Maxaa ka jira in Khilaaf ka dhashay dagaalkii Laascaanood uu kala geeyay fanaaniin da'yar?

Sanaag iyo Zaki

Xigashada Sawirka, Sanaag iyo Zaki

Qoraalka sawirka, Sanaag iyo Zaki

Baraha bulshada gaar ahaan Soomaalida ayaa inta badan lagu arkaa arrimaha la xiriira isku dhacyada dadka caanka ah ama bulshada kudhex leh saameynta, mararka qaar ayey dhacdaa in lagu baahiyo warar aan xaqiiqo ahayn oo la xiriira shaqsiyaad lawada garanayo.

Saddexdii toddobaad ugu dambeysay ayaa lagu baahiyay khilaaf la sheegay in soo kala dhex galay fannaanin lagu bartay in ahaayeen kuwo aad isugu dhow, isku dhaca labada fannaan ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo arrin siyaasadeed iyo deegaannada ay kasoo kala jeedaan.

Cali zaki iyo Saalax Sanaag, waa fanaaniin uu fankoodu kasoo hana qaaday magaalada Hargeysa oo loo yaqaanno hoyga fanka Soomaaliyeed.

Labada fannaan ayaa mar soo wada shaac baxay iyadoo ay muuqato xiriirka saaxiibinimo ee ka dhexeeya taasina waxa ay keentay in bulshadu ay ku tilmaamaan mataanaha fanka ee magaalada Hargeysa.

Dagaalka Laascaanood

Intaa kadib waxa uu dagaal ka dhex qarxay labada deegaan ee ay labada fannaan kasoo kala jeedaan, waxaana muuqatay fannaaniin kale oo kala taageeraya labada dhinac, balse intii uu dagaalku socday majirin wax farriin ama ficil ah oo si shaac baxsan ollga helay dhanka Saalax iyo Cali, iyagoo markaa kuwada sugnaa magaalada Hargeysa.

Ku dhawaad sanad waxaa magaalada Laascaanood ka socday dagaal sokeeye oo halkaasi ka qarxay. Dagaalka wuxuu u dhaxeeyey maliishiyo hubaysan oo deegaanka ka soo jeeda iyo millateriga Somaliland.

Markii uu billaabanayey dagaalka waxaa dad badan saadaalinayeen inuu muddo gaaban ku soo idlaan doona, laakin waxa uu qaatay waqti dheer iyadoo markii dambe uu xoogeystay. Waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed, barakac iyo saamayn ballaaran oo uu ku yeeshay dadka iyo deegaankaba.

Dabayaaqadii bishii 8-aad ee Agoosto ayaa ciidamada deegaanka waxa ay la wareegeen xerada caanka ah ee gooja cadde iyadoo ciidamadii jamhuuriyadda iskeed madax bannaadida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay halkaasi isaga bexeen.

Xiisadda dagaalkaasi ee dhinaca baraha bulshada iyo fal celinta ka dhalatay ayaa ahayd mida aad u badan iyadoo bulshada kasoo kala jeeda labada dhinac ay hadallo xanaf leh hawada isu marinayeen.

Xiriirka saaxiibtinimo ee Sanaag iyo Zaki

Sanaag iyo Zaki

Xigashada Sawirka, Ali zaki

Qoraalka sawirka, Sanaag iyo Zaki

Cali zaki iyo Saalax Sanaag ayaa dad badan oo taageerayaashooda ah u yaqaanaan saaxiibbo aad isugu dhow. waxaa labo bilood kahor la arkayay hees uu halku dhiggeedu yahay ‘Dhayal maaha walaalnimadeennu’ oo uu ku luuqeynayay fannaanka Cali Zaki heestaas oo uu u hadiyeeyay Saalax Sanaag waliba xilligii arooskiisa oo ka dhacay magaalada Hargeysa.

Erayada heesta ayaa waxaa kamid ahaa :

Wax dhibaaya naftaada walaalo

Ma dhacayso inaan kugu eego

Adna dhaawac i gaara xaggayga

Dhimashaad ka xigtaa waligaaye

Dhayal maaha walaalnimadeennu.

Sidaasaan labo dhuuxiyo jiirka

U nahay dhiigga wadaaga walaalo

Hal qof baan ka dhigneyn abidkeene

Dhayal maaha walaalnimadeennu.

Arooskaagan dhacaaya u waayay

Eray aan ka dhahoo u qalmaaya

Farxad ii dhiman baan jirin caawa

Saalaxow wajigeyga maqsuudkaa

Yuu ka dheexan karaa qof kastaaba!.

Haddaba maxaa kajira khilaafka Saalax Sanaag iyo Cali Zaki?

Sanaag iyo Zaki

Xigashada Sawirka, Sanaag iyo Zaki

Qoraalka sawirka, Sanaag, Zaki iyo Hibaaq
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadal hayntii badneyn ee xagga baraha bulshada ayaa soo dhex gashay arrinta la xiriirta Saalax iyo Cali ee ah in ay isku dheceen, xilliga xiisaddu ay sii kacday kadib la wareegiddii gooja cadde, ayaa magaalada Muqdisho lagu dhex arkay Saalax Sanaag oo ka heesaya goob lagu caweeyo isla markaana gacanta ku heysta calanka SSC Khaatumo, waxaa taasi xigtay in Cali Zaki uu soo qaaday hees uu ku ammaanayo Somaliland isagoo ku labisan direyska ciidamada dushana ku sita Calanka Somaliland.

Waxaa dad badana y baahiyeen in labada fannaan ay isku dheceen dagaalka awgiis balse ma jirin caddeyn laga helay labada dhinac.

Hibaaq Gobaad oo saaxiib dhow la’ah labada fannaan ayaa la hadashay BBC Somali, si ay ugu cadeyso bulshada xaalka saaxiibadeed oo ay ku jahwareereen taageerayaal badan.

Hibaaq ayaa tiri,”Baraha bulshada dadku waxa ay badanaa kaga hadlaan wixii ay iyagu sawirtaan ama ay la noqoto, labada fannaan ee Cali iyo Saalax waa walaalahay, waa dad aan aad isugu dhownahay, majiro khilaaf soo kala dhex galay oo aan ogahay, welina waa dad saaxiib ah”.

Sanaag iyo Zaki

Xigashada Sawirka, Sanaag iyo Zaki

Qoraalka sawirka, Sanaag iyo Zaki

Gobaad oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri, “Sida dadka oo dhan ay u wada arkeen ayaan anaguna u aragnay warka been abuurka ah ee la wareejinayo, Cali iyo Saalax ma aha dad ku kala tagaya sidaas fudud oo waa dad wada ceeshay oo walaalo ah, waxaan si rasmi ah u beeninayaa in arrintaasi aysan jirin wiilashuna waa dad isku fiican ee yaan laga dhex shaqeyn, ayey sii raacisay.

Labada fannaan ayaa haatan ku kala sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi iyadoo xogaha hoose ee aan helnay ay sheegayaan in Saalax Sanaag oo arrimo qoys u jooga Nairobi uu haatan qorsheynayo dib ugu noqoshadiisa magaalada Hargeysa.