha diimeed ee talo soo jeedin u gudbiyaan hogaamiyeyaasha siyaasadeed.

Tifaftiraha majallada "Sawt Al-As-har" Axmed Al-Saawi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in "Al-As-har dhaadan tahay doorka weyn ee ay ku leedahay ilaalinta deegaanka maadama oo arinta isbedelka cimiladu noqotay halis aduunyahada khtar ku ah sidaa awgeedna ay u aragto arinta ugu mudan ee muhiimadda la siinayo".

Al-Saawi wuxuu faahfaahiyey in Al-As-har markii ugu horraysay ku baraarugtay arintan isbedelka cimilada sannadkii 2012 markii la xusayey maalinta deegaanka dunida oo uu ka qayb alay Imaam Axmed Al-Dayib iyo Pope Towadros-ka Labaad oo ay Masar oodhan ku soo wareegeen si ay shacabka ugu baraarujiyaan haliska ay leedahay dikhaynta deegaanku".

Bishii Abriil 2020 ayaa xusbiii maalinta dhulka ee dunida, waxa Al-As-har ku baaqday in "aan dhib la gaadhsiinin dhulka Allah ina siiyey isaga oo nadiif ah oo nolosha ku haboon lagana foojignaado wax kasta oo dhibaato ku ah nolsho aadanaha".

Sidoo kale Jaamacadda Al-As-har waxay samaysay guddiga "adeegga bulshada iyo hurumarinta deegaanka" oo ujeedooyinkeeda ay ka mid yihiin in Jaamacadda laga dhigo mid hawlaheedu aanay dhaawicin deegaanka isla markaana ay adeegsato tamarta cadceedda. Sidoo kale waxa waaxda macaahidda ee u xilsaaran waxbarashadu bilaabay barnaamij wacyihin ah oo loogu talo galay ardayda dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe oo lagu barayo muhiimadda ilaalinta deegaanka, sida uu sheegay Axmed Al-Saawi.

Halkee Fiqiga Islaamku ka taagan yahay isbedelka cimilada?

Sannadihii u dambeeyey waxa kordhay muhiimadda ay fuqahada Islaamku siinayeen ilaalinta deegaanka, baaqyada muhiimka ah ee ay soo sareen culimada iyo khubarada Muslimiinta ah wax aka mid ah mid hal ku dheggiisu ahaa "Baaqa Islaamka ee isbedelka cimilada" oo laga soo saaray falanqayb muddo ka socotay Istanbul sannadkii 2015.

.

Xigashada Sawirka, HERITAGE IMAGES

Qoraalka sawirka, .

Baaqaa 2015 wuxuu soo jeedinaya aragti fiqhi oo faahfaahinaysa aragtida diinta Islaamku ka qabto dhibatada isbedelka cimilada, waxaanay culimadii soo saartay isku raaceen in "Allah aanu haba yaraatee wax na dheeldheel u abuurin …. Sidaa awgeedna uu dhulka u uumay qaab isku jaan go'an sidaa awgeedna uu ina siiyey dhul dihin iyo hawo iyo biyo saafiya iyo dhamaan nimcada iyo khayraadka dhulka ee nolosheena ka dhigaya mid ku suurto gasha meerahan oo aan ku raaxaysanno".

Baaqaasi aayadaha uu cuskaday waxa ka mid ah ayaadda ku jirta suuradda Al-ancaam ee

"ما من دابة في الأرض ولا طائر يطير بجناحيه إلا أمم أمثالكم" iyo aayadda kale eek u jirta suuradda Al-Qaafir ee ."لخلق السماوات والأرض أكبر من خلق الناس لكن أكثر الناس لا يعلمون"

Dhanka waajibaadka shakhsiyaadka qof-qof u saaran marka uu ka hadlayey baaqaasi, waxa uu soo jeedinayaa in ay ma huraan tahay in Muslimiintu ku daydaan Nebi Muxammad "sidii uu u ilaalinay xuquuqda noolaha ee uu asxaabtiisa u faray in ay tashiilaan biyaha iyo in uu u diiday in ay dhirta jaraan oo ay ku noolaadaan nolol aan kibir iyo israaf lahayn".