Shir deg deg oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si ay uga fal celiyaan Kitaabka Qur'aanka ee lagu gubay Sweden
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta.
Tebin toos ah
Iran oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur'aanka ee lagu gubay

Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Iran ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm.
Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun.
Booliiska ayaa dhawaan diiday codsiyo la mid ah kuwa mudaaharaadyada, balse maxkamada ayaa markaas xukuntay in loo ogolaado sababo la xiriira xoriyadda hadalka.
Muslimiintu waxay Qur'aanka kariimka ah u haystaan inuu yahay kitaabka Ilaahay waxayna u arkaan xushmad la'aan in la gubo.
Mr Amirabdollahian ayaa sheegay in inkasta oo la magacaabay safiiro cusub, Tehran aysan soo diri doonin.
“Habka loo dirayo dadkaasi waa la joojiyay sababo la xiriira dowladda Sweden oo fasax u siisay in qur’aanka kariimka ah la xumeeyo”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa sidoo kale ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah.
Waxay yiraahdeen maadaama uu weli haysto dhalashada Ciraaq, waa in lagu maxkamadeeyaa Baqdaad.
Dhacdadan kadib, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, ka dib markii uu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr.
Waxay baxeen shan iyo toban daqiiqo ka dib markii ciidamada amniga la geeyay safaaradda.
Macron oo la kulmaya saraakiisha dowladdiisa si uu wax uga qabto dibadbaxyada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa fiidnimada Axadda la kulmi doona madaxda sare ee dowladda si uu ugala hadlo sidii loo soo afjari lahaa dibadbaxyada ka socda guud ahaan dalka.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada, Mr. Macron wuxuu la kulmi doonaa ra'iisul wasaare Elisabeth Borne, wasiirka arrimaha gudaha Gérald Darmanin iyo wasiirka caddaaladda Eric Dupond-Moretti si uu ugala hadlo arrintan.
Ugu yaraan afar maalmood ayaa dalka oo dhan waxa ka socday mudaaharaadyo kaddib markii askari booliis ah uu wiil 17 jir ah ku toogtay magaalada Paris.
Halkaas oo lagu gubay dukaamo, baabuur iyo dugsiyo, laguna burburiyay dhismayaal dowladeed.
Ayeeyada wiilkan dhalinyarada ah ayaa ku baaqday in la dejiyo colaada ka dhalatay dilka wiilkeeda.
"Ma doonayno inay burburiyaan dukaamada dadka, ama baabuurta iyo dugsiyada," ayey Nadia u sheegtay BFM TV.
Ayeeyada wiilka ayaa ka cabatay in mudaaharaadayaashu "ay ku dhuumanayaan arrinta Nahel, markaa waxaan rabnaa xasillooni" ayey sii raacisay.
Sweden oo ka hadashay kitaabka Qur'aanka kariimka ah ee lagu gubay dalkeeda

Xigashada Sawirka, EPA
Gubashada Qur’aanka: Dowladda Sweden oo cambaareysay gubitaanka Qur’aanka kariimka ah, waxayna u aragtaa fal Islaam-naceyb ah.
Dowladda Sweden ayaa cambaareysay falkii uu ku gubay nin u dhashay dalka Ciraaq oo degenaa dalka Sweden, kitaabka Quraanka Kariimka ah ee lagu gubay afaafka hore ee Masjidka weyn ee magaalada Stockholm, iyadoo u aragta waxa uu sameeyay inuu ahaa fal Islaam-diid ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Dowladda Sweden waxay si buuxda u fahansan tahay in falalka liddiga ku ah Islaamka ee ay shaqsiyaadka ku kaceen dibadbaxyada Sweden ay noqon karaan kuwo meel ka dhac ku ah Muslimiinta”.
War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray “Waxaan si adag u cambaareyneynaa falalkan, kuwaas oo aan sinaba uga tarjumayn aragtida dowladda Sweden” iyadoo sidoo kale xustay in xoriyatul qawlku ay tahay xuquuq dastuuri ah oo Sweden ka jirta.
hadalkan ayaa yimid kadib markii Ururka Iskaashiga Islaamka uu ugu baaqay xubnahooda inay qaadaan tillaabooyin looga hortagayo inay soo laabtaan falalka noocaan oo kale ah, kadib banaanbaxyo dadweyne iyo cambaareyn rasmi ah iyo mid islaami ah oo ku aadan dhacdadan.
Hachiko: Eygii ugu daacadsanaa dunida iyo 100-kiisa sano

