Waa kuma Cali Jeyte, ninka hormuudka u ahaa la dagaallanka al-Shabaab ee Hiiraan?

Cali Jeyte Cismaan oo todobaadkan uu madaxweynaha maamul-goboleedka Hir-Shabeelle ka qaaday xilka guddoomiyenimada gobolka Hiiraan waa nin ay dadku ku barteen inuu aad ugu fooganaa dagaalka Al Shabaab.
Wuxuu astaan u noqday abuuritaanka maleeshiyada macawisley oo uu gacan ku lahaa, wuxuuna Al Shabaab kula dagaallamay deegaanno badan oo gobolka ka mid ah. Xil ka qaadistiisa aragtiyo iyo dareen kala duwan ayaa laga bixiyey.
Haddaba qormadan waxaan ku eegayanaa noloshii Cali Jeyte Cismaan, gaar ahaan waxbarashadiisa, shaqadiisii milateriga iyo sidii uu siyaasadda ku soo galay.
Waxbarashadiisa
Cali Jeyte Cismaan wuxuu 1964kii ku dhashay Tuulada Ceel Gaal oo dhowr iyo toban Kiiloo-mitir waqooyiga ka xigta magaalada Beledweyne.
Waxbarashadiisa hoose/dhexe iyo dugsiga quraanka ayuu halkaa ku soo qaatay.
Markii uu waxbarashada aasaasiga ah ku dhameeyey gobolka ayuu u hayaamay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku qaatay waxbarashada dugsiga sare.
Tacliintiisa sare wuxuu dhamaystirtay markii uu siyaasadda galay.
Shaqada Ciidanka
1980kii ayuu qortay shaqada ciidanka milateriga, wuxuuna ka soo shaqeeyey qaybo kala duwan oo ciidanka dhexdiisa ah.
Sida ay BBC u sheegeen dad aad u yaqaanna Cali Jeyte wuxuu ciidanka ka gaaray ilaa iyo darajada seddex xiddigle (Kabtan).
Wuxuu kaloo noqday macallin ciidanka bara madaafiicda goobta, meelaha uu macallinka ka ahaana waxaa ka mid ahayd qaybta 26aad ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale meelaha u tababarrada ka soo bixiyey waxaa mid ahayd magaalada Beledweyne.

Xilligii burburka
Xilligii dagaallada sokeeye ay dalka ka dheceen wuxuu Cali Jeyte aad isugu hawlay sidii dagaallada sokeeye looga hortagi lahaa.
“Markii uu nidaamka dawliga burburay wuxuu aad ugu hawlanaa wacyigelinta maleeshiyooyinka” ayuu yiri Maxamed Xuseen Colow oo ahaa kabtan ka tirsanaa milaterigii Soomaaliya.
Cali Jeyte iyo Siyaasadda
Siyaasadda wuxuu si rasmi ah u soo galay Cali jeyte Cismaan sannadkii 2004, gaar ahaan markii u dhamaaday shirkii lagu qabtay Mbagathi, Kenya ee madaxweynenimada loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Wuxuu Cali Jeyte ka mid ahaa mudanayaashii baaralamaanka xilligaas lagu soo dhisay Mbagathi. Waxaa kale oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka.
Wuxuu xilalkaas hayey ilaa iyo intii ay xukunka kala wareegeen dawladdiisa xukuumaddii Sheekh Shariif Sheekh Axmed sannadkii 2009.
“Muddadaas ka dib wuxuu dib ugu laabtay waxbarashada, isagoo magaalada Muqdisho waxbarasho jaamacadeed ka bilaabay” ayuu yiri kabtan Colow.

Markii uu tacliinta sare soo dhameeyey wuxuu dib ugu laabtay siyaasadda waxaaana ugu yaraan seddex goor loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan, inkastoo mas’uuliyiin kalena xilliyadaas gudahooda xilkaas loo magacaabay.
Cali Jeyte waxaa muddadii sannadka ahayd ee u dambaysay ay dadku ku barteen, astaanna uu u ahaa, dagaalka u dhaxeeya Macawisley iyo milateriga Soomaaliya oo dhinac ah, iyo dagaallamayeyaasha Al Shabaab.
Khilaaf xoog leh ayaa muddadaas iyo ka horba dhex yaallay isaga iyo hogaanka Hirshabeelle, kaasoo la xiriira saami-qaybsiga siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee maamulkaas.
Laakinse Maxamed Xuseen Colow oo BBC u sheegay inuu kala shaqeeyey Cali Jeyte arrimaha ku saabsan la dagaallanka Al Shabaab wuxuu ku tilmaamay inuu yahay “nin cid kasta la macaamili kara oo aan isla weynayn, kuna fiican isku xirka bulshada”.












