Awoodaha ciidan ee ka jira Beledweyne iyo saamaynta ay siyaasadda iyo amniga ku leeyihiin

Xigashada Sawirka, Twitter
Magaalada Beledweyne waxay xuddun u tahay isku xirka koofurta iyo gobollada waqooyi ee dalka, waana meel istraatiji u ah badeecadaha iyo dadka isaga kala goosha dalka.
Magaalada waxay ka kooban tahay afar xaafadood oo kala ah Oktoobar (Buundo-weyn), Hawlwadaag, Kooshin iyo Xaawa Taako, dhamaantoodna waxaa mara webiga Shabeelle.
Waxay caan ku tahay beeraha iyo xoolaha, waana magaalo juquraafi ahaan u kala qaybsan laba dhinac.
Miliishiyooyinka

Xigashada Sawirka, Twitter
Qabaa’illo iyo jufooyin dhowr iyo toban gaaraya ayaa wada dega magaalada, laakinse afar ilaa shan ka mid ah ayaa la tilmaamaa inay aad u hubaysan yihiin, saamayn weynna ku leeyihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha magaalada Beledweyne.
Bariga magaalada waxaa la tilmaamaa in ay ku xooggan tahay beesha uu ka soo jeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana jira nidaam aan qornayn oo ah habka awood qaybsiga xilalka gobolka. Beeshaas waxay labaatankii sano ee ugu dambaysay si is dabajoog ah u qabanaysay xilka guddoomiyenimada gobolka.
Xasan Xayle oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya wuxuu ka hadlayaa qaabka loo wada deggan yahay gobolka guud ahaan, gaar ahaan magaalada Beledweyne. “qabaa’ilka gobolkan isma diriri jirin, waxaana jiray in ay gobolka ka soo baxeen rag saamayn siyaasadeed leh sida Sheekh Cali Jimcaale. Inkastoo Shiikhu uu ahaa siyaasi taariikh weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna haddana taageero xoog leh siiyey Cabdullaahi Ciise oo isna gobolka laga soo doortay oo astaan u noqday gobannimada Soomaaliya. Waxaa kaloo jiray in ay jiraan siyaasiyiin gobolka ka soo jeeda sida Cismaan Maxamed Jeelle oo xubin ka ahaa golihii sare ee kacaanka iyo wasiirro hayb ahaan ka soo jeeda bariga Beledweyne oo xilal waaweyn dalka ka soo qabtay, marka la barbar dhigo qabaa’ilka kale ee ay wada degaan”.
Galbeedka magaalada waxaa dega tiro qabaa’il ah, laakinse dhowr ka mid ah ayaa aad u hubaysan.
Qabaa’ilka Beledweyne deggan si kastoo ay u hubaysan yihiin dagaal lagu hoobto kuma dhex maro magaalada, waxaase ka dhaxeeya xafiiltan hoose oo la xiriira xilalka sare ee maamulka gobolka iyo kan degmada. Mararka qaarkood dilal aan badnayn ayaa ka dhaca. Xasan Xayle wuxuu BBC u sheegay in sababta ay la xiriirto in qabaa’ilku ay u badan yihiin “dad nabadeed”.
“Marka laga yimaado in ay yihiin dad nabadda jecel, waxaa misna jira hanaan sal adag leh oo dhaqanka ku qotoma, kaasoo madax-dhaqameedyada qabaa’ilka ay gacan adag ku hayaan wadajirka dadka deegaanka, saameynna ay ku leeyihiin bulshada” ayuu yiri Xayle.
Ciidanka ATMIS

Xigashada Sawirka, ATMIS
Muddo sanooyin ah waxaa gobolka deggan ciidan ka tirsan kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika, waana ciidanka lo yaqaanno “Hiil walaal” ee dalka Jabuuti ka socda.
Waxay saldhig ku leeyihiin duleedka magaalada magaalada Beledweyne, waana halka maanta xarunta u ah xafiisyada maamulka ka dib markii muddo sannad iyo dheeraad laga joogo oo ay qaraxyo ku burbureen xafiisyadii ku yaallay xerada Lama Galaay.
Joogitaankooda wuxuu gobolka iyo magaalada Beledweyne uga dhigan yahay ayuu ka hadlayaa Xasan Xayle.
“Jabuuti waxay in badan doonaysay in Soomaaliya ay xasillooni hesho, waxayna Beledweyne u degeen istaraatijiyad siyaasadeed oo la xiriirta in nabadda la soo celiyo, iyo in kala qoqobnaanta la soo afjaro si amniga gacan adag loogu qabto”.
Socdaalkii nabadda ee Hadraawi

Xigashada Sawirka, Al Badri
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Arrimaha qaybta weyn ka qaatay nabadda Beledweyne ka jirta waxaa ka mid ah socdaalkii uu abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku tegey magaalada Beledweyne sannadkii 2003.
Abwaan Hardaawi meelaha uu boqday waxaa ka mid ahayd Beledweyne, iyada oo labo habeen uu ku sii hakaday Balcad iyo Jowhar oo abwaanka uu bulshada kula hadlay fagaareyaal la soo diyaariyay.
Baladweyne oo u diyaargarowday wafdiga abwaanka waxaa ay aheyd magaaladii ugu soo dhoweynta ballaarneyd, waxayna dadweynuhu wafdiga uga hor yimaadeen buuraleyda Janta Kuundishe, halkaas oo ay ku sugnaayeen kumannaan qof oo ay hormuud u ahaayeen maamulkii Beledweyne ee xilligaas iyo odayaasha dhaqanka.
Beledweyne oo aheyd magaalo kala xiran, bari iyo qorraxsinna aan isu tallaabin ayuu abwaanka ku adkeystay in uusan ka tageyn illaa la isku furo oo labada buundo uu lugihiisa kaga tallaabo, taas oo 48 saacadood oo wadahadal ah ka dib dhinacyadii magaalada ay aqbaleen, sidiina la isugu furay.
Nabadeyntii Beledweyne iyo isku furiddii magaalada waa ay taabba gashay oo ilaa xilligaas Beledweyne sidii ayay isugu furan tahay oo dib dambe uma kala xirmin.
Sannadihii u dambeeyey waxaa magaalada Beledweyne aad u saameeyey siyaasadaha is diiddan ee dalka ka jira iyo weerarrada Al shabaab.
Labada arrinba waxay qayb weyn ka qaateen in sugidda amniga degmada iyo kan gobolka ay adkaadaan, laakinse joogitaanka ciidanka ATMIS oo ah dad ku hadla afka Soomaaliga, dhaqan iyo diinna la wadaaga ayaa qayb weyn ka qaatay in xaladdu aysan faraha ka bixin.












