'Taliye Shub' oo fasiraad ka bixiyay khudbadii uu jeediyay ee hadal haynta dhalisay

Taliye shub

Xigashada Sawirka, .

Waxaa hadal hayn badan ay ka dhalatay khudbad uu shalay jeediyay taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Taliyaha oo la hadlayay ciidamo tababar loogu soo xiray magaalada Beydhabo ayaa waxaa uu ka hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin qabyaalada in lala diriro al Shabaab.

Taliye Mahad oo askartan la hadlayay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay ka fogaadaan qabiilka islamarkana ay qaranka ku dadaalaan.

Balse arrinta hadalhaynta badan dhalisay ayaa ah markii qudbadiisu soo gaartay qaybta guubaabinta askarta.

Isaga oo ka hadlaya tacadiyo ay Shabaabku u gaystaan dadka shacabka ah, ayuu u muuqdaa inuu wadiinayaa mid kamid ah askarta hor fadhisay, "Adiga hooyadaa nin ayaa qaba, keed ku ogeyd adeer?".

Waydiinta ayuu sii raaciyay taliye Mahad: "Haa, aabahaa waa lala qabaa. Ma diidan tahay, nin ayaa u imaanaya wuxuu leeyahay islaanta iyo gabadha-ba dowro ayaa loo dirayaaye keena, subaxii ayay imaanayaan , hal meelna laguma wada galinayo. Gabadha iyo duqdaba, caawa oo dhan ayaa nin so haysanayaaa subaxii ayay aabaha u imanaysaa, inaad xoreyso ayaa la rabaa"

Hadalkan ayaa dadka ay siyaabo kala duwan u fasirteen islamarkana dadka qaar ayaa u arkeen in uu gef yahay islamarkana uu ahaa hadal aan wanagsaneyn.

Ciidamada Koonfur Galbeed

Xigashada Sawirka, .

Muxuu ula jeedayay hadalkaasi?

Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa BBC u sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fasiray islamarkana u jeedkiisa laga leexiyay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taiyaha ayaa sheegay in goobta uu ka hadlayay ay ahayd magaalada Beydhabo oo ay ku qalanjabinayeen ciidama ka mid noqon doona Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Waxaa uu intaa ku dray in askarta uu kala hadlay labo qodob oo uu u arkay in ay muhiim u yihiin, taasi oo ah in ay qabyaaladda ka dheeraadaan iyo in ay Shabab la dagaalaman.

Taliyaha oo aan waydiinay waxa uu ula jeeday ereygii ahaa "Hooyadaa aabahaa waa lala qabaa" ayaa sheegay in uu doonayay inuu cadeeyo al-Shabab iyo sida ay dadka ula dhaqmaan, isaga oo xusay in uu la hadlayay askar hortiisa fadhisay, oo uu tusaale ahaana u soo qaatay sida uu isagu sheegay.

Wuxuu sheegay in hadalkaas uusan ula jeedin askari gooni ah, balse askarta oo dhan uu guubaabo ahaan u lahaa.

"Arrinkaa waxaan ula jeedaa waa dhaqankii Shabaab waxaan ka sheekeynayay , waa sida hadda aan sheegayay ayay ku dhaqmaan, dadka way gumeysteen dhibaato ayay u geysteen," ayuu yiri Janaraal Mahad.

Taliye Mahad oo aan waydiinay halka uu xogtan ka keenay ayaa sheegay in uu yahay nin wax badan ka og dhaqanka Shabab xogtana uu sidaasi ku ogaaday.

"Anniga nimanka dhaqankooda ayaan aad u ogohay, Soomaali ayaan ahay wadanka jooga waliba masuul ah , waxay ku dhaqmayaanna aad ayaan u ogahay sidaa iyada ah ee aan kuu sheegayo nafteeda waaye", ayuu yiri Taliye Mahad.

Shub

Xigashada Sawirka, .

Taliye Mahad ayaa marar badan khudbado guubaabo ah oo uu jeedinayay ay sababeen hadal hayn badan, kadib markii hadalo filanwaa ku noqday dadka qaar uu ku soo daray khudbadihiisa.

Ururka al Shabaab ayuu ku eedeeyay in meelaha ay haystaan ay dhibaato u geystaan qoysaska gaar ahaan dumarka.

"Meelaha ay haystaan ee ay iyaga xukumaan marka ay labo saac habeennimo tahay gurigga ayaa la tagayaa, waxaa la leeyahay islaanta ha soo baxdo gabadhana ha soo baxdo, dhowro ayaa la aadayaa ayaa la leeyahay , haddee haweeney guriga saddex saac ee habeennimo laga watay oo subaxii 2 saac la keenay adiga xogteeda ma haysaa marka meesha aabaha duqda lala qabo aan uga jeedo halkaasi waaye," ayuu BBC u sheegay.

Taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ugu baaqay dadka siyaabaha kala duwan u fasirtay hadaladiisa in aysan malo xun ka bixin khudbadiisa, sidoo kale raali galin ayuu raaciyay hadalkiisa.

"Raali ha ahaadeen ayaan leeyahay, warka meesha fiican ka fiiriya, meesha xun ha ka fiirinina iyagan intaas ayaan ugu baaqayaa" ayuu hadalkiisa ku daray.