Maxaan ka naqaan Jenaraalka afgembiga ka sameeyay Gabon

Xigashada Sawirka, Mondafrique
- Author, Ahmed cadceed
- Role, Freelance Journalist at BBC News
Daqiiqado uun ka dib markii guddiga doorashada Gabon uu ku dhawaaqay Arbacadii in madaxweyne Ali Bongo Ondimba uu markiisii saddexaad ku guuleystay madaxtinimada dalkaas, saraakiisha sare ee militariga ayaa ku dhawaaqay afgambi waxayna meesha ka saareen natiijada doorashadii dhacday.
Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, Brice Clothaire Oligui Nguema, oo ah taliyaha guud ee Ilaalada Jamhuuriga Gabon oo ah unugga ugu awoodda badan ee amniga dalka ayaa ah hogaamiyaha afgembiga ka dhacay dalkaas.
Haddaba qormadan waxaan ku eegaynaa waxa aan ka naqaan hogaamiyahan milatari ilaa iyo hadda.
Shakhsi awood badan
Nguema waa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu sameynta badan dalka Gabon maanta. Maadaama uu yahay wiil uu dhalay sarkaal ciidan, wuxuu nasiib u yeeshay inuu milatariga ku biiro yaraantiisiiba, wuxuuna tababar ku soo qaatay Kuliyadda Milatariga Boqortooyada ee dalka Morocco oo lagu magacaabo Meknes.
Xirafddiisa milatari waxay soo jiidatay xubnaha ciidamada ilaalada qaranka ee madaxweynihii hore ee Gabon, Cumar Bongo. Kadib Nguema wuxuu soo noqday kaaliyaha madaxweynaha ee arrimaha milatariga ilaa uu markii dambe noqday taliyaha ciidanka ilaalada, sidaas ayuuna ahaa tan iyo geeridii madaxweynihii hore ee gabon oo geeriyooday sannadkii 2009.
Markii wiilka Omar Bongo ee ah Ali Bongo uu xukunka qabtay bishii Oktoobar ee sannadkii 2009, Nguema waxaa loo diray dalalka Morocco iyo Senegal si howlo diblomaasiyadeed uu uga soo qabto, laakiin wuxuu ku soo laabtay Gabon Oktoobar 2018. Sannadkii 2019, wuxuu la wareegay jagada madaxii ciidamada ilaalada.
Ciidamada ilaalada Jamhuuriyadda Gabon oo astaan ahaan loogu yaqaan koofiyaddooda cagaaran, waa ilaalada madaxweynaha dalkaas. Maadaama uu madax ka yahay unugtan milatari, Nguema wuxuu xaqiijiyay in ciidankani uusan kaliya ilaalin madaxweynaha dalka balse wuxuu sidoo kale isku dayey inuu saxo nidaamka amniga gudaha ee dalka isaga oo soo kordhiyay shiishyahanno leh xirfad sare iyo qalab milatari oo casri ah.
Wuxuu sidoo kale soo kordhiyay dib u habayn lagu sameeyay ilaalada qaranka, isaga oo diyaariyey waxa loo yaqaan qaybta soo dhexgalka gaarka ah oo si toos ah uga amar qaadanaysa Cali Bongo.
Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, Nguema wuxuu sidoo kale sameeyay hees uu wacad ku marayo inuu ilaalinayo madaxweynaha, waxaana erayada heesta qaar ka mid ah: “Waxaan madaxweynaha u ilaalinayaa si sharaf iyo daacadnimo ku dheehan tahay”.

Xigashada Sawirka, Ali Bongo
Ganacsade milyaneer ah
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ka sokow hawlaha diblomaasiyadeed iyo milatariga, Nguema sidoo kale waa ganacsade, waxaana dalka Gabon looga aqoonsan yahay inuu ka mid yahay milyaneerada dalkaas.
Sida laga soo xigtay baaritaan sannadkia 2020-ka uu sameeyay ururka saxafiyiinta baara Dembiyada qorshaysan iyo Mashaariicda Musuqmaasuqa ee magaciisa loo soo gaabiyo (OCCRP), hantida qoyska Bongo ee Maraykanka, Nguema wuxuu ka ahaa xubin lagu balaariyo ganacsiyada qoyska ee dibadda maadaama sida warbixinta ku qoran uu yahay ina adeerka madaxweyne Cali Bongo.
“Waxa uu iibsaday saddex guri oo ku yaala xaafadaha ladan ee xaafadaha duleedka magaalooyinka Hyattsville iyo Silver Spring, sannadihii 2015 iyo 2018. Guryaha waxaa lagu iibiyey wadar lacageed oo dhan $1 milyan oo lacag caddaan ah.” Sidani waxay ku qoran tahay warbxinta ay daabacday OOCRP.
Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay inuu diiday in uu warkan wax faallo ah ka siiyo wariyeyaasha isaga oo yiri: “Waxay ila tahay hadii ah tahay Faransiiska ama Maraykanka, nolosha shakhsiyeed waa nolol shakhsiyeed, waana in la ixtiraamo.”

Xigashada Sawirka, EPA
Nguema iyo madaxtinimada gabon
Waraysi uu siiyay wargeyska faransiiska ee Le Monde, ayuu Arbacadii Nguema kaga hadlay fikirka ah inuu doonayo in uu noqdo madaxweynaha Gabon mar haddii uu ka qayb qaatay afgembiga ninkii uu ilaalinayey.
"Marka laga soo tago niyad-jabkan, waxaa jira xanuun la soo darsay madaxweynaha qaranka (Cali Bongo waxaa ku dhacay Faalig bishii Oktoobar 2018, kaas oo ka dhigtay inuu daciifo). Qof kastaa wuu ka hadlaa, laakiin ma jirto cid xil iska saartay. Xaq uma lahayn inuu mar saddexaad xilka sii hayo, Dastuurkii baa lagu tuntay, habka doorashada lafteedu ma wanaagsanayn. Markaa ciidanku waxay go’aansadeen inay bog cusub furaan, si ay u qaataan mas’uuliyadooda,” ayuu yiri Nguema.
Waxa uu intaasi ku daray in Cali Bongo uu shaqada ka fadhiisan karo, isla markaana uu heli karo xuquuqdiisa sida muwaadin kasta oo Gabon u dhashay, isaga oo intaa ku daray in Janaraalladu ay kulmi doonaan si ay u go’aansadaan qofka beddeli doona Bongo marka saacaddu tahay shanta galabnimo ee xilliga Gabon isla Arbacada maanta.
Dalalka galbeedka iyo bartamaha Afrika ayey afgembiyadu ku soo badanayaan iyada oo dalka Niger uu milatarigu afgembi ka sameeyay bishii Luulyo. Tani waxay sidoo kale saameyn ku yeelanaysaa urur goboleedka galbeedka Afrika oo faragelin milatari dhowr jeer ugu hanjabay hogaamiyeyaasha milatariga afgembiga sameeyay ee Niger.










