Muxuu kusoo dhammaaday shirkii nabadda Qasa ee Masar, muxuuse Trump ka yiri?

Xigashada Sawirka, EPA
- Author, Rushdi Abualouf
- Role, Wakiil-wareedka Qasa
- Author, Kathryn Armstrong
Wadahadallo aan toos ahayn oo lagu doonayo in heshiis dhammeystiran laga gaaro qorshaha nabadeed ee Mareykanka uu ku joojinayo dagaalka Qasa ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Talaado ah ka sii socdo magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.
Saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Masar ayaa BBC-da u sheegay in fadhiyada diiradda lagu saarayo "abuurista xaaladaha" in la is dhaafsado in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa'iil si loogu beddelo tiro maxaabiis ah oo Falastiiniyiin ah.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa Sabtidii sheegay in uu rajeynayo in uu ku dhawaaqo sii deynta la haystayaasha "maalmaha soo socda".
Iyadoo mas'uuliyiintu ay kulmeen Isniintii, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Aqalka Cad: "Runtii waxaan haysannaa fursad wanaagsan oo aan heshiis ku gaarno, wuxuuna noqon doonaa heshiis waara."

Xigashada Sawirka, Reuters
Xamaas ayaa sheegtay inay oggolaatay soo jeedinta qorshaha nabadda qayb ahaan, laakiin kama aysan jawaabin dhowr dalab oo muhiim ah - oo ay ku jiraan hub ka dhigisteeda iyo inaysan wax door ah ku yeelan mustaqbalka maamulka Qasa.
Maalintii labaad ee wada-hadalladan oo mas'uuliyiinta Masar iyo Qadar ay si goonni goonni ah kulamo xiriir ah ula yeelanayaan wufuud ka kala socota labada dhinac ee Israa'iil iyo Xamaas, ayaa dhacaya sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay weerarkii Xamaas ay ku qaadday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, laguna qafaashay 251 kale.
Ciidamada Israa'iil ayaa olole ay kaga jawaabayaan Qasa ka bilaabay. Tan iyo markaas, 67,160 ayaa lagu dilay hawlgallada milatari ee Israa'iil ee Qasa, oo ay ku jiraan 18,000 oo carruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
War qoraal ah oo uu soo saaray xuska sanadguurada ayuu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ku sheegay in qorshaha Trump "uu soo bandhigayo fursad ay tahay in laga faa'ideysto si loo soo afjaro colaaddan murugada leh".
Ra'iisul wasaaraha UK Sir Keir Starmer ayaa ku celiyay inuu taageersan yahay qorshahan qoraalkiisa xuska sannad-guurada, isagoo yiri: "Waan soo dhaweynaynaa hindisaha Mareykanka ee ku aaddan nabadda Bariga Dhexe, dowladdani waxay sameyn doontaa wax walba oo awooddeenna ah si ay u suurto-geliso maalinta uu ilmo kasta oo Israa'iil ah uu si nabad ah ugu noolaan karo, isaga oo garabsanaya deriskooda Falastiin, ammaan iyo bogaadin."
Ilo sare oo dhanka ammaanka ah oo Israa'iil ka tirsan ayaa sheegay in wada-hadallada marka hore diiradda lagu saari doono sii deynta la haystayaasha oo keliya, isla markaana Xamaas la siin doono maalmo kooban si ay u dhammaystiraan wejigaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wada-hadalladan ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan kuwii ugu adkaa tan iyo markii uu dagaalka billowday, waxaana lagu go'aamin karaa in waddo loo maro joojinta colaadda ugu dambeyn la gaari karo.
Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff, wiilka uu soddoga u yahay Trump Jared Kushner iyo wasiirka arrimaha dibadda Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa ka mid ah dadka ka qeyb galaya.
Trump, oo wax ku qoray bartiisa baraha bulshada, ayaa ku boorriyay qof kasta oo ku lug leh dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Qasa in ay "dhaqso u howlgalan" waxa uuna sheegay in loo sheegay wajiga koowaad ee qorshaha nabadda – oo ay ku jirto sii deynta la haystayaasha – "waa in la dhammeeyaa toddobaadkan".
Isniintii, waxa uu u sheegay warfidiyeenka in "Xamas ay ku heshiiyeen waxyaabo aad muhiim u ah."
"Runtii waxaan u maleynayaa inaan heshiis geli doonno," ayuu yiri.
Sarkaal Falastiini ah oo la socda wada-xaajoodka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in fadhigii ugu horreeyay uu dhammaaday fiidnimadii Isniinta, isla markaana ay wadahadallo kale dhici doonaan Talaadada.
Warbaahinta Al-Qahera News ee xiriirka la leh dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in wada-hadallada ay sii socon doonaan Talaadada – oo maalintii ugu horreysay ay ku dhammaatay "iyadoo wejigu wanaagsan yahay".
Qorshahan oo ka kooban 20 qodob oo ay ku heshiiyeen Trump iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa soo jeedinaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, lana sii daayo 48 qof oo la haystayaal ah, oo 20 ka mid ah loo malaynayo inay nool yihiin, iyadoo lagu beddelayo boqollaal qof oo reer Qasa ah oo la xiray.
Qorshaha ayaa dhigaya in marka labada dhinac ay ku heshiiyaan soo jeedinta "gargaarka buuxa ayaa isla markiiba loo diri doonaa Marinka Qasa".