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waan ku sugi doonaa, si kasta oo ay qaadato." Sheekada dhabta ah ee Hachiko, eey aamin ah oo sii waday inuu ku sugo Masterkiisa saldhigga tareenka ee Japan muddo dheer ka dib dhimashadiisa.
Akita Inu, oo dhashay 100 sano ka hor, ayaa lagu xasuustaa wax walba laga bilaabo buugaagta, filimada ilaa sheekada cibaadada ee Futurama.
Waxaa jiray sheekooyin badan laakiin midkoodna ma yeelan saamaynta caalamiga ah ee Hachiko.
Taalladiisii ayaa la dhigay bannaanka xarunta tareenka ee Shibuya ee magaalada Tokyo, Japan halkaas oo uu ku sugayay ninkii lahaa muddo toban sano ah, tan iyo 1948-kii.
Taalladan ayaa markii ugu horreysay la dhisay 1934-kii.
Ardayda Japan waxaa la baraa sheekada Chuken Hachiko ama eyga aaminka ah ee Hachiko tusaale ahaan cibaadada iyo daacadnimada.
Hachiko wuxuu u taagan yahay "muwaadinka Japan ugu fiican" iyo "aaminka aan shakiga lahayn", ayuu yiri Professor Christine Yano oo ka tirsan Jaamacadda Hawaii "aamin, la isku halleyn karo, addeecida sayidkiisa, iyo mid fahamsan".
Ninkii duullaanka ku qaaday Ruushka iyo kooxdiisa oo la sheegay in ay dowladda ka heleen 19 bilyan oo dollar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Wagner iyo Concorde, oo uu leeyahay madaxa calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner, Yevgeny Prigozhin, ay kasbadeen qandaraasyada dowladda $19 bilyan.
Wakaaladdu waxay soo xigatay soo-jeediyaha TV-ga Dmitry Kiselev isagoo ka hadlaya barnaamijka tooska ah ee "Vesti Needle" ee kanaalka TV-ga ee Russia 1.
Wagnerka Prigozhin ayuu sheegay in ay heshay ku dhawaad 860 bilyan oo rubles oo ay ka heshay qandaraasyo dowladeed ah, halka shirkaddiisa gacanta ku haysa "Concord" ay bixisay adeeg qiimihiisu yahay 845 bilyan rubles.
Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii socdaan horumarada ku aadan kacdoonka militari ee Ruushka ka socda ee uu wado hogaamiyaha kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin.
Wakhtiga faa'iidada la helay ayaan la cayimin.
Ayeeyada wiilkii ay ka billowdeen rabshadaha Faransiiska oo la hadashay warbaahinta

