Shan arrin oo Nebiga (NNKH) ka dardaarmay balse meelaha qaar dunida caadi ka noqday

Khudbadii U Dambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH) jeediyay xajkiisii u dambeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Abdikadir Yussuf Ali
    • Role, BBC Somali

Khudbaddii u bambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH) jeediyay xajkiisii u dambeeyay uguna horreeyay ee Dulxija sanadkii tobnaad ee Hijriyada ayaa waxay ahayd markii uu Nebiga NNKH bini’aadamka oo dhan uu ujeediyay khudbad ay mudan tahay in qof walba oo Muslim ah uu akhriyo.

Nabi Muxamed (NNKH) afar jeer ayuu soo cumraystay, balse hal mar oo kaliya ayuu soo gutay waajibaadka xajka.

Waxaan diiradda saareynaa shan waxyaabood oo uu Nabiga ka dardaarmay balse dunida maanta aynu joogno caadi ka noqotay.

”Dadyohow i dhagaysta, ma garanayo in sanadkaan kadib aan mar dambe halkaan soo istaagi doono.

Sidaa daraaddeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan.

Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada inaad dhabtii Rabbigiina lakulmi doontaan, acmaashiinana laydinka xisaabin doono, hadaba digtoonaada.

Nebiga NNKH waxa uu maalintaas dadka u sheegay inay ku dedaalaan shanta tiir ee Islaamka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ribada (Dulsaarka)

Nebi Muxamed NNKH maalintaas ribada aad ayuu uga dardaarmay in la iska ilaaliyo laakiin hadda dunida Muslimka wey ku soo badatay oo waxay u muuqataa inayba caadi iska noqotay.

Nebigu wuxuu yiri: “Ribo ( Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faa'idadiinna idinkaa iska leh.”

Dhiigga bini’aadamka oo sabab la’aan la daadiyo

Dhiigga bini’aadanka oo sabab la’aan la daadiyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nebigu wuu ka dardaarmay dadkuna wuu uga digay in la daadiyo dhiigga bini’aamka sabab la’aan.

Dunida hadda dhiigga la daadiyo ama in dadka is sahlan ama sabab la’aan loo dilo aad ayay u soo badatay.

“Dadyohow dhiiggiinna iyo maalkiinnu, waa idinka xaaraansan yahay. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya, ha u celiyo qofkii iska lahaa.”

Dumarka

Diinta Islaamka dumarka aad ayay xuquuqdooda u ilaalisay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Diinta Islaamka dumarka aad ayay xuquuqdooda u ilaalisay oo Nebiga maalintaas dumarka wuu ka dardaarmay in xaquuqdooda la ilaaliyo oo la xurmeeyo.

Nebi Muxamed NNKH wuxuu khudbaddaasi ku yiri: “Ragow ogaada in dumarkiinnu xaq idinku leeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. xasuunow in aad ku guursatay ogolaanshaha Alle iyo rumaysnaantiisa. Haweenkiinu waxay xaq idiinku leeyihiin, inaad si naxariisleh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.”

Rasuulka s.c.w. waxa uu ina baray in, runtii, haweenka iyo raggu ay shuraako yihiin. Haweenka iyo ragga waa ay is dhammaystiraan. Lamaanuhu, waxay ka dhigan tahay in aan wax badan wadaagno marka laga hadlayo ragga iyo haeenka. Waxaa loo baahan yahay in la isfahmo oo la isu naxariisto.

Rasuulka NNKH wuxuu kor u qaaday maqaamkii dumarka xilligiisii. Dhawr hab-dhaqan oo aabbanimada Islaamka ka hor ayaa dib loo habeeyey. Haweenka ayaa la siiyay codad iyo goobo ay ku soo bandhigaan aragtidooda iyo cabashooyinkooda. Waxay kaalin mug leh ka qaateen horumarinta Islaamka.

Ha is midab takoorina

Ku dhaqanka Qur’aanka iyo Sunnada

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Bini Aadamka oo dhammi waxay ka yimaadeen Aadan iyo Xaawo, Carabtu kama sarreyso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna kama sarreeyaan carabta.

Dadka Caddaanka ahi kama sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina kama sareeyaan kuwa cad. Keliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina. Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, IslaamniMaduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo."

Dhammaanteen aan dib u fakarno oo intii aan dadka kale takoori lahayn aan si qoto dheer uga fikirno nafteena iyo qalbiyadeenna si aan u noqonno dad wanaagsan. Islaamku ma taageero sareynta isirkiisa iyo nasabka.

Salaadda iyo tiirarka kale ee Islaamka

Nebiga NNKH waxa uu maalintaas dadka u sheegay inay ku dedaalaan shanta tiir ee Islaamka.

“Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad,ka bixi hantidaadda sakko, soo gudo waajibaadka xajka hadiiaad awoodid.”

Hase yeeshee maantaa waxaad arkeysaa dad badan oo Muslimiin ah oo ka soo bixin qaar ka mid ah waajibaadkaas amaba dhammaantood.