Soonku saamayn ma ku yeeshaa awoodda shaqada ee qofka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dad badan ayaa la kulma dhibaatooyin ay ka mid yihiin daal iyo feejignaan la'aan dhanka shaqada ah oo ay ugu wacan tahay soonka badan ee bisha Ramadaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira dad badan oo dareemaya saamaynta wanaagsan ee soonku ku leeyahay noloshooda oo ku andacoonaya in soonku kor u qaaday inay diiradda saaraan shaqada oo ay hadda awood u leeyihiin inay si wanaagsan u habeeyaan hawlahooda.

Marka la gaaro bisha Ramadaan, waxaa yaraada shaqada ama saacadaha shaqada ee dalal badan oo Carab iyo Muslim ah. Isbeddelkan ku yimaada jadwalku waxa uu inta badan ka dhex abuuri karaa shaqaalaha dareen ah in ay dib u dhigaan hawlahooda maalinlaha ah ilaa afurka ka dib ama mararka qaarkood ilaa dhamaadka bisha Ramadaan.

Cilmi baaris ku saabsan arrintan ayaa muujisay sida soonku u saameeyo maskaxdeena iyo dhaqdhaqaaqa jirkeena, waxaana dhammaan arrimahan ay si toos ah ula xidhiidhaan waxqabadka shaqadeena.

In kasta oo cilmi baaris lagu xaqiijiyey in soonku uu qofka ka caawin karo diirad-saarista iyo habaynta hawlaha, haddana su'aasha muhiimka ah ayaa ah in faa'iidooyinkani ay sidoo kale wax saameyn ah ku leeyihiin waxqabadka shaqaalaha ee xafiiska.

Halkan waxaan ku eegeynaa dhowr arrimood oo jireed iyo nafsi ah oo ka dambeeya dareenka daalka iyo daciifnimada xilliga soonka, sida heerka sonkorta dhiigga oo hoos u dhacda, fuuqbaxa, iyo isbeddelka hawl maalmeedka.

Dr. May Badruddin, oo ku takhasusay cudurrada maskaxda iyo neerfayaasha, ayaa sharraxay in soonku faa'iido u leeyahay caafimaadka maskaxda sababtoo ah wuxuu ka caawiyaa korodhka tamarta maskaxda, hagaajinta hababka waxbarashada, iyo diiradda saarista.

Aragtida khubarada ayaa gebi ahaanba ka soo horjeeda aagtida guud ee ah in soonku uu keeno daal iyo in la yareeyo awoodda maskaxda.

Isagoo la hadlayay BBC-da, Dr. Badrudiin ayaa sharraxay in soonku uu saameyn aad u wanaagsan ku leeyahay maskaxda.

Sida laga soo xigtay dhakhtarka, saamaynta ugu caansan ayaa ah in soonku uu maskaxda geliyo xaalad nafaqo 'ketogenic' (dufan sare) ayadoo maskaxdu ay ku tiirsan tahay ketones si ay u hesho tamar, taas oo si weyn u wanaajisa dareenka iyo waxqabadka maskaxda.

Cuntada ketogenic waa hab uu jirku u isticmaalo dufanka tamar ahaan halkii karbohaydraytyada.

Tani waxay keenaysaa soo saarista acids loo yaqaan ketones. Gaajada uu keeno soonku waxa ay kicisaa habkan, jirkuna waxa uu soo saaraa ketones-kaas gudaha.

Dr. Badruddin waxa kale oo uu sharaxay in xaaladani ay ka caawiso inay maskaxda ka ilaaliso cudurada qaarkood, gaar ahaan kuwa lala xiriiriyo xumaanshaha unugyada dareemayaasha, sida Alzheimers.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay khubarada, yaraynta qaadashada sonkorta waxay sidoo kale ka caawisaa hagaajinta caafimaadka maskaxda iyo kordhinta cimrigeeda. Intaa waxa dheer, soonku waxa uu kordhiyaa arrimaha taageera korriinka neerfaha (unugyada neerfayaasha), sida koboca dareen wadeyaasha, kuwaasoo gacan ka gaysta soo saarista unugyada dareemayaasha ee maskaxda.

Dr. Badar waxa kale oo uu sheegay in cilmi-baarayaal badan oo ay ka mid yihiin cilmi-baarayaal aan Muslim ahayn ay daraasad ku sameeyeen saamaynta soonka oo ay si gaar ah diiradda u saareen soonka 10 ilaa 12 saacadood.

Daraasadahani waxay caddeeyeen in soonku uu saamayn togan ku leeyahay da'da maskaxda, awoodda maskaxda, iyo awoodda fikirka.

Sannadkii 2017-kii, cilmibaaris ku saabsan saamaynta soonka bisha Ramadaan ayaa lagu daabacay majaladda caalamiga ah ee Neurology, taas oo baartay saamaynta soonka ee serotonin, dopamine, iyo arrimaha koritaanka neerfaha ee maskaxda.

Cilmi baaris ayaa muujisay in heerka serotonin uu kordho xilliga soonka.