Xigashada Sawirka, EPA
Ayeeyda Nahel ayaa ku baaqday in xaaladda la dejiyo kadib habeenkii shanaad oo rabshado ka dhacay guud ahaan Faransiiska kadib markii wiil ay ayeeyo u ahayd oo 17 jir ah ay dileen booliska.
"Ma doonayno inay burburiyaan dukaamada, basaska iyo dugsiyada," Nadia ayaa sidaasi ku tiri BFM TV.
"Waxaan rabnaa in arrimaha la dejiyo".
"Wadnaha ayaan ka dareemayaa xanuun," ayay ka tiri lacagta loogu deeqay sarkaalka booliiska ee la xiray ka dib markii uu toogtay Nahel Talaadadii.
Laakiin waxay sheegtay inay ku kalsoon tahay in sarkaalka booliska ah loo ciqaabi doono sida dadka kale.
"Way dhammaatay, ilmahaygu dib umaso noolaanayo ayey sii raacisay ayeeyda Nahel”.
“Iyadoo ku baaqday in la is dejiyo oo la joojiyo rabshadaha, waxay ku dartay: "Iskulada ha dumin, basaskana ha dumin,."
Waxay mar sii horreysay sheegtay in dadka rabshadaha sameeyay ay marmarsiinyo ka dhiganayeen dhimashada Nahel.
Muxuu yahay sharciga adag ee muhaajiriinta ee ka dhaqan-galay Mareykanka?
Muxuu Cesc Fabregas ka yiri ka fariisashadiisa lama filaanka ah ee kubadda cagta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
36-sano jirkaan ayaa ku raaxaysanayay waayihiisa ciyaareed oo uu kula guuleystay Spain Koobka Adduunka, Premier League labo jeer oo uu la qaaday Chelsea iyo La Liga oo uu la qaaday Barcelona.
“Waa murugo weyn in la gaaray waqtigii aan joojin lahaa ciyaaraha,” Fabregas ayaa soo dhigay Instagram-ka.
Waxa uu xirfadiisa ku dhameyayaa hal sano oo uu heshiis laba sano ah kula jiro kooxda reer Talyaani ee Como ee ka ciyaarta Serie B.
Fabregas ayaa sheegay in uu hadda garoonka u gali doono si uu u tababaro kaydka Como iyo kooxaha da’yarta.
"ma ahan murugo, si kastaba ha ahaatee, waxa aan hadda ka gudbi doonaa safka ciyaaraha anigoo bilaabi doona in aan tababaro kooxaha B iyo Primavera ee Como 1907," ayuu raaciyay.
"Kooxdan kubbadda cagta ayaa qalbigeyga soo jiidatay daqiiqaddii ugu horreysay waxayna ii timid waqti fiican oo xirfadeyda ah".
“Marka ka dib 20 sano oo qaas ah oo naf hurnimo oo madadaalo leh, waa waqtigii aan dhihi lahaa mahadsanid iyo macsalaamo ciyaaraha waaweyn.
"Waan jeclaa daqiiqad kasta." ayuu sii raaciyay
Maxay kawada hadleen taliya millitariga Kenya iyo Madaxweynaha Jubaland?

Xigashada Sawirka, Jubaland State
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya ee loo yaqaano KDF Gen Francis Omondi Ogolla oo safar gaaban ku tagay Jubaland.
Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab gaar ahaan deeanada ay kaga suganyihiin maamulka Jubaland.
Ciidamada kenya ayaa qayb ka ah kuwa ATMIS ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Kenya uu dhowaan sheegay in ciidamadiisa ay kusii nagaan doonaan Soomaaliya xitaa hadii lasoo af jaro howlaglka ATMIS.
Xilliga Mr Ruto uu hadlayay ayaa ahayd goor ay Al-shabaab weerar ka geysteen deegaanka Lamu ee gobolka xeebta iyagoo halkaasi ku gowracay dad gaaraya illaa 5 ruux.
Shir deg deg ah oo la'isugu yeeray dalalka Islaamka si looga fal celiyo kitaabkii Qur'aanka ee lagu gubay Sweden

