Maxay tahay sababta loo xiray boqorka Ingiriiska walaalkiisa Andrew Mountbatten-Windsor?

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Duncan Walker
- Author, Tom McArthur
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Andrew Mountbatten-Windsor ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay xad gudub uu ku sameeyay xafiiska dadweyne.
Waxay timid ka dib markii Booliska Thames Valley ay sheegeen inay qiimeynayaan cabashada ku saabsan eedeymo la sheegay ooah in amiirka hore uu la wadaagay dambiilaha galmada ee Jeffrey Epstein waxyaabo sir ah .
Amiirkii hore ayaa si joogto ah oo adag u dafiray wax khalad ah oo la xiriira Epstein.
Maxaa Andrew Mountbatten-Windsor loo xiray?
Mountbatten-Windsor ayaa la xiray abbaare 08:00 GMT ee Khamiista isaga oo ku sugan King's Sandringham Estate oo ku taalla Norfolk, halkaas oo uu ku sugnaa.
Saraakiisha ayaa xiray Boqorka walaalkiis oo ah 66 jir.
Waxaa la fahamsan yahay in Boqorka iyo Qasriga Buckingham midkoodna aan horay loogu sii wargelin xarigga Mountbatten-Windsor, ee ay xireen saraakiisha Booliska Thames Valley.
Ma garanayno waxyaabaha gaarka ah ee la xiriira xadgudubka xafiiska dawladda ee lagu eedaynayo ee haatan baaritaanku ku socda.
Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha hore loo soo sheegay waxaa ka mid ah inuu bixiyay warbixinnada booqashooyinka ganacsiga, gudbiyay warbixin sir ah oo ku saabsan maalgashiga Afgaanistaan, iyo in uu gudbiyay warbixin kooban oo ku saabsan maaliyada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weriyaha BBC News ee UK Daniel Sandford ayaa yiri: "Waxaa jiraya malo ah in qeyb ka mid ah arrintani ay ku lug leedahay dukumeentiyada ku jira faylalasha Epstein ee la shaaciyay - ee u dhexeeya Andrew iyo Jeffrey Epstein. Markaas ayay booliiska Thames Valley ku lug yeesheen."
Laakiin Sandford wuxuu sheegay inay suurtagal tahay in booliisku aysan diiradda saarin oo keliya iimayllada si weyn loogu arkay faylalka Epstein.
"Marka hore, waxaa jira saddex milyan oo dukumeenti ah oo ku jira faylasha, markaa waxaa laga yaabaa inay jiraan qaar ka mid ah warbaahinta oo seegay in ay wada arkaan. Laakiin, Buckingham Palace ayaa sheegay inay ku taageeri doonaan booliiska Thames Valley su'aalahooda.
"Taasina waxay la macno tahay in booliisku ay aadeen Qasriga, ama aadi karaan Qasriga, iyagoo weydiinaya caddaynta xiriirka ka dhexeeya Andrew iyo dad kale."
Kaaliyaha Madaxa Bilayska Thames Valley, Constable Oliver Wright ayaa yiri: "Waan fahansanahay danta bulshada ee kiiskan, waxaanan bixin doonaa xogo cusub waqtiga ku habboon."
Ciidanka ayaa sheegay in aysan magacaabi doonin ninka la xiray "sida ku cad hagaha qaranka".
Waa markii ugu horreysay oo amiirkii hore, oo la kulmay eedeymo badan oo la xiriira xiriirka Epstein, la xiro.

Xigashada Sawirka, Bav Media
Xagee la geeyay Mountbatten-Windsor maxaase xiga oo dhici doona?
Booliisku waxay sheegeen in Boqor Charles walaalkii uu xiran yahay balse ilaa hadda ma garanayno halka la geeyay.
Danny Shaw, oo ka faallooda arrimaha bilayska, ayaa BBC-da u sheegay in muddada ugu dheer ee amiirkii hore la hayn karo ay tahay 96 saacadood.
Si kastaba ha ahaatee, tani waxay u baahan doontaa kordhin badan oo ka timaada saraakiisha sare ee booloska iyo maxkamada magistrate-ka.
Inta badan kiisaska tuhmanayaasha waxaa la hayaa 12 ama 24 saacadood kadibna ama waa la dacweeyaa ama waa la sii daayaa iyadoo la sugayo baaritaan dheeri ah, Shaw ayaa yiri sidaas.
Tuhmanayaasha waxa lagu xiraa "qol ka mid ah qolalka xabsiga" oo leh "sariir iyo musqul" kaliya, halkaas oo uu ku sugi doono ilaa waraysigiisa booliiska uu bilaabmayo, ayuu yiri Shaw.
Waxa uu intaa ku daray: "Ma jiri doonto qaab gaar ah oo isaga loola dhaqmi doono."
Maxay baaritaanada socda?
Booliska Thames Valley ayaa sheegay in, marka laga soo tago xiraga, ay "baaritaanno ka wadeen adareesyada Berkshire iyo Norfolk".