Waa in la ogaadaa in Serotonin ay tahay curiye saameeya niyadda oo nidaamiya shaqada neerfaha, kor u qaada caafimaadka iyo korriinka unugyada maskaxda, waxaanay kicisaa horumarka neerfaha.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kororkani waxa uu aad u soo shaac baxay bisha Ramadaan, gaar ahaan maalinta 14-aad marka loo eego maalinta 29. Xaqiiqadani waxa ay taageertaa cilmi baarisyada muujinaya saamaynta togan ee soonku ku leeyahay arrimahan neerfaha.

Raed Khaalid waa milkiile warshad, isagoo ku guda jira shaqada bisha Ramadaan, wuxuu marar badan arkay in shaqada shaqaalaha ay aad hoos ugu dhacdo bisha Ramadaan, mararka qaarkoodna kala bar. Tan waxaa ku jira xafiiska iyo waxqabadka wax soo saarka labadaba.

Raed ayaa sheegay in inkasta oo saacadaha shaqada la dhimay, haddana heerka tamarta shaqaaluhu uu hooseeyo bishan. Intaa waxaa dheer, waxaa jira koror weyn oo maqnaanshaha.

Waxa uu intaasi ku daray "Dhibaatooyin ay kala kulmaan macmiisha wax soo saarkooda oo yaraaday, si wax looga qabto arrintaasi, waxa aanu hagaajinay wakhtiga shaqada, waxa aanu u bedelnay wakhti fiid ah, si aanu u hubino in shaqada ugu yar ee loo baahan yahay lagu dhameeyo".

Dhinaca kale, Fatin Al-Nashash oo ku takhasustay nafaqeynta ayaa aaminsan in soonku uu jirka ka nadiifiyo sunta iyo cusboonaysiinta unugyada, sida ay sheegtay soonku waxa uu kordhiyaa diiradda iyo tamarta.

Si kastaba ha ahaatee, Fatin ayaa sheegtay in dadka qaarkiis ay la kulmaan daal iyo feejignaan la'aan inta lagu jiro Ramadaanka, taas oo ay ugu wacan tahay caadooyinka iyo dhaqamada cunnada ee aan caafimaadka lahayn.

Fatin Al-nashash waxa ay sheegtay in sababta ugu weyn ee hoos u dhaca shaqada iyo dareenka dadka qaarkii bisha Ramadaan ay tahay isticmaalka xaddi badan oo cunto ah, gaar ahaan cuntooyinka ay ku badan yihiin sonkorta iyo dufanka, halka xilliyada cuntada oo aan dheeli tirnayn ay iyana sabab weyn u tahay.

Fatin Al-Nashash oo ku xeel dheer arrimaha nafaqada ayaa ku tilmaantay ka boodista suxuurta khalad caadi ah inta lagu jiro bisha Ramadaan.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida laga soo xigtay fatin, Suxuurtu waa isha aasaasiga ah ee tamarta maalintii oo dhan, taas oo ka caawisa in uu jirku firfircoonaado. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana dad badan waxay ka boodaan suxuurta ama waxay suxuurtaan dhawr saacadood ka hor inta aan la tukan salaadda fajar, markaas oo ay wanaagsan tahay in la cuno marka ay suxuurtu dhammaato, oo ah xilli u dhow salaadda fajar.

Fatin waxa kale oo ay tilmaantay in tirada iyo tayada cuntada ee bisha Ramadaan inta badan ay caafimaad darro tahay.

Sida ay sheegtay, inkasta oo soonku uu jirka ka nadiifiyo sunta iyo cusboonaysiinta unugyada, haddana way adag tahay in la gaaro faa'iidooyinkaas haddii cuntooyinkeenna ay ku jiraan cuntooyinka aan caafimaadka lahayn.

Marka cuntadu ay ka kooban tahay inta badan walxaha shiilan, burcadka, hilibka dufanka leh, iyo xaddi badan oo cunto ah, faa'iidooyinka dhabta ah ee soonka lama gaaro.

Sida ay sheegtay Fatin, isticmaalka badan ee sonkorta afurka ka dib waxa ay yaraynaysaa faa'iidooyinka dhabta ah ee soonka. Sonkorta xad-dhaafka ahi kaliya si xun uma saamayso tamarta jidhka laakiin sidoo kale waxay keentaa hoos u dhaca dareenka iyo waxqabadka.

Dhinaca cabitaanka biyaha, Fatruz waxa uu ku nuuxnuuxsaday in biyuhu ay lagama maarmaan u yihiin caafimaadka jirka iyo maskaxda sababtoo ah waxay hagaajiyaan shaqada jirka, diiradda iyo tamarta.

Si kastaba ha ahaatee, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, dad badan ayaan cabbin xaddi ku filan oo biyo ah, sababtoo ah waqti la'aan, taas oo keenta daciifnimo jireed iyo daal.

Fatin waxay ku nuuxnuuxsatay in qaladka uu yahay isticmaalka cabitaanka halkii biyaha. Inkasta oo cabitaannadani ay yihiin kuwo dareere ah, haddana waligood ma noqon karaan beddelka biyaha sababtoo ah waxay ka kooban yihiin xaddi badan oo sonkor ah, taas oo si xun u saameyn karta diiradda iyo tamarta labadaba.

Guud ahaan, cabbitaanka xaddi ku filan oo biyo ah iyo dareerayaal kale oo caafimaad qaba inta lagu jiro soonka waxay ka hortagaan jirku inuu dareemo tamar buuxda.