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wadamada Muslimka ah ayaa ku shiraya dalka Sacuudiga si ay uga hortagaan gubitaanka qur’aanka kariimka ah ee lagu gubay dalka Sweden
Ururka OIC ayaa shir deg deg ah ku yeelanaya magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, waxaana shirkan looga hadlayaa sidii si wadajir ah tallaabo looga qaadi lahaa gubitaanka Qur’aanka Kariimka ee Arbacadii ka dhacday dalka Sweden.
Doodda ay soo qaban qaabisay Sacuudiga ayaa lagu lafa gurayaa tallaabooyinka ku haboon ee laga qaadi karo waxa ay kooxdu ugu yeertay falka gardarrada ah.
Kooxdan ayaa horey u cambaareysay falkii uu wiilkan dhalinyarada ah ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq kanasoo cararay dalkiisa uu Sweden.
waxa uu ka sameeyay bannaanka masjidka weyn ee magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, fal ay ka gadoodeen dhamaan Muslimiinta maalintii Ciidul Adxaa.
Inta badan wadamada Muslimka ah ayaa casuumaad u fidiyay safiiradooda u jooga dalka Sweden si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin.
Dowladda Sacuudiga oo xabsiga dhigtay 17,000 oo qof oo doonayay in ay xajiyaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska Saudi Gazette oo soo xiganayay madaxa guddiga amniga ee arrimaha Xajka ee sanadkan, Lt. Gen. Muhammad Al Bassami ayaa sharraxay arrintan, isagoo sheegay in 9,509 ka mid ah ay yihiin dad ku xad-gudbay fiisaha shaqada iyo sharciga degenaanshaha dalka.
Waxa uu sheegay in 33-ruux oo lagu tuhmay in ay dadka hor kacayeen iyaga oo aan fasax ka heysan maamulada dalka ka jira.
Al-Bassami ayaa sheegay in sidoo kale maamulka dalka ay gacanta ku dhigeen 202,999-qof oo isku dayay in ay dalka soo galaan si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka iyagoon fasax u haysan.
Madaxa guddiga amniga Xajka ayaa sidoo kale ku bogaadiyay askarta sida geesinimada leh ee ay u gudanayaan howshan muhiimka ah ee xirfadooda shaqo.
Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya in qofkasta oo ku nool dalkaasi uu fasax ka raadsado mas’uuliyiinta haddii uu doonayo inuu xajka soo guto.
Toogasho ka dhacday Mareykanka oo ay dad ku dhinteen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliiska magaalada Baltimoreee dalka Mareykanka ayaa baadigoobaya dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen toogasho ay labo qof ku dhinteen 28 kalena ay ku dhaawacmeen oo halkaas ka dhacday.
Saddex ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa ku jira xaalad halis ah.
Dadka magaalada ayaa maanta dhiganayay munaasabad lagu magacaabo "Maainta Brooklyn".
Duqa magaalada Baltimore Brandon Scott ayaa sheegay in arrintan ay xoojineyso muhiimadda ay leedahay wax ka qabashada hubka sharci-darrada ah.
Weli wax faahfaahin ah kama soo bixin qofka ka dambeeyay toogashada.
Diyaarad lugta hore ka maqan tahay oo ku degtay Mareykanka
Twitter-ka oo shuruuc cusub soo saaray

Xigashada Sawirka, Reuters
Milkiilaha Twitter-ka Elon Musk ayaa sheegay inTwitter-ka uu xaddiday tirada tweets-ka ee isticmaalayaashu ay akhrin karaan maalin gudaheed,
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Mr Musk ku sheegay in akoonnada aan la xaqiijin ay hadda ku xaddidan yihiin akhrinta 1,000 qoraal ah maalintii.
Acoonada cusub ee aan la xaqiijin, tirada ay akhrin karaan ayaa lagu xadiday 500 qoraal .
Dhanka kale, Acoonada leh heerka "la xaqiijiyay" ayaa hadda ku xaddidan 10,000 oo boosto maalintii.
Maalqabeenka teknoolajiyada ayaa markii hore dejiyay xad adag, laakiin wuu bedelay kuwaas saacado gudahood markii uu ku dhawaaqay tallaabada.
Mr Musk waxa uu isticmaalayaasha Twitter-ka u riixayay dhanka Twitter Blue, oo ah adeegeed qof uu heli karin ilaa uu lacag-bixiyo. Waa suurtogal inuu eegayo nooc ay isticmaalayaashu ku bixin doonaan lacag si ay u helaan adeeg Twitter oo buuxa - iyo helitaanka qoraallo aan xadidnayn.
Maxkamad Kenya ku taalla oo malaayiin lacag ah ku xukuntay dowladda Soomaaliya
Dhaawac soo gaaray xaaska duqa Haÿ-les-Rose ee Paris

