Soo saarihihii taxanaha 'Tehran' oo maydkeeda laga helay qol hotel ku yaalla Giriigga

Xigashada Sawirka, Reuters
Booliiska Giriigga ayaa sheegay in meydka Dana Eden, oo ahayd soo-saare Israa'iili ah ee taxanaha telefishin ee "Tehran", ayaa laga helay qol hotel oo ku yaalla badhtamaha Athens.
Meydkeeda ayaa laga helay qolkii ay ka degganayd hotel u dhow Fagaaraha Syntagma ee caasimadda Giriigga Axaddii (15 Febraayo), sida ay booliisku sheegeen.
Sida ay booliiska Giriiggu sheegeen, meydka haweeneyda 52-jirka ah ayaa la ogaaday kadib markii walaalkeed uu ku guuldarreystay inuu la xidhiidho iyada, inkasta oo uu dhowr jeer isku dayay oo uu waayay.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa yidhi: "Baadhitaan maydkeeda ah (autopsy) ayaa la amray, muuqaallada kamaradaha ammaankana (CCTV) waa la eegay, wax walbana waxay u muuqdaan inay tilmaamayaan is-dil."
"Waa waqti murugo weyn u leh qoyska, asxaabta iyo shaqaalaha," ayay shirkadda wax-soo-saarka Donna and Shula Productions – oo ay Ms Eden wada maamuli jireen soo-saare Shula Spiegel – ku tiri bayaan ay soo saareen
Shirkaddu waxay sidoo kale bayaan ku sheegtay, iyadoo u muuqata inay ka jawaabayso warar baraha bulshada ku faafay oo ku xidhayay dhacdada Iran, in "soo-saarehu ay doonayso inay caddeyso in wararka sheegaya in geeridan ay la xirdhiidho arrimo dambiyeed ama qaranimo ay yihiin kuwo aan run ahayn oo sal lahayn."
Kan, oo ah shirkadda sii faafisa taxanahan gudaha Israa'iil, ayaa iyaduna bayaan ku sheegtay: "Waxaan la wadaageynaa dadka oo dha murugada geerida Dana Eden, oo nala soo shaqeysay muddo dheer oo wax-soo-saarro, taxane iyo barnaamijyo ah oo ka baxay Hay'adda Warbaahinta Dadweynaha Israa'iil. Dana waxay ahayd qof sare oo ka tirsan warshadda filim samaynta Israa'iil, waxayna door weyn ka qaadatay abuurista iyo hagidda qaar ka mid ah wax-soo-saarrada ugu caansan uguna saameynta badan."
Ms Eden ayaa u duushay Athens 12 maalmood ka hor si ay u duubto qaybtii afraad ee taxanaha basaasnimada ku saabsan, kaas oo laga sii daayo Apple TV. Saddexdii qaybood ee hore ee "Tehran", oo diiradda saaraya howlgal wakiil ka tirsan Mossad uu ka fulinayo Tehran, ayaa sidoo kale lagu duubay Athens.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Duubista qaybta afraad ayaa dib loo dhigay kadib dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar 2023 iyo dagaalka Gaza.
Taxanahan ayaa noqday mid ka mid ah wax-soo-saarrada Israa'iil ee ugu iibka badan caalamka, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta Emmy ee Taxanaha Riwaayadda ugu Wanaagsan sanadkii 2021.
Qeybtii ugu horreysay ee taxanaha "Tehran" ayaa la sii daayay 22-kii Juun 2020 kana baxay kanaalka Israa'iil ee Kan, kadibna Apple TV ayaa la wareegtay sii baahinta caalamiga ah.
Taxanuhu wuxuu daba socdaa Tamar Rabinian, oo ah basaasad ku dhalatay Iran balse ku kortay Israa'iil, taasoo loo dirayo Iran howlgalkeedii ugu horreeyay ee qarsoodiga ah si ay uga qayb qaadato isku dubbaridka weerar Israa'iil ku qaaddo barnaamijka nukliyeerka Iran. Sanadkii 2021, taxanuhu wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta International Emmy ee Taxane filimeedka ugu Wanaagsan.
Qaybtii labaad ayaa la sii daayay 2022, waxaana ka soo muuqday jilaaga ruug-caddaaga Mareykanka Glenn Close, halka baahinta caalamiga ah ee xilli-ciyaareedka saddexaad ay bilaabatay Janaayo 2026. Wararka ku saabsan soo saarista qaybta afraad ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay Diseembar 2025.
"Tehran" wuxuu isku dayay inuu daawadayaasha u soo bandhigo sawir casri ah, la rumeysan karo, oo ka duwan midkii hore ee marar dhif ah lagu arkay shineemada reer galbeedka.
Qoraaga sheekada taxanaha, Moshe Zonder, ayaa sheegay in isaga iyo Daniel Sirkin ay waqti badan ku bixiyeen baaritaan ku saabsan Iran, iyagoo wareystay aqoonyahanno, saraakiil amni, khubaro amniga internetka ee Mossad, iyo tobanaan qof oo Iranian qurbajoog ah si ay u soo bandhigaan sawirka ugu saxsan ee Tehran.
Abuurayaasha taxanaha ayaa isku dayay inay si taxaddar leh ugu ekaysiiyaan jawi la mid ah caasimadda Iran magaalada Athens, iyagoo dib u sameeyay biraha jaamacadda Tehran, Waddada Enghelab, gudaha xafiisyada iyo garoonka diyaaradaha Imam Khomeini, iyo faahfaahinno kale.
Mid ka mid ah qodobbada xiisaha leh ee taxanahan ayaa ah inuu soo bandhigo sawir ka duwan kii hore ee saraakiisha sirdoonka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC).
Saraakiisha amniga iyo booliiska Iran ee ku jira filimkan waxaa lagu muujiyay kuwo xirfad leh, khibrad leh, isla markaana si weyn ula mid ah wakiillada caqliga badan ee khibradda leh ee lagu arko filimada Hollywood.












