Ardayda Iiraan oo dhigay dibadbaxyo waaweyn oo dowladda ka dhan ah
- Author, Siavash Mehdi-Ardalan
- Role, BBC Persian
- Author, Jaroslav Lukiv
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Ardayda wax ka barata jaamacado dhowr ah oo ku yaalla dalka Iran ayaa dhigay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda – waana isu soo bax noocaan oo kale ah oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo markii bishii hore ay maamulku gacanta ku dhigeen dad bannaan baxayay isla markaana ay dad ku dhinteen.
BBC-da ayaa xaqiijisay muuqaalka dad mudaaharaadayaal ah oo Sabtidii shalay socod ku maray dhismaha jaamacadda Sharif ee caasimadda Tehran. Markii dambe waxaa la arkayay gacan ka hadal dhexmaray iyaga iyo taageerayaasha dowladda.
Isu soo bax ayaa lagu qabtay jaamacad kale oo Tehran ah, waxaana la sheegay in mid kale uu ka dhacay waqooyi-bari. Ardaydu waxay sharfayeen kumannaan ka mid ah dadkii lagu dilay mudaaharaadyo waaweyn oo dhacay bishii Janaayo.
Maraykanka ayaa dhismihiisa militari ka waday meel u dhow Iran, waxaana Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu ka fiirsanayo weerar militari oo xaddidan.
Maraykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa ka shakisan in Iran ay u dhaqaaqayso sameynta hubka nukliyeerka taasoo ay Iran waligeed beenin jirtay.
Saraakiisha Mareykanka iyo Iran ayaa ku kulmay dalka Switzerland Talaadadii, waxayna sheegeen in horumar laga gaaray wada-hadallada lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Laakiin inkasta oo horumarka la soo sheegay, Trump ayaa sheegay ka dib in dunidu ay ogaan doonto "xilliga soo socda, malaha, 10 maalmood" haddii heshiis lala gaaro Iran ama Maraykanku uu qaadi doono tallaabo militari.
Hogaamiyaha Mareykanka ayaa horay u taageeray dibadbaxayaasha - isagoo mar u muuqday inuu dhiirigelinayo, una ballanqaaday in "caawinaaddu ay ku soo fool leedahay".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muuqaallo ay xaqiijisay BBC-du ayaa muujinaya boqollaal dibadbaxayaal ah - oo qaar badan oo ka mid ahi ay wateen calanka qaranka Iran - kuwaas oo si nabdoon ugu dhex socda dhismaha Jaamacadda Teknoolajiyada ee Sharif bilowga simistarka cusub maalintii Sabtida.
Dadka ayaa ku dhawaaqayay "ha dhinto keligii-taliyaha" - iyadoo loola jeedo Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei - iyo halku-dhigyo kale oo looga soo horjeedo dawladda.
Taageerayaasha dowladda ayaa iyaguna isku-soo-bax kale dhigay sida laga arkay muuqaalka. Markii dambe ayaa la arkay iska horimaad dhex maray labada dhinac.
Sawirro la xaqiijiyay ayaa sidoo kale soo baxay kuwaas oo muujinaya dibadbax fadhi ku saabsan oo si nabdoon uga dhacay Jaamacadda Shahid Beheshti ee caasimadda.
BBC-du waxay sidoo kale xaqiijisay muuqaallo laga soo qaaday jaamacad kale oo ku taal Tehran, taas oo ah Jaamacadda Teknoolajiyada ee Amir Kabir, halkaas oo ay ka socdeen dhawaaqyo ka dhan ah dawladda.
Magaalada Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iran kuna taal waqooyi-bari, ayaa la sheegay in ardayda maxalliga ahi ay ku dhawaaqayeen: "Xornimo, xornimo" iyo "Ardaydaay, qayliya, u qayliya xuquuqdiinna".
Bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay meelo kale ayaa sidoo kale la soo sheegay gelinkii dambe ee maalintii shalay, iyadoo baaqyo lagu soo jeediyay isu-soo-baxyo horleh oo dhaca maanta oo Axad ah.
Ma cadda isla markiiba haddii ay jiraan dibadbaxayaal la xiray.
Dibadbaxyadii bishii hore ayaa ka billowday cabashooyin dhanka dhaqaalaha ah, waxayna durbadiiba ku faafeen inay noqdaan kuwii ugu weynaa tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.
Wakaaladda Wararka ee u doodda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka (Hrana) ayaa sheegtay inay xaqiijisay dilka ugu yaraan 6,159 qof intii uu socday bannaanbaxaas, oo ay ku jiraan 5,804 dibadbaxayaal ah, 92 carruur ah iyo 214 qof oo xiriir la leh dawladda.
Hrana ayaa sidoo kale sheegtay inay baarayso 17,000 oo dhimasho oo kale oo la soo sheegay.
Maamulka Iran ayaa sheegay dhammaadkii bishii hore in in ka badan 3,100 qof la dilay - balse inta badan ay ahaayeen ciidanka amniga ama dad goobjoogayaal ah oo ay soo weerareen "rabshad-wadayaal".
Dibadbaxyada Sabtida ayaa imaanaya iyadoo maamulka Iran ay isku diyaarinayaan dagaal suurtagal ah oo ay la galaan Mareykanka.
Mucaaradka dibad joogga ah ayaa si adag ugu baaqaya Madaxweyne Trump inuu ka dhabeeyo hanjabaaddiisa iyo weerarkiisa, iyagoo rajeynaya inay si degdeg ah u burburto dowladda adag ee hadda jirta.
Balse kooxaha kale ee mucaaradka ayaa kasoo horjeeda faragelinta dibadda.
Dhinacyada iska soo horjeeda ayaa ku lug lahaa ololeyaasha kala duwan ee warbaahinta bulshada, iyaga oo isku dayaya in ay sare u qaadaan sheekadooda iska soo horjeedda ee waxa ay dadka Iran rabaan.