Xigashada Sawirka, Reuters
Xaaska duqa magaalada Haÿ-les-Roses ee Paris ayaa ka jabtay Lugta gaar ahaan lafta tibia- waxaana soo gaaray "dhaawac halis ah", sida ay sheegeen masuuliyiinta Farance.
Xeer ilaaliyaha Créteil ma uusan bixin war cusub oo ku saabsan xaalada labada lamaane ee caruurtooda da'doodu tahay shan iyo toddobo jir.
Melanie Nowak ayaa caruurteeda kala carartay guriga kadib markii dad rabshado wata ay albaabka ka soo galeen kadibna ay gubeen gaariga.
Duqa ayaa sheegay in weerarka looga dan lahaa in lagu xitaa gubo gurigiisa.
Guriga duqa L'Haÿ-les-Roses ee Paris oo la weerary

Xigashada Sawirka, Xafiiska Maayarka
Habeenimadii xalay, dad ayaa baabuur ku dhuftay guriga duqa magaalada Paris ee kuyaalla xaafada L'Haÿ-les-Roses, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Weerarku wuxuu dhacay abaaro 01:30 (23:30 GMT), markaas oo Vincent Jeanbrun uu ku sugnaa xafiiskiisa.
Xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay ayaa hurdayay markii kooxihii weerarka geystay oo aan la garaneyn ay albaabka ka soo galeen kadibna ay gubeen gaariga.
Markii xaaskiisa iyo caruurtiisa yar yar ay isku dayeen inay baxsadaan ayaa waxaa ku dhacay walxaha dab bixiya ee kor loo tuuro taasoo keentay in xaaskiisa iyo mid ka mid ah caruurta ay dhaawacmaan.
Waxay ahayd "isku day dil oo fulaynimo aan la sheegi karin", duqa magaalada Jeanbrun ayaa yiri. Booliiska ayaa bilaabay baaritaan.
Maxay yihiin diyaaradaha ay lahaayeen UK ee laga helay keynta Ukraine?
Hadhaagii siddeed diyaaradood oo ah kuwa dagaalka duufaannada Ingiriiska oo soo bilowday dagaalkii labaad ee adduunka ayaa la helay iyagoo ku aasan keymo ku yaalla dalka Ukraine.
Britain ayaa diyaaradan udirtay Midowgii Soofiyeeti ee hadda loo yaqaan Ruushka kadib markii Naasigii Jarmalku uu dalka soo galay 1941-kii.
Waxay qayb ka ahaayeen xirmo taageero millatari oo isbahaysi ah oo loogu talagalay Midowgii Soofiyeeti, oo uu Maraykanku ku bixiyay waxa loogu yeero nidaamka amaahda.

Sharci kaas la mid ah ayay dowlada Mareykanka hadda adeegsataa si ay gargaar militari ugu dirto dalka Ukraine ee dagaalka kula jirto Ruushka.
Khubarada dhanka duulimaadyada ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee haraadiga diyaaradaha nooca duufaano intaa le’eg laga helo dalka Ukraine.

Xigashada Sawirka, STATE AVIATION MUSEUM, KYIV
Basaaska ugu sareeya Mareykanka oo ka hadlay ficaladii Wagner

Xigashada Sawirka, Reuters
Dagaalka Ukrain waxa uu saamayn “xun” ku leeyahay hoggaanka Vladimir Putin ee Ruushka, sida uu sheegay madaxa hay’adda sirdoonka dhexe ee CIA-da.
Agaasimaha hay'adda William J Burns ayaa sheegay, kalsooni la'aanta Ruushka ee dagaalka ayaa CIA-da siinaya fursado cusub oo oo ay ku ururiyaan sirtooda.
Basaaska ugu sareeya Mareykanka ayaa faallooyinkan ka sheegay mar uu Khudbad sanadlaha ka jeedinayayay Ditchley Foundation oo kutaalla dalka UK.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya kadib toddobaad markii ay dhaceen gabood-falladii uu sameeyay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin.
Mr Burns waxa uu sheegay in qof kastaa “uu ka xumaaday” muuqaalladii Sabtidii la soo dhaafay ee Prigozhin ee “ loolankii hubaysnaa” ee Moscow, markii ciidamadiisa calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ay u dhaqaaqeen dhanka caasimadda Ruushka.
Ficilada Prigozhin waxay ahaayeen "xusuusin cad oo muujinaya saamaynta xun ee dagaalka Putin ku leeyahay bulshadiisa iyo maamulkiisa", ayuu yiri.