Baabuurt booliska oo aan calaamad lahayn ayaa la arkayay iyagoo imanaya Sandringham Estate oo ku yaalla Norfolk ka hor intaan Mountbatten-Windsor xirin.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, wuxuu daganaa guri ku meel gaar ah oo ku yaal aagga iyadoo la dayactirayo deegaankiisa rasmiga ah ee uu ku leeyahay Marsh Farm.
Dhanka kale, Weriyaha BBC-da Helena Wilkinson, ayaa sheegtay in ay aragtay askar booliis ah oo lebisan oo ku dhow Royal Lodge oo ku yaalla Windsor Great Park.
Ilaa dhawaan, gurigan Berkshire waa meeshii uu ku noolaa Mountbatten-Windsor.
BBC-da ayaa fahansan in hadda ay baaritaanno ka socdaan Royal Lodge oo ay saraakiishu halkaas u joogaan inay ilaaliyaan goobta. Waxaa loo maleynayaa inuu yahay guriga kaliya ee hadda laga baaray Berkshire.
Dal Babu, oo hore u ahaan jiray Taliye Boolis , ayaa BBC News u sheegay in marka la xiro boqorka walaalkii, ay saraakiishu awood u yeelan doonaan inay "helaan qalabka kombuyuutarrada, faylasha, sawirrada iyo caddaymaha kale".
Wuxuu sheegay inay awood u yeelan doonaan inay baaraan goob kasta oo uu leeyahay ama uu gacanta ku hayo, ama goob kasta oo kale oo uu kontoroolo, sidaas darteed waxaa laga yaabaa in sidoo kale la baaro meelaha kale.
Muxuu yahay xadgudubka xafiiska dadwaynaha?
Xadudugud xafiiska dadwayne runtii waa dembi adag, ayuu qoray wariyaha BBC News ee arimaha gudaha iyo sharciga, Dominic Casciani.
Asal ahaan waxay isugu biyo hsubaneysaa eedayn ah in qof shaqo u qabanayay dadka reer Ingiriis uu sameeyay wax aad u xun, isagoo og inay khalad tahay.
Waxa jira afar "waxyaabood" ama arrimo ay tahay in booliisku diiradda saaro inta ay baaristoodu socoto si xeer-ilaaliyeyaashu ay hadhow go'aan uga gaaraan in qof dacwad lagu soo oogo iyo in kale.
Tan koobaad, booliisku waa inuu caddeeyaa in qofka ay baarayaan uu yahay "sarkaalka dadweyne" iyo in dhacdada laga hadlayo ay si macquul ah uga mid tahay waajibaadyadiisa.
Haddii taasi la isku waafaqo, dembi-baarayaashu waxay markaas raadin doonaan caddayn ah in dhacdada laga hadlayo ay arkeen tuhmanaha in uu "si ula kac ah" y dayacay in uu guto waajibkiisa ama si ula kac ah u sameeyay xadgudub si kale. Qeexitaankaa ereyadaas ayaa muddo dheer ahaa isha dood sharci.
Su'aasha xigtaa waxay tahay falkii ay ku kaceen ma yahay mid aad u xun oo "ku-takrifal ku ahaa kalsoonida shacabka".
Ugu dambeyntii, haddii caddayntu ay dhaafto saddexd tijaabo, booliisku waxay u baahan yihiin inay baaraan in qofka la baarayo uu ku dhaqaaqay falka" cudurdaar la'aan ama cudurdaar macquul ah".
Su'aasha ugu dambeysa waa muhiim. Waa mabda'a aasaasiga ah ee cadaaladda dembiyada in qof lagu tuhmo dembi la siiyo fursad uu ku soo bandhigo dhinaciisa sheekada - taa oo ka bilaabmaysa marka booliisku yimaado oo uu garaaco albaabkiisa.
Muxuu boqorku ka yiri xariga?
Boqorka ayaa yiri "Sharciga waa inuu qaadaa dariiqiisa", ka dib markii la xiray walaalkiis.
Bayaan uu soo saaray Boqorku wuxuu ku yiri: "Waxaan si qoto dheer u ogaaday warka ku saabsan Andrew Mountbatten-Windsor iyo tuhunka xadgudubka ee xafiiska dadweynaha.
"Waxa hadda soo socda waa hab dhammaystiran oo cadaalad ah oo sax ah oo arrintan lagu baarayo ayna ku baarayaan hay'adaha ku shaqada leh.
"Arrintan, sidaan horeba u sheegay, waxay naga haystaan taageero iyo wada-shaqeyn buuxda oo qalbi-furan.
"Aan si cad u sheego: sharcigu waa inuu qaadaa wadadiisa.
"Maadaama ay hawshani socoto, sax maaha inaan xog dheeraad ah ka bixiyo arrintan.
" Dhanka kale, aniga iyo qoyskayga waxaan sii wadi doonaa waajibaadkeena iyo adeegayada dhammaantiin aan u hayno. Charles R."














